Home Blog Page 650

Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Guddiyada doorashooyinka dalka

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay gudiyada hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer federaal, guddiga xalinta khilaafadka iyo xubnaha Jubaland ku mataya guddiga la taliyayaasha farsamo ee Golaha wadatashiga qaran.

Xubnaha Guddiyada ayaa waxaa ay warbixin la xiriirta arrimaha doorashooyinka siiyeen Madaxweynaha Jubbaland, iyaga oo sheegay in meel wanaagsan ay wax u marayaan.

Madaxweynaha ayaa xubna Guddiga ku booriyay inay dardar galiyaan shaqooyinka muhiimka u ah Bulshada Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayaan.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in uu halkaasi kasii wado kulamada looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Maxay ka wadahadleen Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa hay’adda UNFPA?

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliso Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA Mr. Anders Thomsen iyo khuburo la socotay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dar dargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan deegaannada Galmudug.

Wasiirka warfaafinta Galmudug oo sheegay in khasaare culus Al-Shabaab lagu gaarsiiyey Camaara

Wasiirka warfaafinta Galmudug  Axmed Shire Falagle ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar ku bilaawday qaraxyo ismiidaamin ah oo Al-Shabaab ay waaberigii hore ee saakay ku qaadeen deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug.

Wasiir Falagle oo wareysi siiyey Radio  Muqdisho ayaa sheegay in Shabaabkii saakay weeraray Camaara ay iska soo hor mariyeen gaadiid siday xoolo, kaas oo isku qarxiyey xerada ciidanka dowladda ay ka deganaayeen deegaanka.

“Laba gaari oo ay qarax ka soo buuxiyeen ayey saakay ku soo weerareen xerada, markii hore waa lagu sirmay oo gadiidka waxaa saarnaa Ari-dibaax (Ari jar ah) iyo haween ay xoog ku soo wateen, kadibna waxaa loo maleeyey gaari caadi ah oo magaalada u socda, balse waa is qarxiyeen, kadibna waxaa soo bilaawday weerar toos ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug.

Waxa uu sheegay in ciidanka dowladda ay iska caabiyeen weerarkii saakay, oo markii ay dib u riixeen kooxda duqeyn culus lala beegsaday, taas oo khasaare badan uu kasoo gaaray.

Dhanka dowladda waxa uu sheegay in shan askari oo hal sarkaal uu ku jiro ay uga geeriyoodeen dagaalka, halka dhanka Al-Shabaab uu sheegay in khasaaraha gaaray uu 100 dagaalame kor u dhaafayo, balse uu xaqiijinayo 60 dhimasho ah iyo dhaawacyo kale oo nolosha lagu qabtay, sida uu sheegay.

War kooban oo ka soo baxay Taliska Milatariga Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay inay maanta qaadeen howlgal ay ugu magac-dareen “is-difaac guud” oo ka dhan ahaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Camaara, waxayna shaaciyeen in qiimeynta hor-dhaca ah ay muujineyso in duqeymihii dhacay aysan wax ku noqon dad rayid ah.

Wasaaradda A/Dibadda oo war ka soo saartay wadatashiyada la xiriira siyaasadda qaran ee qurbajoogta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa bogaadiyay habsami u socodka hannaanka wadatashiga si loo dhameystiro Siyaasadda Qurbajoogta Qaranka Soomaaliyeed.

Lataliyeyaal iyo xirfadlayaal ka tirsan Waaxda Qurbajoogga, taageerana ka helayay Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM), ayaa kulan wadatashi ah waxa ay 3 bishan August la yeesheen 13 Wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo arrimaha qurbajoogta ay khusayso, waxa ay sidoo kale shir ku qabteen isla 21 bishan August Magaalada Beydhabo , oo ay latashiyo la sameeyeen qurbajoogta kala duwan ee dib ugu soo laabtay Dowlad goboleedka Koonfur galbeed, iyadoo la uruuriyay aragtidooda ku aaddan siyaasadda qaran ee qurbajoogta.

Agaasimaha Waaxda Qurbajoogga, Mudane Maxamed Ibraahim Cawaale, ayaa sheegay in kooxdiisu ay sii wadi doonto kulammada wadatashiga ee ay la yeelanayaan dhammaan qurbajoogta Soomaaliyeed ee kala duwan ee soo laabanaya iyo dadka saamaynta bulshada ku leh, oo ay ka mid yihiin culimada, haweenka, dhallinyarada, ganacsatada, aqoonyahannada iyo ururrada jaaliyadaha, ayna safarro ku kala mari doonaan dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka sida Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Jubbaland iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay uruurinaysaa aragtiyada kala duwan ee dhinacyada wadatashiga lala sameeyay iyo kuwa lala yeelan doono si siyaasadda qaran ee qurbajoogta u noqoto mid dhinac kasta ka dhammaystiran kahor inta aan la hordhigin Golaha Wasiirrada oo falanqeyn kadib ku soo saara oggolaansho rasmi ah.

Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho kula kulmay Ku-xigeenka Wakiilka QM ee Soomaaliya “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, oo ay ka wada hadleen xaalada dalka iyo tageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Anita Kiki Gbeho uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka iyo hannaanka ay u socdaan doorashooyinka, waxaana intaa kadib laga wada hadlay xaqiijinta qoonddada haweenka 30% ee labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee dalka Afqanistaan

Kumannaan qof oo doonaya in ay ka baxaan dalka Afqaanistaan ayaa waxay wali ku xanniban yihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday halkaasi tan toddobaadkii aanu soo dhaafnay.

In ka badan 10,000 oo qof ayaa halkaasi laga daad-gureeyay tan iyo Isniintii.

Balse waqtiga ayaa imika ciriiri ah maadaama waqtiga kama dambeysta ee Mareykanka ciidamadiisa uu kala baxayo Afqaanistaan ay ku egtahay 31 August.

Talibaan waxay ka digeen in Mareykanka uu ka dib dhaco waqtiga kama dambeysta ee uu u qabtay bixitaanka ciidamadiisa.

Dhanka kale dalalka G7 ayaa maanta yeelanaya kulan ay uga hadlayaan daad-gureynta ka socota Afqaanistaan.

Ciidanka ilaalada xeebaha Tunuusiya oo gacanta ku dhigay kooxo dadka Tahriibiya

0

Ciidanka ilaalada xeebaha Tunuusiya ayaa soo qab qabtay 11 kooxood oo Tahriibeyaal ah kuwaas uu 129 ka mid ahi u dhasheen dalka Tunuusiya halka 30 oo kalena u dhasheen dalalka Afrikada kale.

Dadka ayaa ka kala baxay Dekedda Taguemess,Chebba,Sfax iyo Kelibia sida ay ku dhawaaqday Wasaaradda difaaca Tunuusiya.

Tahriibeyaasha ayaa loo soo qaaday dhinaca Dekedda Menzel jemil waxaana la wareegay Ciidamada qaranka Tunuusiya oo sanaddahan la tacaalayey tahriibayaasha sharci darada ah oo halkaas ka dhigtay marin ay uga sii gudbaan dalalka reer Yurub.

Ciidanka xoogga dalka oo ka hortegay weerar ay Argagixisadu ku qaaday Camaara

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa ka hortagay weerar ay saakay argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Xooggu ku leeyihiin magaalada Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha Xoogga Dalka qeybta 21-aad ayaa sheegay inay khesaare xooggan ay gaarsiiyeen Argagixisada kusoo duushay magaalada Camaara.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in maanta ay soo bandhigi doonaan khasaaraha gaaray kooxda, oo iska caabin adag kala kulantay ciidanka xooga dalka.

Wixii ka soo kordha kala soco SNTV.SO

Akhriso: War-saxaafadeed laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shir labadii maalmood ee lasoo uga socday magaalada Muqdisho, kaasi oo heshiis looga gaaray habraacyada doorashooyinka dalka.

War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saaray 7-habraac oo looga heshiiyey doorashooyinka, kuwaas oo kala ah.

–      Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada

–      Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada

–      Habraaca Xulista Ergada Doorashada

–      Habraaca Amniga Doorashada

–      Habraaca ilaalinta Qoondada Haweenka

–      Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland

–     Hawlaha Lataliyayaasha Farsamo ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Golaha ayaa isla qaatay in ergooyinka doorashada ee dooranaya xildhibaanada golaha shacabka ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaan gashan xukuumadda iyo bulshada rayidka, taas oo ay hubinayaan guddiga doorashada heer dowlad ee heer federal.

Ergada Somaliland ay soo xulayaan duubabka nabadoonada iyo bulshada rayidka ee la isla ogol yahay, kuwaasi oo ay hubin doonaan guddiga maamulka doorashada Somaliland iyo xafiiska Rooble.

Golaha ayaa si waafaqsan heshiiskii 27-kii May waxay go’aamiyeen in la abuuro guddiga amniga doorashada oo ka kooban 10 xubnood oo ka kala imaanaya Talisyada maamulka, Taliska booliska Soomaaliyeed iyo Ra’iisul wasaaraha.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka oo dhameystiran

Tababar ku saabsan tayeynta Dowladda Hoose oo ka furmay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

0

Wasiiru dowlaha ahna kusimaha Wasiirka wasaaradda arrimaha guddaha Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowlad goboleedka  Galmudug ayaa tababar  socondoona mudo 4 maalin ah uga furtay Degmada Dhuusamareeb shaqaalaha dowladda hoose ee degmada dhuusamareeb

Tababarkaan mudada uu  socdo waxaa lugu baran doonaa  nidaamka maaraynta  shaqaalaha Dowladda Hoose iyo siyaasadda shaqaalaha dowladda hoose

Wasaaradda arrimaha guddaha oo ka duulaysa waajibaadkeeda ku aadan tayeynta awoodaha maamul ee dowladaha hoose ayaa maalmahan ku howlan tababaro kor loogu qaadayo aqoonta iyo tayada Dowladaha Hoose.