MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY KADDIB SAFAR SHAQO UU KU TAGAY DALKA TANSAANIYA

Date:

Muqdisho, 23, 07, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugnaayeen magaalada Arusha ee Tansaaniya waxa ay soo bandhigeen fursadaha ganacsi, dhaqaale iyo bulsho ee ka jira Soomaaliya iyo doorka xooggan ee ay shacabka Soomaaliyeed ka qaadan karaan horumarka Dalladdan iyo guud ahaan saamaynta togan ee ay ku leeyihiin Gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qayb-gashay Shir-Madaxeedka, taas oo uu ku xoojinayey ololahiisa ku aaddan ansixinta codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kamid-noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, isagoo adkeeyey ahmiyadda ay leedahay iskaashiga Soomaaliya iyo waddamada ku bahoobay Dalladdan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal buuxa ku bixineysa hirgelinta codsigii ay u gudbisay Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sanadkii 2016-ka, iyada oo War-murtiyeedkii ka soo baxay dhammaadkii Shirka lagu faray Golaha Wasiirrada Dalladda inay si degdeg ah uga hawlgalaan sidii loo dardargelin lahaa hannaanka ay Soomaaliya kaga mid noqonayso Bulshada Bariga Afrika.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...