Home Blog Page 638

Wafuud ka socota dalalka Afrika iyo dalal kale oo muqdisho soo gaaray.

0

Wafuud ka socota dalalka Afrika iyo dalalka kale 9ee dunida oo doonaya in ay ka qeybgalaan caleema saarka madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaraya magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka.

Madaxweynaha Hiirshabelle oo Muqdisho soo gaaray.

Muqdisho: 08, June, 2022: Madaxweynaha Dowladd goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu soo laabatay dalka, kadib howlo shaqo oo uu dibada ugu maqnaa.

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo Maamul cusub u Magacaabay Gobolada Baay iyo Bakool.

Muqdisho-Juun-8-6-2022:Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maamulo cusub u Kala magacaabay Goboladda Baay iyo Bakool ee DGKGS.

Xaflad Lagu soodhaweynaayo Madaxweyne Qoor-qoor oo ka dhacday Magaalada Cadaado.

Muqdisho-Juun-8-6-2022:Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi kaariye iyo wafdiga uu hogaaminayay oo kusugan degmada Cadaado ayaa kala qeyb galay Xalay shacabka iyo maamulka degmada Cadaado munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay maamulka degmada Cadaado kusoo dhaweenayeen madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, oo maalmo kooban oo shaqo ah ku jooga degmada Cadaado.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo Muqdisho soo gaaray.

Muqdisho-Juun-7-6-2022:Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha oo maanta la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaliya Tiina Intelmann.

0

Muqdisho June 07, 2022- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaliya Tiina Intelmann.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga Caleemasaarka Madaxweyne Hassan sheikh.

Muqdisho-Juun-7-6-2022:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga sugida Amniga Caasimada Maalinta Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo uu kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaarada Amniga DFS, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida, Dhamaan Saraakiisha Saldhigyada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud ooo maanta Kormeer ku tagay Wasaaradda Gaashaandhiga.

Muqdisho-Juun-7-7-2022:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga, si uu ugu kuurgalo hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

SAWIRO:-Maxkamada Gobolka Baay oo Maanta fagaaro ku toogatay Nin Haweeneey dilay.

0

Muqdisho-Juun-7-6-2022: Maxkamadda Gobalka Baay Ayaa maanta Goob fagaaro ah Dil toogasho ah kula fulisay Eedeysane Maxamed Xasan Maxamed Aadan kadib markii lagu helay in uu Dilay Allaha Unaxariiste Haweeney Ganacsata Magaalada  Baydhabo kamid aheed.

Madax kala duwan oo isagu jiro madaxweynayaal ,Ra’isul wasaarayaal kuwaasi oo ka qeyb-geli doono caleema saaraka madaxweyne Hassan Sheekh oo muqdisho soo gaaraya..

MUQDISHO-JUUN-2022-:7 bisha Juun  oo ku beegan maanta Talaado ah ayaa la filayaa in magaalada muqdisho ay soo gaareen madax kala duwan oo isagu jiro madaxweynayaal ,Ra’isul wasaarayaal iyo sidoo kale madax kala duwan kuwaasi oo ka qeyb-geli doono caleema saaraka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaceysa 9 bishaan maalinta qamiista ah.