Home Blog Page 650

Ergayga gaarka ah Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha gurmadka abaaraha iyo wasiirada Gargaarka dowladd goboleedyada oo kulmay.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa xalay kulan fogaan arag ah la yeeshay dhammaan wasiirrada Gargaarka Dowlad Goboleedyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, xubno kale oo ka kala tirsan Xafiiska Raysal wasaaraha iyo Wasaarada Gargaarka ee XFS.

Ra’iisul-wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey geerida allaha u naxariistee Marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac oo xubin firfircoon ka ahaa dalladda Bulshada Rayidka ah ee Soomaaiyeed oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho

DHAGEYSO:Qof Nuucee ah ayuu Ahaa Rabbi ha Unaxariistee Cabdullahi Maxamed Shirwac oo muqdisho ku geeriyooday.

Alle ha Unaxariistee waxaa  xalay xilli danbe Magaalada muqdisho ku geeriyooday sida ay warbaahinta u xaqiijiyay ehelkiisa, Prof Cabdullahi Maxamed Shirwac oo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ku xanuunsanaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay Danjiraha Qatar .

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar u fadhiya dalkeenna Amb. Hassan bin Hamza Hashem.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan gurmadka abaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Ingriiska ee Soomaaliya.

0

Muqdisho May 28, 2022- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la yeeshay Danijira ha Boqortooyada Ingriiska Kate Foster.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay James Swen .

Muqdisho-May 28, 2022– Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swen iyo Xariiriyaha gargaarka bani-aadannimada Adam Abdelmoula.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MARXUUM CABDULLAAHI CABDI GARRUUN IYO MARXUUMAD JAWAAHIR AXMED CILMI.

uqdisho, May 28, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdullaahi Cabdi Garruun iyo Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi oo labaduba soo noqday Sanataro hore oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaank JFS.

Roobka gu’ga oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degaanno kala duwan oo katirsan puntland.

Roobka gu’ga ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degaanno kala duwan oo ka Kala tirsan Gobollada Mudug, Nugaal, Sool iyo Cayn.

Degmooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug oo Maanta looga Fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah ee Fassalka 8aad ee dugsiga dhexe Sanad dugsiyeedka 2021-2022.

Guud ahaan Degmooyinka iyo deegaanada  Dowlad Goboleedka Galmudug  ayaa waxaa  maanta looga Fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah ee Fassalada 8aad ee dugsiga dhexe Sanad dugsiyeedka 2021-2022, waxaana Magaalada Dhuusamareeb imtixaanka ka daah furay Mas’uuliyiin katirsan qaybaha kala duwan ee hey’addaha dowlada oo ay ugu horeeyaan madaxda Wasaaradda Waxbarashada Galmudug.

SAWIRRO:Gudoomiyaha Maxkamada sare oo maanta kulan la yeeshay hawl wadeenada Maxkamaddaha racfaanka Iyo gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Maxkamada sare Ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir  cabdi khadar maxamed xasan gudoomiyaha Maxkamadda racfaanka maxamed axmed cismaan ayaa maanta kulan  la yeeshay dhamaam Garsoorayaasha kaaliyaasha Iyo hawl wadeenada kale ee Maxkamaddaha labada darajo ee racfaanka Iyo gobolka.