Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray Guddiyaddii doorashada dadban , isagoo uga mahadcelyay sidii wanaagsanayd ee ay u gudteen Waajibaadkoodii.
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya .
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa Xafiiskiisa Aqalka Sare ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Mudan Fei Shengchao.
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la yeeshay Safiirka Qatar ee Muqdisho.
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Qatar ee Muqdisho, Amb. Hassan bin Hamza Hashem.
Madaxda Ugu Sareysa Qaranka oo maanta Salaada Janaasada ku tukaday Marxuum Shirwac oo Muqdisho ku geeriyooday.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mohamed Hussein Rooble, Guddoomiyaha Aqalka Sare Abdi Xaashi Abdullahi, Mas’uuliyiin iyo dadweyne ayaa masjidka Isbahaysiga salaadda Janaasada kula tukaday Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo xalay ku geeriyooday Muqdisho.
Mudaaharaadyo xoogan oo ka socda Suudaan iyo Tirada dhimashada oo gaaratay ilaa 100 qof.
Shalay, Golaha Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan ayaa ku dhawaaqay dilka qof ka mid ah dadkii ku mudaaharaadayay caasimadda Khartoum, taasoo ka dhigaysa tirada dadka ilaa hadda dhibaatada ay soo gaartay tan iyo 25kii Oktoobar 97 qof.
DHAGEYSO:Masuuliyiin katirsan Galmudug oo maanta kormeer ku tagay deegaan hoostaga Gaalkacyo oo ceelbiyood bulshada baahi u qabeen laga qodayo.
Masuuliyiin ka tirsan Maamul goboleedka galmudug ayaa gaaray deegaanka jeexdin oo hoostaga Magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug halkaas oo uu ka socdo qodista ceelbiyood riig ah kaas oo bulshada xoola dhaqatadaa ay baahi weyn u qabeen.
Xaalada bini-adanimo dadka ku nool Tuulooyin hoostaga Degmada Mahadaay oo laga deyrinaayo.
Waxaa laga deyrinayaa xaaladda bini-adanimo dadka ku nool Tuulooyin hoostaga Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo uu ka dilaacay xanuunka shuban biyoodka.
Wafdi ka socda Hay’adda Wadaniga ah ee Tadamun oo ka shaqaysa arrimaha bulshada oo kulan la qaatay madaxweynaha Dowlad goboleed Koonfur Galbeed
Wafdi ka socda Hay’adda Wadaniga ah ee Tadamun oo ka shaqaysa arrimaha bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Howlaha Gargaarka iyo Horumarinta ayaa xalay kulan la qaatay madaxweynaha Dowlad goboleed Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Madaxweyne Hassan sheikh maxamuud oo ka tacsiyeeyey Geeridii ku timid Marxuum Cabdulaahi Maxamed Shirawac.
Muqdisho, MAY 29, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
