Home Blog Page 637

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo dugsiga Xorgoble ka bilawday bixinta talaalka Covid19

0

Wasaarada Caafimaadka dawlad goboleedka Puntland, ayaa dugsigga tababarka Xorgoble ee magaalada Qardho waxay ka bilawday bixinta talaalka Covid-19, si ay hoos ugu dhacdo khatarka xanuunka Covid-19 iyo faafitaankiisa.

Dugsiga Xorgoble ayaa ah dugsi uu tababar ugu socdo ciidamada dawlad goboleedka Puntland, waxaana horay ay wasaaradu u gaysay dhammaan talaaladii kala duwanaa ee dalka la keenay.

Sidoo kale dugsiga ayaa si joogto ah looga sameeyaa wacyi-gelin la xiriira sidii faafitaanka xanuunkaan loo xakamayn lahaa, iyadoo macalimiintu ay kaashanayaan bahda caafimaadka iyo maamullada heer gobol iyo mid degmo.

Maxamuud Bashiir Isku-duwe ku xigeenka caafimaadka, oo ay weheliyaan saraakiil sarsare oo ka tirsan wasaarada caafimaadka Puntland, la-taliyayaal, masuuliyiin kale iyo madaxda dugsiga Xorgoble ayaa maanta daahfuray talaalkaan, waxayna ciidanka ku booriyeen inta aan qaadan in ay qaataan talaalka, si naftooda iyo buslahadaba ay u badaadiyaan.

Wasaaradaha caafimaadka dalka ee heer federaal illaa heer dowlad goboleed ayaa dadaal ugu jira sidii bulshada Soomaaliyeed looga xakameyn lahaa faafitaanka cudurkaan halista ah ee Coronavirus, kaas oo hadda markii seddaxaad soo laba kacleeyey, sida ay xalay shaacisay wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya.

Shir Muqdisho uga furmay guddi kasoo shaqeynaya ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Muqdisho shir uga furay Guddi Farsamo oo ka kala Socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Guddigaan ayaa si wadajir ah uga soo shaqeyn doona diyaarinta qorshe howleed ku qotoma sidii Dowladda Soomaaliya ay ula wareegi leheed Amniga Guud ee Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in guddigaan uu ka shaqeyn doono sidii sanadka 2022-ka ay AMISOM ammaanka dalka ugu wareejin laheyd ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Guddigaan ayaa seddaxda bilood ee soo socota soo diyaarin doona warbixin ku saabsan la wareegitaanka amniga qaranka ee ciidamada qaranka Soomaaliya, taas oo loo gudbin doono Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Ugu dambeyntii wasiirku waxuu sheegay in guddigaan garabka ka socda dowladda Soomaaliya laga soo kala xulay wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga, arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed liiska musharaxiinta Aqalka Sare u gudbiyey RW Rooble

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta waxay si wadajir ah u soo saareen liiska musharixiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ee Soonaliland.

liiska oo ka kooban 11 kursi ee Gobolada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare ayaa waxaa kujira Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleeymaan iyo Xubno kale.

liiska Musharixiinta Aqalka Sare oo ay Maanta soo saareen Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo ay kujiraan 7 Haween ah ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.

Kursiga koowaad: Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Kursiga labaad
1. Axmed Ibraahim Maxamed (Qorane)
2. Baashe Maxamed Ismaaciil

Kursiga Saddexad
1. Layla Axmed Ismaaciil
2. Maxamed Maxamuud Cabdi

Kursiga Afaraad
1. Deeqa Xasan Xuseen
2. Hodan Abokor Xasan

Kursiga Shanaad
1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari
2. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar
3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali

Kursiga lixaad
1. Bilaal Idiris Cabdillaahi
2. Saynab Axmed Boqore

Kursiga todobaad
1. Saalax Axmed Jaamac
2. Iraahim lidle Saleebaan

Kursiga Sideedaad
1. Siciid Cabdi Xuseen
2. Jaamac Cabdilaahi Maxamed

Kursiga 9aad
1. Cabdirisaaq Axmed Cali
2. Xasan Cabdi Gaas
3. Axmed Maxamed Siciid

Kursiga tobanaad
1. Cismaan Abokor Dubbe
2. Cabdikariim Maxamed Xasan

Kursiga 11aad
1. Muna Cumar Xasan
2. Naciima Xasan Xaaji Maxamuud ( Gadhweyne)
3. Sucaad Xasan Maxamed.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Mavaalada Muqdishonay ka bilaabato doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

MW Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirrada dalalka Nigeria iyo Indonesia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Nigeria Mudane Yusuf Yunusa iyo Indonesia Dr. Mohamad Hery Saripudin.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria Mudane Yusuf Yunusa oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Muhammadu Buhari ayaa sheegay in uu dadaal muuqda gelin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Yusuf ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan kor u qaadidda iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo la dagaallanka argagixisada ee dhibaatada ku haya labada shacab ee Soomaaliya iyo Nigeria.

Dhankiisa, Danjiraha Cusub ee Jamhuuriyadda Indonesia Dr. Mohamad Hery Saripudin oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalkiisa Mudane Joko Widodo ayaa bogaadiyey horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay ee dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidammada, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Danjiraha Cusub ee Indonesia Dr. Mohamad Hery Saripudin ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin, horumar iyo wax wada-qabsi.

 

Wasaaradda caafimaadka oo soo saartay habraaca cusub soona jeedisay in dalka la geliyo Bandow

0

Wasaaradda caasimadka ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay habraaca xakameynta cudurka COVID-19, kaas oo faraya mujtamaca Soomaaliyeed, dadka safraya, iyo kuwa u soo safraya Soomaaliya, dhaqangelinta nidaamka caalimaga ah ee ka hortaga iyo xakameynta cudurka COVID-19.

Habraacaan oo ka kooban 17 qodob waxaa qeyb ka ah qodob dowladda federaalka iyo doolad goboleedyada ay wasaaraddu ugu soo jeedisay inay soo rogaan bandaw xiliga habeenkii ah, si loo xakameeyo cudurkan Coronavirus.

Sidoo kale dhamaan dadka waxaa loogu baaqay inay yareeyaan kulamada, afka xirtaan, is-talaalaan, una hoggaansamaan amarrada wasaaradda caafimaadka.

Hoos ka akhriso habraaca cusub ee COVID-19

Dhismaha wasaaradda Qorsheynta ee DFS oo loogu magac-daray AUN Xuseen Ceelaabe Faahiye

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS oo ay wehliyaan Xildhibaano, Senatarro ayaa maanta ku dhawaaqay in dhismaha Daarta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ay ku shaqeyneyso loogu Magacdaray Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ahaa halyeey Wasaaradda waxweyn ka soo qabtay in badana ka soo shaqeynayay.

Munaasabadaan Ceelaabe loogu Magacdarayay daartaan ayaa waxaa goobjoog ahaa qaraabadda Marxuum Ceelaabe, Senatarro iyo Xildhibaano.

Maxamed Xuseen Hadi oo  lataliye u ah Madaxweynaha JFS qaraabana ay ahaayeen Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in dhismahaan maanta loogu Magacdaro Marxuum Xuseen Ceelaabe.

“Anaga oo ah qaraabada AUN Xuseen Ceelaahe aad ayaan ugu faraxsanahay in daartaan loogu magacdaro qofkasta oo dalka ka soo shaqeeyay ayna taariikhadu ay xusi doonto xumaan iyo wanaag wixii uu sameeyay,” ayuu yiri Maxamed Xuseen Haadi.

Senatarro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada fadraalka Soomaaliya ayaa sheegay in talaabadaan ay dhiiri galineyso dadka nool ee dalka sida hagar la’aanta ah ugu shaqeeya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa sharaxay sababta dhismaha Wasaaradaan looogu Magacdaray Xuseen Ceelaabe Faahiye  Ceelaabe, isagoo sheegay inay u arkeen inuu yahay qofka ugu mudan mansabkaan.

Senator Xasan Koboc oo lagu doortay Jowhar

0

Ganacsade Xasan Iidow Muxumad (Koboc) ayaa ku guuleystey doorasho goordhow ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.
Xasan Koboc ayaa waxa uu helay codad gaaraya 69 cod, halka uu musharaxii la tartamayay Cabdinuur Ibraahim uu helay codad gaaraya 22 cod.

Senator Xassan Iidow Muxumad (Koboc) ayaa noqonaya Senatarkii 6-aad ee lagu doorto magaalada Jowhar intii ay socotay Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Waxaa dhiman labo kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooryo Hirshabelle sida ku xusan bayaankii ay horay u soo sareen Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle.

 

Ciidamo Boolis ah oo loo tababaray sugida Amniga doorashooyinka

0

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta Magaalada Bosaaso ugu soo xiray Tababarka Sugidda Amniga Doorashada ee loo qabtay Ciidamo ka tirsan Booliska Gobalka Bari.

Taliye Xuseen ayaa oo ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay Sugida Amniga Doorashada isagoona kula dardaarmay Ciidamadaan in ay ka ku dhaqmaan casharadii ay qaateen labadii Bari ee lasoo dhaafay.

Horay ayaa waxaa Magaalada Madaxda Dowlad Goboleedyada tababar loogu qabtay Ciidamo Boolis ah oo ka qeyb qaadanaya sugida amniha Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal.

Ardayda dugsigga daarul-xanaan Qardho oo Cumputure cusub loogu deeqay

0

Hay’adda Afrika ee horumarinta oo ah mid ay ku midaysan-yihiin dhalinyaro soomaaliyeed oo samafalayaal ah, mudana ka shaqayneysay arrimaha bulshada iyo garab istaaga dadka danyarta ah, ayaa deeq dhan 10 Cupmuture waxay soo gaarsiiyay dugsiga daarul-xanaan ee Qardho.

agabkaan ayaa ardayda ka caawin-doona sidii ay ugu fududaan lahayd waxbarashadu, si gaar ah barashada maadada cumputue-ka oo ay dhibaato xoog leh ku qabeen, ardayda ayaana isla saaka si joogta xiisadahooda loogu bilaabay.

munaasabad kooban oo agabkaan lagu wareejinayay ayaa waxaa ka qayb-gallay maamulka degmada Qardho, kan gobolka karkaar, bahda waxbaarshada, mamaulka iskuulka iyo madaxda hay’ada Horumarinta ee Afrik.

ugu horayn sheekh ciise Maxamed Cali ayaa madasha ka hadlay, waxa uu sharaxay in agabkaan lagu soo iibiyay isku-tashi iyo deeq ay iska aruuriyeen xubnaha ka tirsan hay’ada sidoo kale waxa uu ka waramay shaqooyinka kale ee hay’adu ay qabatay.

Madaxa dugsigga daarul-xanaan oo ah dugsi ay wax ku bartaan caruurta agoonta ah, sheekh Cabdiqaadir Yaasiin oo mudo dheer gacanta kusoo hayay, soo saaray jiilal badan ayaa u mahad-naqay hay’ada iyo dhalinyarada ku midaysan waxa uuna sheegay in ay xilli ay u baahnaayeen ay u keeneen.

Guddoomiyaha degmada Qardho Maxamed Buraale Seed, Guddoomiyaha waxbarashada Gobolka Karkaar Bashiir Axmed Gaaleri iyo Guddoomiyaha Gobolka karkaar ayaa dhankooda hadlay, waxay una mahad-naqeen dhamaan cidii kusoo tabarucday agabkaan, si la mid ah qurba-joogta iyo ganacsatada ayay ugu baaqeen in la xoojiyo garab istaaga dugsigaaan.

Madaxweyne Lafta-gareen iyo Safiirka Itoobiya oo arrimo muhiim ah ka wada hadlay “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka madaxtooyadda ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Amb: Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi.

Madaxweyne Lafta-gareen iyo safiirka Itoobiya ayaa ka wada hadlay Kulanka Arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga.