Ruushka iyo Ukraine oo kala saxiixday heshiis ay garwadeen ka ahaayeen QM iyo Turkiga.

Date:

Turkiga ayaa ku dhawaaqay heshiis u ogolaanaya Ukraine in ay dib u soo celiso dhoofinta Qamadiga iyo galleyda ee badda madow.

Jimcihii ayaa Istanbul waxaa ku saxiixay heshiiskaas Ukraine, Ruushka, Turkiga iyo Qaramada Midoobay.

Qiimaha sarreenka ee suuqyada adduunka ayaa hoos u dhacay tan iyo markii bishii Febraayo uu Ruushku ku duulay Ukraine.

Labada dal ayaa Jimcihii kala saxiixday heshiis dib loogu bilaabayo dhoofinta qamadiga ee dekedaha Badda Madow.

Cunno yaraanta soo food saartay caalamka ayaa loo aaneynayaa duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine 24-kii February ee sanadkan.

Heshiiska ayaa dhigaya in Ukraine ay maraakiibta ku hagto goobaha aan lahayn miinooyinka si ay badqad ugu safraan.

Waxaa arrintaa gacan ka siin doona Turkiga oo garwadeen ka ah heshiiska ay gaareen labada waddan.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa heshiiska ku tilmaamay mid wax ku ool ah.

Dalaga beeraha gaar ahaan qamadiga oo si weyn looga baahan yahay guud ahaan caalamka ayaa ka xanniban maqaasiinno ku yaalla dekadda Odessa ee Ukraine.

Ku dhawaad 20 milyan oo tan ayaa lagu qiyaasay qamadiga ku xanniban dekadaas.

Ukrain ayaa ka mid ah dalalka hormuudka ka ah soo saarista Qamadiga, balse go’doominta ciidamada badda ee Ruushka ayaa curyaamiyay dhoofintii loo dhoofin caalamka intiisa kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...