Home Blog Page 636

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo xarunta Wasaaradda ku qaabishay safiirka dalka China u fadhiya Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo  Daryeelka Bulshadda Drs Fawziya Abikar Nuur ayaa maanta xarunta Wasaaradda Caafimaadka ku qaabishay safiirka dalka China u fadhiya Soomaaliya Mudane Feishengcho,  Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xaaladaha Caafimaadka guud ee Wadanka iyo arrimaha Caabuqa COVID-19 iyo meesha ay marayaan qaadashada Tallaalka ka hortaga Caabuqa COVID-19.

Dowladda China ayaa si dhab ah uga caawinaysa Wasaaradda Caafimaadka qeybaha Tallaalka ka hortaga Caabuqa COVID-19 iyo kor u qaadida  adeega Caafimaadka, Wasiiradda  Caafimaadka ayaa ka mahadcelisay garab istaga ay Dawladda China ay marwalba diyaarka u latahay shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Bari oo kulan la qaatay Nabadoonada Gobolka “SAWIRRO”

0

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada Gobolka Bari.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay kor u qaadida hormarinta magaalada ganacsiga ee Bosaaso, xoojinta amniga Gobolka, u diyaar garowga doorashooyinka dalka, Nabadoonada ayaa ah kuwo ahmiyad gaar ah leh Maamulka Gobolka ayaana siiya mar waliba mudanaanta Hormarinta Gobolka.

Kulanka ayaa waxa ka soo qeyb galay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gashaanlle Sare Xuseen Cali Maxamud, isdudwayaasha Wasaaradaha Warfaafinta, Ganacsiga, iyo Kaluumaysiga, Nabadoono, Iyo madax kale oo ka tiraan Dowladda.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Abwaan, ayaa ka hadlay kulanka waxa uuna Nabadoonada ku bogaadiyey in ay hal meel uga soo wada jeestaan Hormarinta Gobolka adkeeyana midnimada iyo iskaashiga, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa Nabadoonada uga mahadceliyey sida ay uga qeyb qaataan Hormarka Gobolka Dhinac waliba.

RW Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada oo ka shiray doorashada dalka

Shir u dhaxeeyay Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa caawa ku qabsoomay qadka Zoomka, kaas oo looga hadlay dardar gelinta doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa shirkaas wwaxay caawa diiradda ku saareen dhameystirka doorashada Aqalka Sare iyo qabashada doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa warbixin looga dhageystay guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal Maxamed Xasan Cirro oo shirka ka qeyb galay.

Kooxda Daalibaan oo codsatay ka qaybgalka shirarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

0

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Ururka ay soo gaartay warqad ka timid kooxda Daalibaan, oo uu ku saxiixan yahay ninka ay kooxdaas u magacawday wasiirka arrimaha dibadda.

Khan Mottaki, ayaa codsaday  ka qeybgalka kal fadhiga 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, si uu ula hadalo hoggaamiyayaasha adduunka ee ka qeyb galaya Shirka.

Ku xigeenka Xog-hayaha Warfaafinta u qaabilsan kooxda Daalibaan, Zabihullah Mujahid, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay aqoonsadaan waxa uu ku sheegay dowladda cusub ee ay dhawaan dhiseen, ayna ula macaamilaan si waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Daalibaan, ayaa sidoo kale magaalada Kabul kula kulmay Danjiraha Dowladda Qatar Saciid Mubaarak Al-Khayariin, waxayna ka wada hadleen arrimo khuseeya mustaqbalka xaaladda Afghanistan.

Ugu danbeeyntii Khan Mottaki ayaa ammaanay dadaalka iyo wada shaqaynta Dooxa, gaar ahaan dib u hawlgelinta Garoonka Diyaaradaha Kabul.

Wasiiradda Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kuwait oo kawada hadlay xiriirka labada dal

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamaiga ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, kaasi oo ay diiradda ku saareen xoojinta xiriirka labada dal.

Labada Wasiir ayaa isla soo qaaday habka ugu haboon oo loo sii xoojin karo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada  shacab iyo sidoo kale iskaashiga sidii loo hormarin lahaa dano wanaaga dhinacyada ganacsiga.

“Waxaan isla qaadanay muhiimada ay leeyahay sii xoojinta walaaltinimada ka dhaxeysa labada shacab iyo labada dowladood waana isku fahanahay ariintaasi ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar.

Kulan ayaa ka dhacay dalka Mareykanka kadib markii ay Magaalada New York uga qeyb galeen Kalfahdiga 67 -Aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay.


 

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir oo Xariga ka jaray Xarunta Maxkamadda Boondheere

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan Baari, oo ay wehlinayaan Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Cabdi khadar Maxamed Xasan ayaa Xariga ka jaray Xarunta Maxkamadda Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Munaasabada Furitaanka Xarunta Maxkamada Boondheere waxaa Goobjoog ka ahaa xildhibaano ka Tirsan Golaha Shacabka JFS, Garsoorayaal iyo Maamulka Degmada Boondheere.

Gudoomiyaha Maxkamadda Boondheere Maxamed Aadan Cismaan Ayaa ku shaqeyn doona Xarunta Maxkamadda Degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Maxkamadda Gobalka Banaadir mudadii uu joogay Maxkamadda Racfaanka waxuu dib u furay Maxkamadda Degmada Shibis, Maxkamadda Degmada Kaxda iyo Maxkamada Degmada Boondheere.

Dhul gariir xooggan oo ka dhacay Australia

0

Dhul gariirka oo halbeegiisu lagu sheegay 5.9 Rector Scale, oo laga dareemay magaalladda Melbourne ee Caasimadda u ah Gobalka Victoria ee dhaca Koonfurta Galbeed ee dalkaasi Australia.

Burbur dhismooyin ayaa la soo weriyey, iyadoo ruxunka dhulka laga dareemay Deegaanada deriska la ah magaalada Melbourne.

Xuddunta dhul-gariirka ayaa ahaa Degmadda Mansfield, sida ay sheegeen Hay’addaha u xil saaran.

Ilaa hadda, lama soo werinin Khasaaro soo gaaray dadka ku nool magaalladda Melbourne oo ah magaalada 2aad ee ugu weyn Australia.

Saxafada kala duwan ee ka hawlgasho Australia ayaa warineysa in dadka ay dareemayaan walaac ballaaran oo ku aadan in uu sii kordho dhul gariirka.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey meertada 76-aad ee golaha guud ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Meertada 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kaga hadlay Geeddi socodka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, Xakamaynta iyo ka soo kabashada cudurka COVID-19, Dardar gelinta iyo dib-u-habaynta Qaramada Midoobay, Ilaalinta deegaanka iyo isbeddellada cimilada adduunka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammaystirka geeddi-socodka doorashooyinka Qaran ee ka socda dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ka miro-dhalinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan doorasho xor ah oo loo wada dhan yahay.

“Waxaa hadda meel gabagabo ah noo maraya hannaanka qabashada doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye. Doorashooyinkani waxay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay dadaallada wax-ku-oolka ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixiyeen xakamaynta Cudurka safmarka ah ee COVID-19, ka-soo-kabashada saameynta dhaqaale ee uu reebay iyo sidii dhammaan shacabka Soomaaliyeed loo wada gaarsiin lahaa tallaalka.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si degdeg ah uga jawaabtay Cudurkan Safmarkan ee u soo tallaabay dalkayaga. Qorsheyaashayadu waa kuwo mudnaanta koowaad siinaya badqabka caafimaad ee muwaadiniinteenna.”

Madaxweynaha oo khudbaddiisa diiradda ku saaray dardar gelinta iyo dib-u-habaynta qaab-dhismeedka maamul ee Qarama Midoobay, khatarta ku gadaaman isbeddellada cimilada adduunka iyo ilaalinta deegaanka, ayaa hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka kula dardaarmay xoojinta iskaashiga caalamiga ah si wadajir ah looga jawaabo caqabadaha khatarta ku ah dunnida.

Jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland oo la shaaciyey

Guddiga maamulka doorashada kuraasta labada Aqal ee Somaliland ayaa soo saaray jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobollada waqooyi, taas oo la guda gelayo maalinta Khamiista ah ee 23-ka bishaan, sida ku cad jadwalka.

23-ka bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista ah ee soo socota waxaa la diiwaan gelinayaa musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland, waxayna diiwaan gelintu socaneysaa ilaa maalinka Sabtida ah ee 25-ka bishan.

Axadda 26-ka Septembar waxaa tababar loo furayaa ergada soo dooraneysa senatorrada Aqalka Sare ee gobollada waqooyi, halka maalinka xiga ee 27-ka la dhageysan doono hadal jeedinta musharaxiinta.

Maalinka Talaadada ah ee 28-ka bishan ayaa loo qorsheeyey inay bilaabato doorashada Aqalka Sare ee xubnaha metelaya Somaliland, waxayna ku egtahay 30-ka bishaan September.

Seddax maalmood oo kala ah, 28-ka, 29-ka iyo 30-ka bishaan ayey Muqdisho ka dhaceysaa doorashada 11-ka kursi ee Somaliland ku metesha golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo dugsiga Xorgoble ka bilawday bixinta talaalka Covid19

0

Wasaarada Caafimaadka dawlad goboleedka Puntland, ayaa dugsigga tababarka Xorgoble ee magaalada Qardho waxay ka bilawday bixinta talaalka Covid-19, si ay hoos ugu dhacdo khatarka xanuunka Covid-19 iyo faafitaankiisa.

Dugsiga Xorgoble ayaa ah dugsi uu tababar ugu socdo ciidamada dawlad goboleedka Puntland, waxaana horay ay wasaaradu u gaysay dhammaan talaaladii kala duwanaa ee dalka la keenay.

Sidoo kale dugsiga ayaa si joogto ah looga sameeyaa wacyi-gelin la xiriira sidii faafitaanka xanuunkaan loo xakamayn lahaa, iyadoo macalimiintu ay kaashanayaan bahda caafimaadka iyo maamullada heer gobol iyo mid degmo.

Maxamuud Bashiir Isku-duwe ku xigeenka caafimaadka, oo ay weheliyaan saraakiil sarsare oo ka tirsan wasaarada caafimaadka Puntland, la-taliyayaal, masuuliyiin kale iyo madaxda dugsiga Xorgoble ayaa maanta daahfuray talaalkaan, waxayna ciidanka ku booriyeen inta aan qaadan in ay qaataan talaalka, si naftooda iyo buslahadaba ay u badaadiyaan.

Wasaaradaha caafimaadka dalka ee heer federaal illaa heer dowlad goboleed ayaa dadaal ugu jira sidii bulshada Soomaaliyeed looga xakameyn lahaa faafitaanka cudurkaan halista ah ee Coronavirus, kaas oo hadda markii seddaxaad soo laba kacleeyey, sida ay xalay shaacisay wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya.