Safarka madaxweynaha ayaa daaran u kuur gelida xaaladda shacabka reer Puntland, isagoona inta uu ku suganyahay halkaas kulammo la qaadandoona maamulka iyo bulshada reer Puntland.
Madaxweynaha Qaranka oo gaaray Puntland .
RW Hamse oo Lagu soo Dhaweeyay Baladweyn. (SAWIRO)
Safarkaan oo ah kii ugu horeeyay ee Ra’iisal wasaaraha XFS ku baxayo tan iyo markii xilka loo magacaabay ayaa ujeedkiisa waxaa uu yahay, sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah ee al Shabaab oo deeegaano badan oo gobolka Hiiraan laga xureeyay.
Waxaa sido kale Ra’iisal wasaaraha xoojin doona ka warqabka xaalada nololeed ee bulshada ku nool gobolka asi, oo ay aabaarta saameysay, ayada oo Xukuumada Danqaran ay xoogga saareyso sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen.
Ra’iisal wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baledweyne ayado Garoonka ay ku sugayeen Madaxda Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen’qeybaha kala duwan ee bulshada masuuliyiin ka tirsan Dowlada federaalka iyo saraakiil ciidan
Madaxweynaha Qaranka oo ka Qeyb Galay xiritaanka Shir-wadareedka Golaha Wasiirada.(SAWIRO).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabadda gunaanadka Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay shaqooyinka baaxadda leh ee shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan Xukuumadda iyo rajada ay ka qabaan in ay u horseeddo xasilloni, amni iyo horumar.
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey Golaha Wasiirrada in ay si daacadnimo leh ugu adeegaan dalkooda, mudnaanta koowaadna siiyaan xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed.
“Masuuliyadda aad qaaddeen waa mid taariikhi ah oo horseedi karta samata-bixinta shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, taasna waxaan ku gaari karnaa in aan mideyno cududda iyo caqliga, una wada istaagno sidii aan dalka uga saari lahayn abaaraha, colaadaha iyo amni darrada”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Kuxigeenkiisa Mudane Saalax Axmed Jaamac dadaalka ay ku bixinayaan hirgelinta qorshaha dowladda ee Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah, barnaamijkaas oo fulintiisu ay shacabka Soomaaliyeed u noqonayso naruuro ay ku diirsadaan.
Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu caawa soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, ayaa Golaha Xukuumaddu waxa ay ku lafa-gureen howllaha hortabinta u leh xukuumadda, hannaanka wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka, dib u eegista Dastuurka, amniga iyo xasillinta dalka, caddaaladda iyo garsoorka, horumarinta Dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada bulshada.
Qof rakaab ah oo ku dhex dhintay diyaarad Nairobi u socotay.
Qof Rakaab ah ayaa ku dhex dhintay diyaarad ay leedahay Kenya Airways oo ka soo kicitintay New York kuna socotay magaalada Nairobi.
Bayaan ka soo baxay shirkadda diyaaradaha Kenya Air Ways waxaa lagu sheegay qofka rakaabka ahi diyaaradda oo hawada ku jirta marki uu xanuunsaday in diyaaradda loo weeciyey magaalada Casablanca ee dalka Morocco.
Rakaabka ayaa diyaaradda laga soo dejiyey isaga oo meyd ah xilli la damacsanaa in isbitaal loola cararo.
Xirfadlayaasha caafimaadka ee garoonka heeganka ku ahaa waxay sheegeen inuu qofka Rakaabka ah uu meyd yahay oo mar hore uu geeriyooday.
Warbahinta maxalliga ee Kenya waxay sheegeen qofka geeriyooday inuu naqaska uu aad u dhibayey ka hor inta ay naftu ka bixin.
Qoyska qofka rakaabka ee geeriyoodayna waxay sheegeen iney haysatay xaalad caafimaad darro.
Ciidanka Xoogga Oo Guulo kasoo Hooyay Dagaalka Ka Socda Galbeedja Hiiraan.
Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Guulo waa wayn ka gaaray Dagaalka ay kula jiraan kooxda Nabad-diidka ah ee Al-shabaab.
Wasiirka Amniga Dowlada Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, Maamulka Gobolka Hiiraan kan dagmada Baladweyne iyo saraakiisha Ciidan ayaa kormeer ku tagay Deegaanada kala ah Ceelka Baar, Luuqa jeeloow, Wardhabeele iyo Raangaabo ee dhaca Galbeedka Baladweyne oo saacadihii aynu soo dhaafnay laga xureeyay Nabad-diidka Alshabaab.
waxayna masuuliyiinta Ciidanka iyo saraakiishaba ay ku boogaadiyeen howlgadalada lagu baacsanayo Argagaxisada Alshabaab.
Howl-gal Saf Balaaran ah ayaa ka Socda Gobolka Hiiraan Kaasi oo Dad Deegaanku Qeyb ka Qaadanayaan Iska Xoreynta Nabad Diidka Alshabaab.
DAAWO: Taliyaha Xoogga Dalka “Alshabaab aan ula Dagaalano Si Soomaalinimo Ah”.
Hadalkaan ayuu Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka ka Jeediyay Gobolka Hiiraan Halkaas oo aay ka Socdaal Howl-galo ka Dhan ah Nabad Diidka Alshabaab.
Hoos ka Daawo
Qaramada Midoobay oo Ka Digay Halista Abaaraha Geeska Afrika.
Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digay macaluul daran oo ka jirta gobolka Geeska Afrika, taasi oo ay sababeen Abaaraha daba dheeray ee gobalka ka jira.
Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in Gaajada ay sii kordhayso marba marka ka dambaysa, waxaana meelaha ugu daran ka mida qeybo ka mid ah Soomaaliya oo aan muddo afar sano ah oo xiriir ah aan helin roobabkii la filayey.
Hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa horay u sheegtay in illaa 22 milion oo qof oo ku kala nool dalalka Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya inay soo foodsaartay abaaro iyo gaajo darani, sidokale waxay sheegeen in abaarahaasi ay sababeen in malaayin xoolo ah ay dhinteen, halka illaa Todoba million oo qofna ay guryahooda ka barakaceen si ay u raadsadaan cunto ay ku noolaadaan iyo inay xoolahooda ay u helaan meel ay ugu helaan baad iyo biyo.
Hay’adda WFP ayaa ka digtay korarka ku yimaado tirada dadka abaaruhu ay saameeyeen ee ay hayso gaajada, maadaama la saadaalinayo inay jirto roob yaraan, taasoo noqonaysa sannadkii shanaad ee aan la helin roobabkii la filayey.
WFP ayaa sheegtay in si degdega loogu baahan yahay illaa $416 milyan si gargaar degdeg ah loogu fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen, illaa dhammaadka sannadkan.
Madaxa WFP ee Bariga Afrika, Michael Dunford, oo dhawaan ka soo laabtay booqasho uu ku tagay Soomaaliya iyo Waqooyiga Kenya, ayaa sheegay inuu si gaar ah uga walaacsan yahay xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya oo saamaysay in ka badan 7 million oo qof, taasoo noqonaysa xaaladdii bini’aadanimo ee ugu darnayd ee uu arko muddo 21 sano ah oo uu ka shaqaynayey hay’adda WFP.
Madaxweyne Xasan sheekh oo guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga Muqdisho
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Guddiga Amniga Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo qorsheyaasha dowladda ee dabar-goynta argagixisada Alshabaab.
Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday Ururka Iskaashiga Dhallinyarada Islaamka
Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mohamed Abukar Zubeyr ayaa qaabilay wafdi ka socday Ururka Iskaashiga Dhallinyarada Islaamka.
Waxaa kulanka looga wada hadlay sida loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac loogana qeyb qaadan lahaa hurumarinta dhallinyarada iyo kor-u-qaadista wacyigooda.
Kulanka waxaa xoghayaha ku wehliyay Hakeem Cadnaan oo ah La Taliyaha sare ee Ra’iisul Wasaaraha ee Dib u Habeynta iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada.
Masuuliyiinta ururka Iskaashiga oo ka hadlay kulanka ayaa ballanqaaday in ay gacan ka geysan doonaan horumarinta iyo taageerada dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhinacyada tababarada iyo diblomaasiyadda.






































