Abdirahman abdishakuur “oo sheegay in xalaad liidato oo dhanka nolosha ay ka jirto Magaalada Bardheere

Date:

Muqdisho,04,7,2022:Ergeyga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha C/raxmaan C/shakuur oo uu wehliyay Safiirka Qatar u qaabilsan Soomaaliya Hassan Hamse iyo xubno ka socday Hey’adda Qatar Charity ayaa maanta booqday degmada Baardheere oo ka mid ah deegaanada abaarta saameysay, waxaana ku soo barakacay illaa 28 kun oo degan illaa 21 xero:

Deeq gargaar oo Hey’adda Qatar Charity ka timid ayaa la gaarsiiyay qoysaskaas, waxaana carruurta xeryaha ku sugan laga soo sheegayaa in xaalad macluul qarka u saaran yihiin.

Safarkaan maanta Ergayga, waxaa  ku  wehliyey xubo ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha , Safiirka Dowladda Qatar iyo masuuliyiin sare oo ka socotay hay’ada Qatar Al- khayriya.

Ergayga ayaa  ugu baaqay shacabka Soomaaliyed, deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo walaalaha carbeed ee kari kara in ay gurmad degdeg ah la soo gaaraan Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaarahu ku habsadeen.

Ergayga ayaa hore sidaan oo Kale u booqday degaano katirsan gobolada dalka oo abaraha sameeyeen.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...