Home Blog Page 649

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Qorshaynaysa Daahfurka Wajiga 3aad ee Talaalka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo kaashaneysa Hay’adda IRC ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku qabatay Madal Dood ah oo looga hadlayay Daah-furka wajiga Sedexaad ee qaadashada  Talaalka COVID-19 si looga hortago qatarta uu kula soo laaban karo Bulshada Soomaaliyeed kaasoo Saameyn taban ku yeeshay Dalka.

Si looga hortago dhibaatada ka imaan karta Cudurkan ayaa ka qeyb galayaasha kulanka loogu iftiimiyay qaabka ay u qaadan karaan Talaalkan oo horey loo bixiyay wajigiisa koowaad iyo Labaad.

Waxaa sidoo kale kulanka ka qeyb galay Mas’uuliyiin uu kamid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka  Dr Cabdiwali Axmed Maxamuud iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Dhusamareeb Cabdi Xaashi Caroole, Ururada dhalinyarada iyo Marti sharaf kale.

Qaar kamid ah Dadka ka qeybgalay Madasha ayaa Su’aalo ku saabsan isticmaalka talaalka ubandhigay Qubaro Caafimaad oo ka socday Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Dhuusamareeb Cabdi Xaashi Caroole oo ka hadlay kulanka ayaa Bulshada u sheegay in ay qaataan Talaalka si looga hortago halista Cudurka COVID-19.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Cabdiwali Axmed Maxamuud ayaa sheegay in mar kasta oo la qaato Talaalka uusan wax dhib ah ku yeelan doonin Cidkasta oo qaadata dhawaana uu bilaaban doono wajiga Sedexaad ee talaalka COVID19.

Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka qeyb galay Kulan looga hadlayey istaraatiijiyadda Sare u qaadista isticmaalka Gaaska Cunatada oo lagu qabtay Muqdisho

0

Shirkan wada tashiga ah oo u dhaxeeyay hey’adaha Dowliga ah iyo ganacsatada Gaaska ayaa muddo labada cisho ah ee uu socon doono waxaa diirada lagu saari doonaa qaabka sare loogu qaadi karo isticmaalka Gaaska Cuntada iyadoo laga duulayo qorshaha Yareynta iyo joojinta isticmaalka dhuxusha, si looga hortago xaalufinta dhirta loona ilaaliyo deegaanka.

Shirka oo uu soo qaban qaabiyay Agaasinka deegaanka iyo isbedalka cilmilada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kaashanaya wasaaradda Batroolka iyo Macdanta islamarkaana ay ka qeyb galeyn Xildhibaano,Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ganacasto iyo qeybaha kala duwan ee bulshada wuxuu hadafkiisu yahay yareynta isticmaalka dhuxusha iyo kor u qaadida isticmaalka Gaaska sida uu madasha ka sheegay is-duwaha Barnaamijka yareynta Isticmaalka Dhuxusha Cabdiqani Raage Barrow.COD

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Axmed Yuusuf Axmed Ayaa xusay inuu hadafkoodu yahay In hoos loo dhigo qiimaha Gaaska, si loo yareeyo isticmaalka dhuxusha taas oo lagu badbaadin karo deegaanka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Maxamed Xaashi Carabey iyo Agaasimahq Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabdicasiis Ibraahim Aadan ayaa si qoto dheer uga hadlay doorka wasaaradahooda kaga aadan ilaalinta deegaanka iyo dhiirigelinta sare u qaadida isticmaalka Gaaska.

Xildhibaan Sahro Cumar Maalin ayaa tilmaamtay inay ka qeyb qaadan doonaan La dagaalanka Nabaad guurka iyo dhiirigelinta Maamulka iyo maareynta deegaanka.

Shirka oo looga dooday Caqabadaha hortaagan ganacsatada Gaaska iyo sidii Isticmaalkiisa loo gaarsiin lahaa dalka oo dhan ayaa la filayaa in berri laga soo saaro qorshe lagu mideysanyahay oo lagu balaarinayo isticmaalka Gaaska loogana hortagayo isticmaalka Dhuxusha.

Cristinano Ronaldo oo dib ugu laabanaya Manchester United

0

Laacibka Kubadda Cagta Cristinano Ronaldo ayaa dib ugu laabanaya horyaalka Ingiriiskaa, waxaana heshiis la gaartay kooxdiisii hore ee Manchester United, iyadoo weeraryahankan caalamiga ah ee reer Portugal uu dib ugu noqonayo garoonka Old Trafford.

“Manchester United waxay ku faraxsan tahay inay xaqiijiso in kooxdu ay heshiis la gaartay Juventus, si loogu wareejiyo Cristiano Ronaldo” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay kooxda Manchester United oo intaas ku daray “Cristiano, oo shan jeer ku guuleystay cabal-marinta Ballon d’Or, wuxuu ilaa hadda ku guuleystay 30 koob oo waaweyn intii uu ku jiray xirfadiisa, kuwaas oo ay ku jiraan shan horyaal oo Champions League ah, afar koob oo FIFA Club World Cup ah, toddoba horyaal oo England, Spain iyo Italy ah, iyo koobka qaramada qaaradda Yurub oo uu dalkiisa Portugal u qaaday.”

Manchester United ayaa sidoo kale bayaankeeda ku sheegtay in taageereyaasheedu ay ku farxeen soo noqoshada halyeygoodii hore, kaas oo u dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu u ciyaaray intii u dhexeysay 2003-2009.

Ronaldo ayaa khamiistii sheegay inusan dooneyn inuu la sii joogo kooxda Juventus ee horyaalka Talyaaniga, waxaana durbadiiba soo baxay in Manchester City oo deris la ah Manchester United ay xiiseyneyso saxiixiisa, waloow ay markii dambe ay ka laabatay, taas oo uu fursad u siisay inuu ku laabto koodiisii hore.

Maamullada Puntland iyo DDS oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Maamulada Puntlanda iyo dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa gaaray heshiis ka dib kulamo maalmihii lasoo dhaafay uga socday magaalada Goldogob ee gobolka Mudug.

Heshiiskaan ayaa waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka Amniga ee labada maamul iyo wada shaqeynta laamaha Amniga.

Waxaa kaloo ka mid ah sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen ka hortagga sicir bararka iyo canshuuraha laga qaado bar xuduudeedkaa, iyo ka hortagga deegaameyn cusub oo halkaasi laga sameeyo.

Waxaa looga hadlay wadahadaladii Shiinaha iyo Mareykanka?

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda Gaashaandhigga Pentagon ayaa wadahadallo la yeeshay militariga Shiinaha markii ugu horreysay tan iyo bishii January oo uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Joe Biden, kuwaas oo diiradda lagu saaray maareynta khatarta u dhexeysa labada dal.

Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa wadahadalladan u xaqiijiyay wakaaladda wararka Reuters.

Mareykanka ayaa sanadahan ka hortagga Shiinaha udub dhexaad uga dhigay siyaasaddiisa amniga qaranka, iyadoo maamulka Biden uu ku tilmaamay loolanka Beijing in uu yahay “imtixaanka ugu weyn ee juqraafi siyaasadeedka” qarnigan.

Xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka ayaa sii xumaanayay marba mark a ka dambeeya, iyadoo labadan dal ee dunida ugu dhaqaalaha weyn ay isku hayaan arrimo badan, kuwaas oo ay ka midyihiin arrinta Taiwan, diiwaanka xuquuqda aadanaha ee Shiinaha iyo dhaqdhaqaaqa milatari ee Badda Koonfurta Shiinaha.

Madaxweenaha Jubbaland oo Kismaayo dib ugu laabtay “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada Ku Meel Gaarka ah ee Jubbaland kadib safar shaqo oo uu maalmahii lasoo dhaafay ku joogay Magaalada Muqdisho.

Madaxweenaha ayaa Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo si diiran ugu soo daweeyay odayaasha cuqaasha iyo qeebaha Kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kaga qeyb-galay shirka madasha wadatashiga qaran ee Arrimaha Doorashooyinka kaas oo lagu gaaray go’aamo wax ku ool ah oo lagu dar-dar gallinayo howlaha Doorashooyinka dalka.

Tababaraha Juventus oo Ka hadlay tagitaanka Ronaldo

Tababaraha kooxda kubadda cagta Juventus Massimiliano Allegri ayaa ku dhawaaqay warkii dunidu u dheg taagaysay ee Cristiano Ronaldo iyo xaqiiqada Ku aadan in uu ka tegayo kooxda Juventus.

Allegri oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in maalintii shalay ee Khamiista aheed uu Cristiano Ronaldo si cad ugu sheegay in uu ka tegayo kooxda Juventus, isla markaana ay kooxdu u ogolaatay.

Tababaraha kooxda Juventus ayaa yiri: “Cristiano Ronaldo shalay ayuu ii sheegay inuu si degdeg ah uga tegayo Juventus. Waa run waana xaqiiqo. Tani waa sababta aanu maanta u qaadanin tababarka, mana ciyaari doono kulanka berri ee Empoli.”

Tababaraha oo hadalkiisa sii wata, ayaa yiri: “Anigu kama niyad-jabsani Cristiano Ronaldo. Waxa uu doonayaa inuu tago, doorashana wuu sameeyey. Waxa uu doonayaa koox kale kaddib saddex sannadood oo uu halkan joogay. Waa qayb nolosha ka mid ah.”

Xiddiga reer Portugal ayaa saaka tegay xarunta tababarka Juventus xilli ay ciyaartoydu ku sugan yihiin, waxaana uu kusoo macasalaameeyey ciyaaryahannada iyo shaqaalaha tababarka.

Laacibkan ayaa kusii jeeda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la sheegayaa in uu laba sannadood oo heshiis ah u saxeexayo Manchester City.

Ronaldo oo Juventus ay 105 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Real Madrid xagaagii 2018 ayaa waxa uu go’aansaday inuu ka tago Turin saddex sannadood kaddib, waxaana kaliya la sugayaa inta ay Man City sida rasmiga ah ugu dhawaaqayso heshiiskiisa.

Saraakiil ka mid ah Booliska Hirshabelle oo qaatay tababar la xiriiray sharciyda

0

Konton iyo lix sarkaal oo ka tirsan Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa qaatay tababar socday muddo shan maalmood ah,kaas oo ku saabsanaa ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta,gaar ahaan xilliyada  Doorashada.

Saraakiishaan oo sidoo kale qaatay daruus la xiriirtay maareynta nidaamka dadweynaha,waxa  laga soo kala xulay saldhigyada kala duwan ee Boliiska magaalada Jowhar, waxaana ciidamadaasi ku jiray 15 sarkaal oo haween ah.

Tababarkaan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo qeybta Booliska ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa diiradda lagu saaray xakameynta dadka, maareynta rabshadaha iyo bannaanbaxyada.

AMISOM ayaa waxaa  Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ka taageeraan dhanka tababarka iyo la talinta si ciidamada ay u helaan awoodda ay ku maareeyaan sharciga iyo kala dambeynta.

Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirka Axdiga Carruurta Afrika

0

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xanifa Maxamed Ibraahim iyo wefdi ay hogaaminayso ayaa dalka Jabuuti kaga qeybgalay shir ay si wadajir ah u soo agaasimeen wasaaradda Haweenka iyo Hey’adda Save The Children, kaas oo diiradda lagu saarayo Axdiga Carruurta Afrika oo ay ansixiyeen 50 dalka oo Afrikaan ah.

Wasiir Xaniifa, ayaa sheegtay in Soomaaliya Axdigan saxiixday sanadkii 1991, balse aan wali baarlamaanku meel marin.

Shirka waxaa looga doodi doonaa muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya saxiixdo Axdigan, waxaana ka qeybglaya khubaro ka tirsan Midowga Afrika.

Soomaaliya oo ka codeysay Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka

0

Wafdiga Soomaaliya uga qeybgalay Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka (UPU) ayaa ka qeybgalay doorashada hoggaanka ugu sarreeya ururkaas oo ka dhacday caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan.

Agaasimaha Boostada Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Mudane Cabdifitaax Maxamed, ayaa ka qeybgalay codeynta oo ah markii ugu horreysay tan iyo markii dib loo soo celiyay xubinnimada UPU sanadkii 2019-kii.

Doorashadii shalay dhacday waxaa ay u dhacday sidaan: Masahiko Metoki oo u dhashay Japan ayaa ku guuleeystay (Agaasimaha Guud ee hay’adda) halka Marjan Osvald oo u dhashay waddanka Slovenia uu asna ku guuleeystay (Agaasime Ku-xigeen).