









Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS ayaa u baaqday Maanta kooram La’aan, waxaana Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Madoobe uu sheegay in Xildhibaanada badankood ay safaro ku Maqanyihiin sidaasna uu u baaqday shirkii Golaha maanta la filayey in uu qabsoomo.
Ciidamada Amniga Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir sida Nabad sugida,Booliska oo kaa shanaya Maamulka degmadaas ayaa xalay Howlgalo dad badan lagu qabtay Waxa ay ka sameyeen dhamaan xaafadaha Degmadaas.
Xildhibaanadda Golaha Shacabka BFS ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa ay yeelanayaan kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo ka qabsoomaya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Taliska ururrada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degaanka Janaale ayaa soo bandhigay Cusmaan Xasan Hiraab oo muddo ka barbar dagaalamayay kooxda Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab, Cusmaan ayaa isku soo dhiibay ciidanka.
Ciidanka Kumaandooska Danab Gàar Ahaan Ururka 5aad Guutada 16’aad CXDS Iyo Kuwa Nabadsugida Maamulka Jubaland Ayaa Howlgalo lagu baacsanyo Argagixisada Ka waday malmahan Deeganada Dhaca Dhinaca Galbeedka Magaalada Kismaanyo Ee Gobolka Jubada Hoose.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga Amniga ee Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan lagu qaban doono Muqdisho.
Madaxweynaha Jamuuriyada Soomaaliya Hassan Sheikh Maxamuud ayaa caawa ku sugan Baydhaba ayaa kulamo is-xogwaraysi ah la qaadanaya odeyaasha dhaqanka ee degaanada maamulka Koonfur Galbeed, Madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku wehliya kulamadaan.
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa safarkiisi ugu horreeyay tan iyo markii xilkaas loo igmaday maanta ku tagay magaalada Baydhabo.