Home Blog Page 589

Dawladda oo beenisay inay jiraan maleeshiyaad abaabulan oo doorashada ka soo horjeeda.

0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-cadaala) ayaa sheegay inay been abuur yihiin muuqaallo maalmahan lagu baahiyey baraha bulshada iyo saxaafadda qaarkeed, kuwaas oo lagu sheegay inay yihiin maleeshiyaad doorashada ka soo horjeeda oo duleedka Muqdisho isku abaabulaya.

Al-cadaala ayaa xusay in muuqaalka la baahiyey uu yahay mid hore oo loo duubay ujeedda ka duwan tan lagu sheegay, ciidamada ka muuqdana aysan ahayn fallaago u abaabulan inay amni darro abuuraan.

Waxa uu u jeediyey warbaahinta iyo dadka sida ka fiirsi la’aanta ah muuqaaladaas la marin habaabiyey iyo kuwa la mid ka ah baahinaya, inay ka dhawrsadaan macluumaad aysan hubin inay faafiyaan, kaas oo si sahal ah ku abuuri kara amni darro, taas oo dhaawacaysa amniga Qaranka, sharafta ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Colaad hurintu ma aha dimuquraadiyad, been sheegistuna maaha madaxbanaan” ayuu yiri mudane Al-cadaala.

Muuqaalada lagu baahiyey Telefeshinada maxaliga ah qaarkood iyo baraha bulshada ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay aad ugu faafay bulshada dhexdeeda, kuwaas oo ay ka muuqdeen ciidamo aan isku dhar ahayn oo wata gaadiid dagaal.

Shirka madasha iskaashiga Ganacsiga Beeralayda Dalka oo berri ka furmayo Muqdisho.

0

Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukumadda federaalka Soomaaliya , waxay qabanaysaa Shirka madasha iskaashiga ganacsiga beeralayda Soomaaliya kaasi oo loogga hadlaayo siddii ganacsatada iyo beeralaydu ba iskaga kaashan lahaayeen xoojinta wax-soo-saarka dalka iyo weliba in suuqyo ganacsi oo gudaha iyo kuwo caalami ah loo raadiyo wax-soo-saarka Soomaaliya.

Shirkan oo la filaya maalinta berri ah oo ku beegan 13-ka Janaayo 2021 ka qabsoomi doona Muqdisho, ayaa waxa ka soo qeyb-gali doona madaxda Wasaaraddaha ganacsiga iyo beeraha dowladda Soomaaliya, masuuliyiin ka socoto wasaaradaha ganacsiga iyo beeraha dawladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe,iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka socda hay’adda DRC, ganacsato, Beeralay iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Shirkaan qaban qaabadiisa waxaa isla leh wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha Soomaaliya waxaana loogu talagalay in kor loogu qaado wax soo saarka dalka iyo in la dhiirigaliyo beeraaleyda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Qoor Qoor oo Muqdisho kula kulmay Xulka kubadda Cagta Galmudug+(SAWIRRO).

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa kulan ku maamuusay xulka kubadda Cagta Galmudug kula yeeshay magaalada Muqdisho kooxda galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa kulankani ku wehelinayey Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda waxaana kamid ahaa; Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamaanka Galmudug, wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, wasiir ku xigeenka wasaarada  Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, guddoonka xiriirka kubadda cagta, iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa wasaaradda dhalinyaradda & ciyaaraha, xiriirka kubadda cagta iyo maamulka & ciyaartooyda uga mahad celiyey guushii ay ka gaareen tartankii dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Ciyaartoyda xulka kubadda cagta galmudug ayaa soo gaartay ciyaarta kama dambeysta aheyd ee tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir koobkaasi oo ay ku guuleysteen xulka kubadda cagta gobolka Banaadir.

Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay madaxda warbaahinta+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Madaxda Warbaahinta ayaa adkeeyey muhiimadda ay leeyihiin xilligan dalku ku jiro Doorashooyinka, isagoo ku boorriyey in ay xoojiyaan doorkooda wacyiginta bulshada.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, xukuumadda Soomaaliya, mudane Cismaan Abokor Dubbe, iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Yuusuf al-Caddaala ayaa sidoo ka qeybgalay kulanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabeele iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suan oo la kulmay Xubin sare oo ka mida Majliska sare ee Dalka Sudan.

0

Danjiraha Safaarada Soomaaliya Dalka Suudan Amb Maxamed Sheikh Isxaaq iyo Guudomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabeele Dr Cabdi Xakiim Luqaamn iyo wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha ayaa maanta kulan la qaatay Xubin Katirsan Golaha Sare ee ee ka arrimiyo Dalka Suudan Marwo Caasho Muuse Saciid kulanka ayaa ka dhacay Xarunta Qasrigga Madaxtooyadda Dalka Suudan, kulanka ayaa waxaa goob jooga ahaa Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Raami Ma’muun Bashiir iyo Madaxa Ganacsiga Safaarada Soomaaliya Dalka Suudan Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego)

Gudoomiyaha iyo Danjiraha ayaa waxaa loo sameeyay soo dhaweeyn diiran waxayna warbixin Guud ka siiyay xaalada Guud Dalka Soomaaliya iyo Midda Hirshabelle iyi xiriirka xoogan ee u dhaxeeya labada dowladood Sooamaliya iyo Suudan, sidoo kale waxaa si qota dheer uga hadlay xiriirka sooyaaleeyd Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka Suudan Amb. Maxamed sheikh Isxaaq ugana mahadceliyay dowlada Sudan sida muuqata ee u garab taaganyihiin waqti walba dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Marwo Caasho Muuse saciid oo ah xubin ka mid ah Golaha sare ee ka arrimiyo Dalka Suudan ayaa soo dhaweysay booqashada Gudoomiyaha iyo Danjiraha u fadhiya dowlada Soomaaliya Dalka Suudan, una xaqiijisay inay muhiim tahay Guud ahaan horumarinta iyo xiriirarka labada dal,gaar ahaan horumarinta Ganacsiga iyo dhamaan kaaabayaasha dhaqaalaha ee labada wadan, sidoo kale xiirka walalanimo iyo Dhamaan danaha labada dowladood Soomaaliya iyo Suudan.

Ugu dambeyntii Gabagabadii Kulanka laba dhinac ayaa ku soo idalaay is -afgarad wanaagsan.

 

Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Waxbarashada XFS ayaa wada qaatay kulan kusaabsan hormarinta Waxbarshada Dalka iyo Qorshayaasha Nimaadka Imtaxaanada.

0

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS Mudane Maxamed Caabbi Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Kulanka oo ku saabsanaa horumarinta Waxbarashada dalka gaar ahaan qorshayaasha nidaamka imtixaanaadka Sanad dugsiyeedka 2020/2021.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Caabbi Xasan ayaa Agaasime waaxeedyada Wasaaradda kula dardaarmay in ay dar dar galiyaan islamarkaana qorshe ka keenaan qaabka ugu haboon ee si hufan imtixaanka lagu maamuli karo.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Ergeyga Qaramada Midoobey u diyaargarowga doorashooyinka Soomaaliya+(SAWIRRO).

0

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Cusman , ayaa  xafiiskiisa   ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan, waxa uu kala hadlay xoojinta iskaashi wadaagga iyo kordhinta kaalmooyin waxtar leh oo ah mid bani’aadannimo iyo horumarin iyadoo la taageerayo barnaamijyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan in doorashooyinka baarlamaaniga iyo madaxtinimada lagu qabto waqtiga loo qorsheeyay.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay hirgelinayso qorshe dib-u-habeyn ah oo ku qotoma amniga, caddaaladda, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed si loo daboolo baahiyaha iyo himilooyinka shacabka, isagoo daaha ka qaaday in dowladdu ay latashiyo la yeelatay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo daneeyayaasha kale, taas oo ah horumar siyaasadeed oo gudaha ah. Wasiiru dowlaha ayaa xusay in ay muhiim tahay in la tixgaliyo muddo xileedka dastuurku qeexayo si hore loogu socdo, loogana fogaado waqti luminta, qas iyo qalaanqal-abuuridda iyo is-hortaagidda horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhanka nabadda iyo barwaaqada.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji.

Ciidamada ilaalada deegaanka dowladda hoose ee Xamar oo howlgalo ka wado suuqa Xamarweyne.

0

Ciidamada ilaalada deegaanka dowladda hoose Xamar ayaa bilaabay howlo lagu qaadayo ama lagu furayo wadooyinka xiran ee sida sharci darada ah looga ganacsado ee laga dhistay sandaqadaha iyo gaari ganacanada lagu iibiyo alaabaha iyo dharka noocyadiisa kala duwan.

Howlaahan lagu furayo wadooyinka dhex mara suuqa degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa ujeedadiisu tahay sidii wadooyinka sida sharci darada ku xiran looga furi lahaa shacabka iyo in la baneeyo marshibiyeeriga iyo wadooyinka dhexdooda ee ay ku ganacsanayaan ganacsatada soomaaliyeed.

Mudooyinkan danbe ayaa qaar ka mid ah suuqyada magaalada Muqdisho waxaa ka jiray ciriiri fara badan taasi oo keentay wadooyinka dexdooda iyo mirshibiyeeriyaasha oo ay ganacsiyo ka sameysteen ganacsatada yar yar waxaana ciidamada ilaalada deegaanka ay wadeen howlo lagu furayo wadooyin dhex mara suuqyada.

Waaxda Jidadka iyo Bulaacadaha Dowlada Hoose ee Xamar oo diyaar garow ugu jirto roobabka la filayo.

0

Waaxda Jidadka iyo Bulaacadaha ee Dowlada Hoose ee Xamar ayaa diyaar garow adag ka gashay sidii loo carro bixin lahaa dhuumaha qaado biyaha roobka ee magaalada dhexeeda.

Waaxda oo kaashaneyso madaxda sare ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa diyaar garow ugu jiro ka hortaga daadad ka dhalan karo roobabka la filaayo bilaha nagu soo aadan.

Shaqaalaha Waaxda Jidadka iyo Bulaacadaha ee Dowlada Hoose ee Xamar ayaa dadaal xoogan ku bixinaayo shaqo aad u adag si looga hortago burbur ku yimaado qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.

Burburka diyaaradii lagu la’aa Indonesia oo la helay.

0

Diyaarad rakaab oo laga leeyahay dalka Indonesia oo ay la socdeen 62 qof ayaa ku dhacday badda markii ay ka kacday caasimada Jakarta, sida ay masuuliyiintu sheegeen maanta oo Sabti ah.

Wasiirka Gaadiidka ee dalka Budi Karya Sumadi ayaa sheegay in diyaaradda Sriwijaya Air ee SJY 182 waxaa saarnaa 50 rakaab ah, oo ay ku jiraan 10 caruur ah, iyo 12 shaqaale ah, waxaana markaasi ka dib ciidamada Badda iyo laamaha gurmadku u hawlgaleen inay raadiyaan diyaaradda

Ciidanka Badda Indonesia ayaa sheegay inay heleen burburka diyaaradda oo ku kala firirsanaa afar goobood oo ku yaal biyaha Badda Java, waxaana ay sheegeen in cimiladu aad u liidato aagga diyaaraddu ku dhacday.

Wakaaladda raadinta iyo samatabbixinta Qaranka ayaa sheegtay in goobta ay diyaaradda ku dhacday ay qiyaastii 1.5-2 mayl u jirto labada jasiiradood, ilaa iyo hadda ma soo bixin faah faahin ku saabsan dadkii saarnaa diyaaradda.

Diyaaradda ayaa ka baxday caasimadda Jakarta, waxaana ay ku sii jeeday Pontianak, oo ah caasimada gobolka West Kalimantan, waxaana ay lumisay khadka isgaarsiinta wax yar ka dib markii garoonka ay ka duushay, markaas oo saacaddu ahayd 2.40 pm. waqtiga maxalliga ah (0740GMT), ayey sheegtay afhayeenka Wasaaradda Gaadiidka Adita Irawat.