Madaxweyne Putin oo qaaday tallaabo dhabar jab ku ah Erdogan

Date:

MUQDISHO-23-7-2022-:Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay dekad muhiiim ah oo ku taalla Ukraine, maalin uun kadib markii xukuumadaha Kyiv iyo Moscow ay gaareen heshiis muhiim ah oo dib loogu billaabayo dhoofinta qamadiga.

Diblomaasiyiin heshiiska wax ka og ayaa sheegay in Ruushka uu oggolaaday in aanu weerarri doonin maraakiibta raashinka ka qaada dekadaha Ukraine, halka Ukraine ay ballan qaaday inay maraakiibta xamuulka ka weecin doonto goobaha miinaysan.

Turkiga ayaa ku dhawaaqay heshiis u ogolaanaya Ukraine in ay dib u soo celiso dhoofinta Qamadiga iyo galleyda ee badda madow.

Jimcihii ayaa Istanbul waxaa ku saxiixay heshiiskaas Ukraine, Ruushka, Turkiga iyo Qaramada Midoobay

Dhawr qarax ayaa ka dhacay dekadda magaalada galbeedka dalkaas ku taalla ee Odessa subaxnimadii hore ee saaka ilaa haatan se ma cadda waxa dhaliyey qaraxyadaas.

Sida uu dhigayo heshiikii shalay Jimcihii la gaadhay, waxa Ruushku aqbalay in aanu beegsan dekadaha inta laga rarayo raashinka.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay heshiiskii shalay la gaadhay rajo soo iftiintay mudo bilo ah oo colaad socotay ka dib.

Xildhibaan laga soo doorto magaalada Odessa oo la yiraahdo Oleksiy Honcharenko ayaa qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada ku yiri: “Waxa magaalada ka dhacay lix qarax dekaddana dab baa ka kacay weerarkaa kadib.

Wuxuu intaa ku daray in ciidanka cirka ee  Ukraine ay soo rideen dhawr gantaal oo kale sidoo kalena ay diyaaradahooda dagaalku  hawada sare ee magaalada kula dagaalamayaan kuwa Ruushka.

“Gacan heshiiska ayay ku saxiixeen halka gacanta kalana ay ay gantaallada ku soo ridayaan,” ayuu yidhi isaga oo Ruushka farta ku fiiqaya, waxaanu raaciyey waxaanu u baahannahay diyaarado dagaal iyo in gebi ahaan ba ciidamada “badda Ruushka ee saldhigoodu yahay Black Sea la baabiiyo, taas ayaa ah sida keliya ee ugu fiican ee raashinka loo dhoofin karo.”

Jimcihii ayaa saraakiil ka socota Ukraine iyo Ruushku waxay saxeexeen heshii ogolaanaya in malaayiin tan oo cunto ah oo ku xayiran dekadaha Ukraine la dhoofiyo.

BBC Xigasho

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...