Home Blog Page 647

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ka qeyb-galay shir madaxeedka IGAD oo maanta ka dhacay dalka Kenya

MUQDISHO,05,07,2022-Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qayb galay meertada 39aad ee Shir Madaxeedka Urur Gobolleedka IGAD oo looga hadlayay nabadda, abaaraha ku dhuftay dalalka geeska afrika,isbebadalka cilimada iyo arrimaha kale ee mudnaanta u leh gobolka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo shirka ku matalayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixin ka siiyey madaxda urur gobolleedka IGAD horumarada la gaaray iyo qorsheyaasha dowladda ee dhinacyada ammaanka iyo dib u soo kabashada dalka, gaar ahaan dadaallada dowladda ee wax ka qabashada arrimaha abaaraha ku dhuftay qeybo badan oo kamid ah dalka.

Dalalka ka qeyb galay shirka ayaa boggaadiyey isbedelkii dimoqraadiga ahaa ee ka dhacay dalka, iyagoo hambalyo ku aaddan u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed

Shirkaan qodobada looga hadlay waxaa kamid ah xiisada dagaal ee ka dhex aloosan Dowladdaha Suudaan iyo itoobiya ee salka ku haya arimaha Wabbiga Niil

 

 

 

 

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Abuukar Subeer oo maanta xilkii la wareegay

Muqdisho:05,07,2022,Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa xilka kala wareegay maanta Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Ibraahim Nuur,

Labada masuul ayaa xilka kula kala wareegay  munaasabad ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo uu goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha xafiiska Mudane Cabdixakiin Ashkir.

 

Madaxweynaha Hiirshabelle oo maanta qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho: 05, Luulyo, 2022: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo Wafdi ay hoggaaminaysay.

Wasaaradda arrimaha guddaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug oo dhuusamareeb tababar uga furtay madaxda iyo shaqaalaha xafiisyada dowladaha hoose ee Caasimada Galmudug

0

Muqdisho,05,7,2022: Wasaaradda arrimaha guddaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa tababar ku saabsan Maamulka iyo maareynta Xafiisyada dowladaha hoose uga furtay  Magaalada Dhuusamareeb qaar ka mid ah madaxda iyo shaqaalaha xafiisyada dowladaha hoose ee Caasimada Galmudug.

[DHAGEYSO+SAWIRO]Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Galmudug oo qeylo dhaan ka muujiyey Abaaraha ka jira deeganada Gobolkaas

MUQDISHO-05-7-2022-:Guddoomiyaha Gobolka  Mudug iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Maamulka Galmudug oo safar lagu kormeerayey Xaaladda Abaaraha ku Maray Deegaano dhaca Bariga Gobolka Mudug.

Maxaa looga hadlayaa Shir Madaxeedka IGAD ee maanta ka furmaya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

0

Muqdisho,05,7,2022:Maanta oo talaado ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi ee caasimada Wadanka Kenya uu ka furmo  shirka meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD.

[DAAWO]Ciidanka Gaarka ah ee NISA oo howlgallo ka sameeyay qeybo katirsan degmooyinka magaalada Muqdisho

MUQDISHO-5-7-2022-:Ciidanka Gaarka ah ee NISA ayaa howlgalo ka sameeyay degmooyinka Howlwadaag, Wartanabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

(SAWIRRO) Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Ankara

Muqdisho:04,7,2022;Madaxwaynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee Ankara.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka oo berri Magaalada Nairobi uga qeybgalayo shir madaxeedka IGAD oo muqdisho ka dhoofay

Muqdisho,04,7,2022:Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qayb galaya meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD oo maalinta barri ah ka qabsoomi doonta wadanka Kenya, gaar ahaan Nairobi.

Guddoomiye sheikh Aadan Madoobe iyo R/W Hore Rooble oo caawa u amba baxay dalka Sucuudi Carabiya

0

Muqdisho Luulyo 04,2022;Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe u amba baxay dalka Sucuudi Carabiya halkaas oo maalmaha uu ku suganyahay ku soo qaadan doono gudashada acmaasha Xajka.

Wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomiyaha oo ay ugu horeeyaan Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar ka mid ah wasiirada xilgaarsiinta ayaa ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan kula dardaamay in dalka iyo dadka loo duceeyo si uu Allah uga samatabixiyo Abaarahan soo noqnoqday.

Guddoomiyaha oo ugu dambeyn Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laabta isku furaan si loo helo midnimo iyo wadajir.