Home Blog Page 590

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Wasiirka Difaaca oo kawada hadlay howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab

0

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka iyo Saraakiil kale ka tirsan Taliska 27aad ee XDS, isla markaana howlo shaqo u jooga magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

 

Dowladda Soomaaliya oo maanta ku guuleysatay inay dalka dib ugu soo celiso 14 dhalinyaro ah oo ku xirnaa xabsiyadda Liibiya

0

Muqdisho-23-8-2022:Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku guuleysatay inay dalka dib ugu soo celiso 14 dhalinyaro ah oo ku xirnaa xabsiyadda wadanka Liibiya.

Wasiirka Gashandhigga Soomaaliya Oo gaaray Deegaano katirsan Gobolka Hiiraan

0

Muqdisho-23-8-2022-:Wasiirka Gashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kormeer ku sameeyay  fadhiyada kala duwan Ciidamada xoogga Dalka ku leeyihiin  degaanada kala ah Xujuub, Faaf-gumare iyo Baardheere oo ka tirsan Gobolka Hiraan.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta u fariisatay dhageysiga Gal-dacwadeed ka dhan ah Ciyaal weero

0

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhageysiga Gal-dacwadeed eedeysanayaal ay ka yihiin, Ciyaal weero lagu soo qabqabtay howlgalka Samakaab oo ay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka fuliyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaxweyne Lafti gareen oo kulan la qaatay wafdi uu Hogaaminayey Madaxa Gurmadka Deg dega ah ee Hay’adda IOM oo Baydhabo gaaray

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay wafdi uu Hogaaminayey Madaxa Gurmadka Deg dega ah ee Hay’adda IOM oo Maanta Baydhabo  gaaray.

Ra’iisulwasare Hamse Abdi Barre oo maanta guddoomiyey kulan ay u dhanyihiin Golaha Wasiiradda XFS

0

Muqdisho-23-8-2022-Kulan wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho,waxaana guddoominaya Kulankaan Ra’iisulWasaare Hamse Abdi Barre.

Madaxweyne Qoor Qoor oo gaaray deegaan hoostaga Cabudwaaq

0

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo uu weliyo madaxweyne ku xigeenka ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay deegaanka Qudus ee duleedka degmada Caabudwaaq, waxaana halkaasi madaxweynuhu uu ka dhagax dhigay ceel biyood ay ka waraabi doonaam dadka ku nool deegaanka Qudus.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay soo dhawayn iyo marti qaad heerkiisu sarreeyo ee dadka deegaanku u sameeyeen wafdiga madaxweynuhu uu hogaaminayay, waxuuna xusay madaxweynuhu in uu deeganka ku soo laaban doono iyada oo uu deeganku sida haatan uu yahay ka ballaaran.

 

Madaxweyne Dani oo booqday xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Puntland

0

Muqdisho: 22 August 2022: Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha kala duwan xafiisyada Wasaaradda isagoo u kuurgalay sida ay shaqadu u socoto, wuxuuna warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta Wasaaradda oo la wadaagay shaqada socota iyo tan qorsheysan, doorka Wasaaradda Caafimaadka ee Abaaraha, xaaladda Covid19, iyo sida ay u socdaan adeegyada caafimaad ee kale ee joogtada ah oo loo hayo Bulshada.

Wuxuu ku booriyay Madaxweynuhu masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Shaqada ay hayaan, isagoo kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan. Kormeerka Madaxweynaha ayaa salka ku haya dardargelinta shaqada iyo tayeynta adeega Dowladnimo.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kukmay Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Fei Shengchao

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Da’ud Aweys Jaamac ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Fei Shengchao.

Kulanka Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka Shiina oo uu goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Wafaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Shiikh Al Cadaala ayaa looga hadlay xoojinta Xiriirka Wadashaqeyn ee u dhexeeya Safaaradda Shiinaha iyo Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Da’ud Aweys ayaa Safiirka Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Safaaraddu lagarabtaagantahay Wasaaradda Warfaafinta, isagoo ka codsaday in lasii xoojiyo taageerada iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Safiirka Shiinaha Mr. Fei Shengchao ayaa isna ballanqaaday in ay xoojinayaan taageerada Safaaradda ay siiso wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

 

Madaxweyne Qoor Qoor oo maanta kormeeray garoonka diyaaradaha ugu wayn degmada Caabudwaaq

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo indha-indheeyay garoonka diyaaradaha ugu wayn degmada Caabudwaaq, kaas oo loo dhisayo si heer caalami ah, gacantana ay ku hayso shirkad ku taqasustay dhismaha garoomada diyuuradaha.

Masuulka dhismaha garoonka ayaa xusay dhabbaha diyuurahadaha garoonkan, uu balac ahaan lamid tahay garoomada waa wayn ee Soomaaliya, mudo sedex bilood ahna lagu soo af meerayo dhismihiisa, sidoo kalana la filayo in ay ka soo caga dhigtaan, diyaarado heel caalami ah.

Madaxweyne Axmed Cabdi kaariye ayaa xusay in Galmudug markii ugu horeesay ay heli doonto garoon heer caalami ah, sidoo kalana ugu baaqay shacabka reer Galmudug in ay maal gashtaan, isku tashina ku dhistaan deegaanadooda.