Madaxweynaha Jubbaland oo maanta la kulmay saraakiisha ciidanka Amniga

Date:

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalmahan safar shaqo ku jooga degmada Dhoobleey ayaa maanta la kulmay saraakiisha ciidanka Amniga.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku weheliyey wasiirka Amniga Gen: Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, Guddoomiyaha maxkamadda sare Cabdishakur Sheikh Maxamed Rashiid, Xeer ilaaliyaha guud Maxamed Sheekh Cusmaan, Guddoomiyaha degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xassan, Taliyaha guutada 11-aad qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo saraakiisha ciidanka Jubbaland ee ka howlgala degmada Dhoobley.

Madaxweynaha ayaa sarakiisha ka dhagaystay warbixinta xaalada amniga Degmada iyo deegaanada ku xeeran.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa darajada labo xidigle u dalacsiiyay sargaalad Miski Maxamed Cali oo katirsan Ciidamada booliska Degmada kadib shaqo wanaageeda iyo Sida hufan ee ay ugu adeegto bulshada.

 

 

 

.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah oo qirtay dadaallada horumarka nidaaminta Isgaarsiinta dalka

Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS Sheekh Mukhtaar...

Ururadii ka qeyb galay Doorashadii K/Galbeed oo isbaheysi siyaasadeed sameystay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...