Muqdisho. 25, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Masar ayaa magaalada Qaahira kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan.
[SAWIRO]Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Qaahir
Muqdisho, 24, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha si diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda Masar Mudane Maxamed Muciid, diblomaasiyiin iyo sarakiil ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.
Maxkamadeynta Askari loo heysto dilka Sarkaal iyo Walaashiis oo bilaabatay degmada cabudwaaq
Muqdisho, Luulyo 24. 2022;Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 21aad ayaa Maanta waxaa ay u farsiisatay kiiska Askari katirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya, kaas oo ku eedeysan in uu dhawaan degmada Cabudwaaq ee gobolka Galaduud kudilay Taliye kuxigeenkii Ciidanka NISA ee Gobolka Galgaduud & Walaashiis.
Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo Booqasho rasmi ah ugu Amba-baxay Dalka Masar
Muqdisho, Luulyo 24. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka xiriirka soojireenka ah la wadaaga dalkeenna ku maraya socdaal ku saleysan dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadda iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dunida ayaa maanta u amba-baxay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.
Guddoomiye sheikh Aadan madoobe oo la kulmay Guddiga madax-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa
Muqdisho Luulyo 24,2022,Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa waxaa uu la kulmay Guddiga madax-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.
Guddiga ayaa Guddoomiyaha la wadaagay warbxin ku aaddan shaqooyinkii ay soo qabteen waxa ayna baarlamaanka ka codsadeen in lagala shaqeeyo la dagaalanka musuqmaasuqa, sidoo kale waxay sheegeen in Golaha Aqalka sare loo gudbiyo si loo meelmariyo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo dhoweeyay shaqada guddigan islamarkaana sheegay in lagu gacan siin doono sidii shaqadooda ay u qabsan la haayeen.

Guddoomiyaha Golaha aqalka sare oo la kulmay masuuliyiin ka socday UNDP
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Jocleyn Mason oo ah Madaxa hay’adda UNDP Soomaaliya iyo saraakiil ka socotay xafiiska hay’adda UNDP Soomaaliya .
Madaxweyne Hassan Sheikh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka Danjire Samantha Power
MUQDISHO-24-7-2022-:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) Danjire Samantha Power.
Dad ku dhintay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen Daanta Galbeed
MUQDISHO-24-7-2022-:Ciidamada Israa’iil ayaa dilay labo kamid ah dagaalyahanada Falastiin kadib markii ay weerar ku qaadeen Daanta Galbeed halka lix kalena ay ku dhaawacmeen weerar ka dhacay magaalada Nablus.
Muuqaal ayaa muujinayaa, labada dhinac oo is-weydaarsanayo rasaas culus afaafka hore ee guri ku yaalla halkaas subaxnimadii hore ee saaka.
Sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha, Israa’iil wuxuu bartilmaameedku ahaa hoggaamiyaha garabka shuhadada Fatax Al Aqsa kaas oo baxsaday.
Ciidamada Israa’iil ayaa bilihii ugu dambeeyay weerarro ku qaaday Daant Galbeed kadib weeraro is xig xigo oo lagu qaaday Israa’iil.
Mas’uuliyiinta Israa’iil waxay inta badan cambaareeyaan weerarrada noocan ah ay Israa’iil ku qaaddo halkaas.
BBC XIGASHO

Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo Maanta Dalka Dib ugu soo laabatay.
MUQDISHO-24-7-2022-:Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sadia Yasin Samatar ayaa Maanta Dalka Dib ugu soo laabatay.
[SAWIRO]Xaalad Abaareed aad u adag oo ka taagan miyiga degmada Bandar-Bayla.
MUQDISHO-24-7-2022-:Miyiga degmada Bandar-bayla ee Gobolka Bari iyo deegaanaada hoos yimaada waxaa laga soo sheegayaa in abaarta ka jirta ay isu bedeli rabto macaluul, ka dib markii ay tiro badan oo dad ah ay ka le’edeen dhamaan xoolihii ay haysteen, kuwaas oo horseeday in ay u barakacaan oo ku xeroodaan tuulooyinka.
