Home Blog Page 648

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo gaaray dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo howlo shaqo ku tagay Dalka Turkiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magalada Ankara  ku soo dhaweyay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u jooga Turkiga.

Wasiirka ayaa inta uu ku Suganyahay Turkiga kulamo la qaadan doona Masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga, isagoo kala hadli doona xoojinta xiriirka milatari ee ka dhexeeya labada dal.

Wasiir Xasan ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in uu booqdo xerooyinka ay dowladda Turkiga ku tababareeyso ciidamada Soomaaliyeed ee Gorgor iyo Haramcad.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha taageerada Millateri siiya Soomaaliya, waxuuna Turkigu Soomaaliya u tababaray kumanaan askari oo ka kala tirsan ciidamada militeriga iyo booliska gaarka ah ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dagaal adag kula jira kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Ciidamada PMPF-ta Puntland oo fuliyey howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish

Ciidamada ilaalada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF  ayaa hawlgallo qorshaysan saacadihii la soo dhaafay ka fuliyey dhulka Buuraleyda ah ee ku yaalla gobollada Bari iyo Sanaag, gaar ahaan deegaanada Durduri, Ceelaayo, Dhadhaab, Warbid, Majayahan iyo Togga Dhagcaan.

Deegaanadaas waxaa la sheegay in mararka qaar ay weerarro ka geysan jireen kooxaha Argagixisada ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.

War kasoo baxay Ciidamada badda Dowlad Goboleedka Puntland ee PMPF ayaa lagu yiri, “Ciidamada Badda Puntland ee PMPF waxaa markasta ka go’an u qareemidda shacabkooda, ka jiridda dhulkooda falalka liddiga ku ah horumarka, ka cidhibtiridda Baddooda Burcadda, Jiriifka, Mukhaadaraadka, Kalluumaysiga sharcidarada ah, Hubka kootarabaanka ah iyo waxkasta oo wadanka dhib ku ah.”

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada ilaalada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ay howlgalkooda ku gaareen degaannada Durduri iyo Ceelaayo, halkaas oo la sheegay inay horay u joogi jireen Xubno ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.

Shir looga hadlayey Istaraatiijiyadda Sare u qaadista isticmaalka Gaaska Cuntada oo Muqdisho  lagu soo geba-gabeyay “SAWIRRO”

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xaashi Carabeey ayaa Muqdisho ugu soo xeray kulan looga hadlaayay Istaraatiijiyadda Sare-uqaadista isticmaalka Gaaska Cuntada kaas oo ay ka qeybagalayeen Mas’uuliyiin Matalayay Hay’adda Dowladda , Dowlad Gobaleedyada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee iibiya Gaaska Cuntada.

Xeritaanka kulanka Waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Xubno ka tirsan Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Waxaana agaasinka kulanka iska-kaashaday Agaasinka Deegaanka iyo Cimilada Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Agaasinka Deegaanka ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ugu horreyntii u mahadceliyay Mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee kulanka joobjoogga ahaa mudadii uu Socday , Waxa kaloo si qota dheer uu ugu hadlay Xoojinta wada-shaqeynta Laamaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ganacsata si loo illaaliyo deegaanka , Shacabkana u helaan Gaas qiimo jaban oo tayo leh,

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka ayaa kula dardaarmay dhaqan-gallinta Habraacyada iyo Sharciyadda Wasaaradda ay u dajisay Hagidda Ganacsiga iyo Ganacsata ee ku qotama Gaaska ,isagoo xusay in ay ku garabsiinayaan ganacsata wax walba oo suurta-gal ka dhigi kara in qiimo jaban oo macquul ah ay ku helaan shacabka Soomaaliyeed Gaaska Cuntada .

Cayaartooyda Hayland oo ka soo dagay garoonka Aadan Cabdulle

0

Cayaartooyda kubada cagta ee ka timid Haayland ee maamul goboleedka Puntland  ayaa waxaa garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku Soodhaweyay Wasiiro ka tirsan  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socotay qaar ka mid ah hay’addaha Dowladda Soomaaliya, Maamulka Gobalka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmooyinka Gobalka Banaadir.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca amniga Gobalka Banaadir Cali Yare Cali oo ka hadlay soo dhoweynta ayaa sheegay inuu rajeynayo in ay cayaartooydu la cayaaraan degmooyinka gobalka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaliya Cismaan Abokor Dubbe oo ka mid ahaa Wasiiradii soo dhoweysay ayaa sheegay in cayaaruhu yihiin caafimaad iyo is dhexgal bulsho Xukuumadduna ay dhiirigelineyso dhalinyarada Soomaaliyeed ee cayaaryahanada ah.

Cayaartooyda  ayaa ka kooban 30 iyo dhowr ruux oo ku matalayay Gobalka Hayland kuwaasoo dhowaan ku guuleystay Tartanka Koobka Kubadda Cagta iyagoo ka guuleystay Gobalka Nugaal.

Madaxweynaha HirShabeelle oo dib ugu laabtay Jowhar “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay dib ugu laabteen Magaalada Jowhar, halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Xubno ka Tirsan Labada gole ee Dowlad Gobledka Hirshabelle iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxwynaha dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb galay kulankii Golaha wadatashiga Qaran ee laga soo saaray habraaca doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay socdaalkii shaqo ee uu ku tagay Degmada Cadale, Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Muqdisho uga qeyb galay isagoo ugu dambeyn sheegay in todobaadka soo socdo Hirshabeelle ay ka bilaaban doonto doorashada Aqalka Sare.

Alshabaab oo Qarax la eegtay sargaal katirsan wasaarada Arimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah

Qarax la sheegay inuu ahaa mid lugu xiray gaari ayaa waxaa uu maanta ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Taleex.

Qaraxa ayaa lala eegtay sargaal katirsan wasaarada Arimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah oo lagu magacaabo Adan Axmed Hirad balse sargaalkaan ayaa ka badbaaday qaraxaan oo ay kooxda argagixisada ah rabeen inay ku khaarajiyaan.

Inta badan kooxda arxanka daran ee alshabaab ayaa qaraxyada caynkaan oo kale ah la eegta dadka haldoorka ah ee indhaha u ah bulshada.

Qaraxa ayaa lala eegtay sargaal katirsan wasaarada Arimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah
Qaraxa ayaa lala eegtay sargaal katirsan wasaarada Arimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Jubbaland oo magacaabay guddiga diyaar garowga iyo ka jawaabista Aafooyinka

0
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa maanta magacaabay guddiga diyaar garowga iyo ka jawaabista Aafooyinka.
Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa loo magacaabay si ay gundhig ugu noqdaan ka wajaabista iyo u diyaar Garowga dhammaan musiibooyinka iyo Aafooyinka ka dhici kara dalka gaar ahaana Jubbaland.

Madaxweynaha Maraykanka iyo Ra’iisul wasaaraha Israa’il oo kulan ku yeeshay aqalka cad

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’il Naftali Bennett Aqalka Cad Jimcihii si ay uga wada hadlaan horumarka labada dhinac iyo gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa wada qabtay shir jaraa’id ka hor kulankooda, sida lagu sheegay war ka soo baxay Aqalka Cad,Biden wuxuu tacsi u diray qoysaska askarta Mareykan ah oo lagu dilay weeraradii argagixiso ee Khamiistii ka dhacay Kabul Hamid Karzai International Airport ee Afgaanistaan ​​wuxuuna sheegay in Mareykanku uu dhammaystiri doono howshiisa, iyadoo aan loo eegin xaaladaha.

Madaxweynaha ayaa xusay in kulanka lagaga hadli doono halista Iraan”Waxaan sidoo kale ka wada hadli doonnaa halista Iiraan iyo sida ay nooga go’an tahay inaan hubinno in Iiraan aysan waligeed sameysan hub nukliyeer ah,” ayuu yiri, isagoo hoosta ka xarriiqay in Mareykanka uu sii wadi doono taageerada Israel. “Waxaan hormarineynaa diblomaasiyadda oo aan aragnaa halka ay taasi na geyneyso, laakiin haddii diblomaasiyadda ay guuldareysato, waxaan diyaar u nahay inaan u weecano xulashooyin kale.”

Ra’iisul wasaaraha Israel Naftali Bennett ayaa dhankiisa wuxuu tacsi iyo murugo qoto dheer u diray isagoo ku hadlaya magaca dadka reer Israel shacbiga reer maraykanka askartii kaga dhimatay weerarkii Kabul.

Wasiiro ka tirsan Dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya oo soo gaaray degmada Xuddur

0

Wafdigaan heer Wasiir ah oo lagu soo dhoweeyey magaalada Xuddur ayaa waxa horkacayay wasiirka Cadaalada iyo garsoorka dowlad goboleedka koonfur galbeed Xasan Ibraahim Lubuur oo ay whliyaan Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta koonfur galbeed Saalax Shariif Siidkay  iyo guddoomiyaha gobolka Bakool Shiine Macalin Nuur.

Soo dhoweyn kooban oo loogu sameeyey guddaha garoonka ka dib wafdiga ayaa loo galbiyey guriga martida ee gobolka Bakool halkaas oo ay kulan kula qaateen golaha deegaanka degmada Xuddur, maamulka degmada Tiyeeglow iyo kan gobolka Bakool .

Mas’uuliyiintaan heer Wasiir ee magaalada soo gaaray ayaa maamulka uga warbixiyey ujeedada safarkooda, mudada ay sii joogayaan magaalada iyo kulumo ay laqaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulada iyo booqasho ay ku sameyn doonaan masaajidka weyn ee dhawaan laga dhisay iyo maxkamadaha.

Guddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macalin Axmed iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka, maaliyada gobolka Bakool Maxamed Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegey in wafdigaan deegaanka lagu sugayay ayna ka rajaynayaan in ay xaliyaan arrimo badan.

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Qorshaynaysa Daahfurka Wajiga 3aad ee Talaalka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo kaashaneysa Hay’adda IRC ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku qabatay Madal Dood ah oo looga hadlayay Daah-furka wajiga Sedexaad ee qaadashada  Talaalka COVID-19 si looga hortago qatarta uu kula soo laaban karo Bulshada Soomaaliyeed kaasoo Saameyn taban ku yeeshay Dalka.

Si looga hortago dhibaatada ka imaan karta Cudurkan ayaa ka qeyb galayaasha kulanka loogu iftiimiyay qaabka ay u qaadan karaan Talaalkan oo horey loo bixiyay wajigiisa koowaad iyo Labaad.

Waxaa sidoo kale kulanka ka qeyb galay Mas’uuliyiin uu kamid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka  Dr Cabdiwali Axmed Maxamuud iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Dhusamareeb Cabdi Xaashi Caroole, Ururada dhalinyarada iyo Marti sharaf kale.

Qaar kamid ah Dadka ka qeybgalay Madasha ayaa Su’aalo ku saabsan isticmaalka talaalka ubandhigay Qubaro Caafimaad oo ka socday Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Dhuusamareeb Cabdi Xaashi Caroole oo ka hadlay kulanka ayaa Bulshada u sheegay in ay qaataan Talaalka si looga hortago halista Cudurka COVID-19.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Cabdiwali Axmed Maxamuud ayaa sheegay in mar kasta oo la qaato Talaalka uusan wax dhib ah ku yeelan doonin Cidkasta oo qaadata dhawaana uu bilaaban doono wajiga Sedexaad ee talaalka COVID19.