[DHAGEYSO] Al-shabaabkii weeraray Dawlad Deegaanka Soomaalida oo laga dilay in kabadan 100 Xubnood ,lana soo afjaray

Date:

Muqdisho-24-7-2022-:Xilli maalmihii aan soo dhaafnay Dagaalo Culus oo u dhaxeeya ciidamada Dowladd Deegaanka gobolka Soomalida Itoobiya ee liyuu Boolis iyo Argagixisada Al-Shabaab uu ka socday deegaano katirsan gobolka Afdheer oo dhaca xaduud Beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya si gaar ah Gobolka Bakool iyo Gobolka Soomalida Itoobiya ayaa waxaa War murtiyeed ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Dawlada Deegaanka Soomaalida looga hadlay dagaaladaan.

 

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Dowladda deegaanka gobolka Soomalida itoobiya ayaa lagu sheegay in la soo afjaray kooxdii Argagixisada Alshabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ka soo qaaday aaga “Aato” ee soo gashay Gobalka Afdheer kadib markii ay Ciidamada Xooga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga “Hulhul”, waxaana lagu  laayay halkaas dhamaanba Argagixisadii naf la caariga ahayd.

Kooxdan Argagixisada Alshabaab ee weererka ku tagtay halkaas ayaa ujeedkooda waxa uu ahaa in ay galaan Deegaanka Oromiya iyagoo raba in ay sii maraan Dagmada Celkari oo ay ku biiraan kooxda argagixisada ee Shane.

Argagixisada naf la caariga ee Al shabaab iyagoo an gaadhin halkii ay u socdeen sida qoraalka lagu sheegay ayaa waxaa laga gubay 13 Baabuur oo ay wateen, waxaana laga qabtay dhamaanba Hub, isgaadhsiin iyo Agabkii ay wateen.

 

Hawlgalka ay Ciidamada Xooga gaarka DDS ay qaadeen sadex dii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa lagu dilay sida war saxafadedkaan lagu sheegay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanayd Argagixisada Alshabaab.

DHAGEYSO WARKAAN OO DHAMEESTIRAN IYO XAALADA BAKOOL.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...