Home Blog Page 638

Madaxweyne Lafta-gareen iyo Safiirka Itoobiya oo arrimo muhiim ah ka wada hadlay “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka madaxtooyadda ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Amb: Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi.

Madaxweyne Lafta-gareen iyo safiirka Itoobiya ayaa ka wada hadlay Kulanka Arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga.

Tayada Shaqaalaha caafimaadka Galmudug oo kor loo qaadayo “SAWIRRO”

0

Wasaradaha Caafimaadka Galmudug iyo Dowladda Federaalka oo kaashanaya hey’adda Caafimaadka aduunka ee WHO ayaa magaalada Dhuusamareeb tababar ku saabsan maareynta iyo daaweynta xaaladaha nafaqo darada ee ilmaha ka yar shanta sano ugu soo gaba-gabeeyay tiro ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya xarumaha nafaqada ee Galmudug, kuwaas oo mudo afar maalmood ah qaadanayay tababarkan.

Maxamed cali xiireey, Madaxa Nafaqada ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa sharaxey ujeedka tababarka loo qabtay shaqaalahan Caafimaad.

Madaxa xogta iyo khiimeynta, qaybta nafaqada ee Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Aadan Maxamed Nuur oo dhankii ka hadley faa’iidada tababarkan u yeelanayo shaqalaha Caafimaad ayaa sheegay in markii labaad Galmudug lagu qabtay si loo dhaqan galiyo hab-raacyada u dagsan Wasaaradda Caafimaadka.

Ugu dambeyn, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed oo xiray tababarka ayaa shaqaalaha caafimaadka Galmudug kula dardaarmay in ay si hufan ugu shaqeeyaan Bulshada.

Bisha Cas oo Dhuusamareeb Ku maamustay Todobaadka caalamiga ah ee gargaarka degdega “SAWIRRO”

0

Habka gargaarka degdega ah iyo nuucyada gurmadka fudud ee ay bixiyaan shaqaalaha bisha cas ayaa lagu soo bandhigey munaasabadan oo gabangabo u aheyd xuska Todobaadka Gargaarka degdega ah oo ay kujirto maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay in la xuso gargaarka degdega ah taa oo ku beegan 12-sep. ee sanad walba.

Goobta bandhigani ka dhacey oo aheyd xarunta Caafimaadka bisha cas ee Dhuusamareeb ayay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, xubno ka socday bulshada rayadka iyo bahda Caafimaad.

Cabdulqaadir Jimcaale Xalane, Madaxa Caafimaadka bisha Cas ee Gobolka Galgaduud ayaa faah faahiyey waxa ay kaga dhigantahay xuska maalintaan xafiiskoodan Bisha cas.

Cabdirisaaq Axmed Maxamuud, isku-duwaha gargaarka degdega ah ee Gobolka Galgaduud u qaabilsan bisha cas ayaa goobta ka xusey shaqooyinka ay u qabtaan bulshada, isagoo si gaar ah u dul istaagey muuhimada gargaarka degdega ah, nuucyada gargaarka iyo sida bulshada ay wax u taraan adeegyadooda, taasi oo Guddoomiyaha Guddiga bulshada bisha cas ee laanta Dhuusamareeb Dalmar Abshir Nuure afka bulshada rayadka ugu mahad naqey bisha cas Xuskan aawgiis.

Xasan Cabdinuur, Xiriiriyaha Bisha Cas ee laanta Dhuusamareeb oo ka cudur daarey dib u dhacyada ku yimid xuska maalintan oo si guud ay uga simanaayeen xafiisyada bilaha cas ayaa mahad celin u jeediyay Mas’uuliyiinta kala soo qayb gashey gunaanadkan.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Cabdulaahi warsame Abtidoon ayaa ugu dambeyn dardaaran kusoo gunaanadey munaasabadan.

Bisha cas oo sanadkan si weyn u maamuustaya todobaadka caalamiga ah ee gargaarka degdega ah ayaa sidoo kale dhalinyarada Dhuusamareeb u qabatey ciyaaro is dhex gal ah oo qayb ka ahaa wayneynta adeegyada gargaarka degdega ah ee muhiimada u leh Bulshada.

Maamulka Galmudug oo gaaray degaanka Laamo Cali Goodir “SAWIRRO”

0

Wafdigaan oo uu horkacayey Guddoomiyaha Guddiga arrimaha bulshada Baarlamaanka Galmudug ahna Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaarre oo uu wehliyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal, isku duwayaal, xubno ka tirsan Golaha degaanka Degmada Gaalkacyo iyo Mas’uuliyiin kale ayaa gaaray degaanka Laamo Cali Goodir oo dhanka Waqooyi kaga beegan degmada Gallinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Wafdigaan ayaa degaanka tagay ka dib markii ay soo gaartay cabasho dhanka Bani’aadannimo ah oo ay wajihayaan shacabka ku dhaqan degaanka Laamo Cali Goodir. Waxayna Mas’uuliyiintii bulshada degaanka ka dhagaysteen baahiyada ay wajahayaan, taas oo ay ugu horeeyaan biyaha, Caafimaadka iyo waxbarashada.

Mas’uuliyiinta booqashada u tagay degaanka ayaa balanqaaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga jawaabayaan baahiyada ay soo gudbiyeen bulshada degaanka.

Maamulka Galmudug oo ku baaqay joojinta Colaadda Xananbuure ee Galgaduud

0

Wasaaradda Arrimaha Guddaha Galmudug iyo odayaasha dhaqanka oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin kale ayaa ku baaqey joojinta xiisad colaadeed oo u dhexeeysa beelo walaalo ah oo kasoo cusboonaadey deegaanka Xananbuure ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Odayaasha dhaqanka ee Dhuusamareeb ku sugan ayaa dalbadey in si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadan oo saakay ka aloosantay dil loo geystay qof shacab ah, iyagoo si gaar ah uga dalbadey maamulka Galmudug in uu ciidamo soo celiya xasiloonida udiro Deegaankan.

Wasiir Dowlaha Caafimaadka Galmudug Axmed Faafaale iyo Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Galmudug Maxamed Nuur Diini ayaa iyana ugu baaqey siyaasiyiinta labada dhinac in ay si deg deg ah u gaaraan deegaankan oo ay isisoo hor fariisiyaan odayaasha si xal loo gaaro.

Ugu dambeyn Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arimaha Guddaha Galmudug ahna ku simaha wasiirka mudane Axmed Xasan Cali Axmed Dheere ayaa adkeeyay muhiimada nabaddu u leedahay shacabka Xananbuure oo mudo lagu howlanaa heshiisiintooda.

Doorashada labo kursi oo Aqalka Sare ka tirsan oo ka dhaceysa Jowhar

0

Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle ayaa  lagu waddaa in ay ka dhacdo Doorashada Labo kursi oo ka mid ah 8-da Kuraas ee taala Degaanada Maamul gobolleedka Hirshabelle.

Hirshabeelle horay ayaa loo doortay Afar kursi oo loogu tartamay si furan.

Musharaxiinta  tartamaya ayaa kala ah:

Cali Shacbaan Ibraahim, 2. Cabdiqaadir Xanafi Sheekh Bashir, 3. Cabdullahi Axmed Tawaad, 4. Caasho Xuseen Abuukar, 5. Cabdalle Cabdi Xuseen

Kursiga labaad :

Xasan liidow Muxumed Kobac, 2. Cusmaan Axmed Macow, 3. Cabdinuur Ibraahim Nuur.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay guddiga xaqiijinta Qoondada Haweenka

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha ayaa guddiga ay kala hadleen  xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee golayaasha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay xoojin doonaan qoondada haweenka, islamarkaana hadda Aqalka Sare ay kusoo baxeen labo xubnood oo dumar ah, markii golaha Shacabka ay bilaabaana ay ilaalin doonaan qoondada.

Waxaa uu xusay in maamulkisa ay ka go’antahay in haweenka ay kusoo baxaan doorashooyinka ayna ilaalin doonaan hanaan hufan oo haweenka ay kusoo bixi karaan.

Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka oo ka kooban 13 xubnood ayaa dhawaan waxaa Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxayna  hadda waddaan dadaallo ay  maamulada uga dhaadhicinayaan in ay ilaaliyaan qoondada Haweenka Soomaaliyeed.

 

Xubno ka tirsan Kooxda Daalibaan oo Qarax lala beegsaday

0

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay, 19 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo kala duwan oo Maanta  ka dhacay magaalada Jalalabad ee bariga Afghanistan, sida ay sheegayaan warbaahinta maxalliga ah.

Weeraradan oo lala beegsaday baabuur ay leeyihiin kooxda Daalibaan ayaa ah qaraxyadii ugu horeeyey ee dad ku dhintaan tan iyo markii Maraykanku ka baxay Afghanistan.

Sarkaal ka tirsan waaxda caafimaadka ee Gobolka Nangarhar ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in saddex qof la dilay 18 kalena la dhaawacay, halka dhowr warbaahin oo maxalli ah ay weriyeen in weeraradaasi ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof halka 19 kalena ay ku dhaawacmeen.

Jalalabad waa caasimadda Nangarhar, oo ah xudunta kooxda Daacish ee Afghanistan, Kuwaa oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkii dhiig badan ku daatay ee lagu dilay in ka badan 100 qof  oo ku sugnaa Garoonka diyaaradaha Kabul dhammaadkii bishii Ogosto.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya Gaari watay calanka Daalibaan oo aad u burburay hareerahiisana ay taaganyahiin maleeshiyaad  hubaysan.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay, 19 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo kala duwan oo Maanta  ka dhacay magaalada Jalalabad ee bariga Afghanistan, sida ay sheegayaan warbaahinta maxalliga ah.

Weeraradan oo lala beegsaday baabuur ay leeyihiin kooxda Daalibaan ayaa ah qaraxyadii ugu horeeyey ee dad ku dhintaan tan iyo markii Maraykanku ka baxay Afghanistan.

Sarkaal ka tirsan waaxda caafimaadka ee Gobolka Nangarhar ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in saddex qof la dilay 18 kalena la dhaawacay, halka dhowr warbaahin oo maxalli ah ay weriyeen in weeraradaasi ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof halka 19 kalena ay ku dhaawacmeen.

Jalalabad waa caasimadda Nangarhar, oo ah xudunta kooxda Daacish ee Afghanistan, Kuwaa oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkii dhiig badan ku daatay ee lagu dilay in ka badan 100 qof  oo ku sugnaa Garoonka diyaaradaha Kabul dhammaadkii bishii Ogosto.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya Gaari watay calanka Daalibaan oo aad u burburay hareerahiisana ay taaganyahiin maleeshiyaad  hubaysan.

 

Ra’iisal wasaare Rooble oo guddoomiyay shirka tiirka dhaqaalaha

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta guddoomiyay shirka tiirka dhaqaalaha oo Xafiiska hantidhowraha guud ee Qaranku ku soo bandhigay xogta dhaqangalka mashaariicda horumarineed ee dalka.

Sidoo kale, Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa soo jeedisay nidaamka keydinta mashariicda ee AIMS.

Mareykanka oo qirtay in duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Kabul ay carruur ku laayeen

Duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen magaalada Kabul bishii hore ayaa lagu dilay ilaa 10 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 7 carruur ah, sida ay sheegeen milatariga Mareykanka Jimcihii, iyagoo raaligelin ka bixiyay wax ay ugu yeereen “khalad naxdin leh”.

Waaxda Gaashaandhigga ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in weerarkii 29-kii bishii Agoosto lala beegsaday qof ismiidaamiye ah oo ka tirsan kooxda Daacish, kaas oo halis weyn ku ahaa ciidammada xulufada Mareykanka ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha markii ay dhammaystirayeen marxaladihii ugu dambeeyay ee ka bixitaankooda Afghanistan.

Laakiin markii ay soo baxeen warar sheegaya in dad rayid ah ay waxyeello soo gaartay, ayaa Jeneraalka ugu sarreeya Mareykanka wuxuu weerarkaas ku tilmaamay mid xaq ah.

Madaxa Taliska Dhexe ee Maraykanka, General Frank McKenzie, ayaa sheegay in xilligaas uu ku kalsoonaa in duqeyntu ay ka hortagtay khatar ku soo fool leh ciidamada ku sugan garoonka diyaaradaha.

“Baaritaankeennu wuxuu hadda ku soo gabagaboobay in duqeybtaas ay ahayd khalad naxdin leh,” ayuu McKenzie u sheegay wariyeyaasha.

Dilka dadka rayidka ah, oo ay fulisay duqeymaha diyaaradaha aan duuliye lahayn ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan mustaqbalka weerarada la-dagaallanka argagixisada Mareykanka ee dalkaas.

Reuters.