Qaabkee Africa uga adkaan kartaa Argagixisada?

Date:

Argagixisada ayaa siiwada ficiladooda guracan ee khatarta ku ah jiritaanka iyo horumarka dhaqan dhaqaale iyo bulshada ee qaarada Afrika sababo laxariira inay yihiin kuwo leh sifooyin kharibaad ah oo lid ku ah dadaalada  ay wadamada afrikaanku ku doonayaan inay ku xaqiijiyaan isbadal dhaqan dhaqaale iyo bulsho oo hanaqaada .

Khataraha argagixisadu ku hayaan wadamada afirka ayaa ah mid cuuryaaminaya  dadaalada ay qaaradu ugu jirto sidii ay ugaari lahayd ajandayaasheed dhanka horumarinta qaarada oo lajaan qaadi kara  dunida casriga. Dadaaladaas ayaa  ah  sidii hoos loogu dhigi lahaa ama loo yarayn lahaa caqabadaha dhaqan dhaqaale, amni  iyo bulsho ee sida xun u saameeyey inta badan nolosha  bulshada qaarada ee aadka u liita . ama ah  kuwa nugul dhibaatooyinka dabiiciga ah ama kuwa aan dabiiciga ahaynba .

Duruufaha qalafsan ee ladariska ah bulshooyinka qaarada Africa yaa ah kuwo  sii daciifinaya  awooda bulshada, waxayna noqonayaan kuwo unugul amaba  khatar u yihiin inay ku biiraan, ama gacan siiyaan ururada xagjirka ah iyo kuwa argagixisada ah.

Warbixin ay qortay xarunta ( African Centre for the Study and Reseach on Terrorism )  bartamaha sanadkan 2022  ayaa sheegtay in intii u dhaxaysay Janaayo – 30 Jun 2022 ay qaarada ka dheceen in ka badan 699 weerar ayna kadhasheen qasaaro dhimasho oo gaaraya 5412.

xarunta ayaa iftiimisay in ficilada kooxaha argagixisada ay caalama ka gaystaan in boqolkiiba 48% ay ka dhacaan  afrika.  soomaalida ku waxyeeloobay ficilada guracan ee argagixisada ayaa tiro ahaan kaaraya boqolkiiba 18% marka labarbar dhigo dalalka Burkiina Faso,Mali iyo Nayjar. Balse waxa kabadan dalka afganistaan oo boqolkiiba 20% ay yihiin dadka kule`day ficilada argagixisada.

weerarada argagixisada ee kusii baahaya Afrika waxay abuuraysaa welwel kale oo ah sida ay qaaradu u xaqiijinkarto yoolka uruka midawga afrika oo ah in qaaradu noqoto meel ka caagan dhawaqa qoriga 2030 , maadaama ay ku guul daraysatay inay xaqiijyo gaarista yoolkan 2020.

Waxaynu ku noolnahay duni ay ka dhacayaan isbadalo waaweyn, sidoo kale waxaa isbadalaya hab dhaqanka ururada argagixisada marka laga eego dhanka ilaha dhaqaalaha ay ka helaan, dadka ay adeegsadaan iyo xirfadaha ( Techniques)iyo sidookale tabaha ama qalabka ay u adeegsadaan inay ku fuliyaan weeraradooda. Isbadala noocaan ah ayaa kadhigaya kuwo ka dhib badan ama ay adagtahayba in lafahmo qaababka iyo tabaha ay ufulinayaa hawlgaladooda waxshnimada ah . sidaas awgeed waxaa qasab ku ah hay`adaha nabadsugiga ( Intelligences ) iyo kuwa Amniga inay noqdaan kuwo u diyaarsan awoodna u leh  inay la falgalaan kooxahaas cadawga ah ee abaabulan, korna u qaadaan dareenkooda iyo garaadkooda ,  waana muhiim in wadamada qaaradu ay qaadaan talaabooyin cad cad oo wax ku ool ah oo ah inay dib u habayn ku sameeyaan dhinacyada xoojinta awooda iyo tayada dadka ka howlgalaya hay`adahaas noqdaana  kuwa u diyaarsan dejinta istiraatijiyadaha dhanka aruurinta xogaha, xuuraansiga wararka , falanqayntooda iyo in sihufan loofaaqido xogahaas, noqdaana hay`adadha amnigu  kuwa awood u leh isdhaafsiga xogaha waqtiga ku haboon iyo go`aan ka qaadashadooda,  sidoo okale waa muhiim inla adeegsato xirfadaha caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn si looga hortago loona fashiliyo weeraada ka imaankara kooxaha argagixisada .

maalgalinta iyo tayeynta hay`adaha amniga ee dalka waxay caawinaysaa dhismaha hay`ado leh adkaysi si xooganna uga hortagi kara  argagixisada iyo ficil kasta oo khatar ku ah amniga dalkaas.

Tayeynta iyo kor u qaadista awooda fulineed ee hay`adaha amniga waxayka bilaabanaysaa in lagaguuro habdhaqankii hore ee  mudo lagu soo dhaqmayey sida tababaradii hore ee waqtigoodu dhacay , manhajkii la adeegsan jiray , istiraatiyadihii hore ama tabayaashii ama xeeladihii hore iyo qalabkaba, loona guuro tabo, xeelado ,cilmi iyo qalabyo cusub oo casri ah.

Casriyeynta  hay`adaheenna sirdoonka iyo kuwa amnigu waa inay ahaadaan kuwa aqoon durugsan u leh isticmaalka tignoolajiyada amniga qalab ahaan tababar ahaan. Sidoo kale ciidan qoristu ku salaysnaataa yaa mudan ee aysan ku salaysnaan (( Yaa wata )) Sidoo kale waa in dib uhabayn lagu sameeyo qaab dhismeedka xarumaha hay`daha laguna daraa kooxaha loo yaqaan ((Red Teams )) oo  madax banana.  Si ay u aruuriyaan xogaha sirdoonada kale iyo falanqayntooda.

Waana muhiim in hay`adha amniga laga shaqaalaysiiyo dal leh hal abuur iyo curin oo kor u qaadi kara awooda waxqabad iyo wax tar ee hay`adahaas.

Marka ay timaado arinta ciidan qorista ama ciidan qaadashada waxaa cad inay jiri karaan faragalin siyaasadeed , laakiin waxaa marag madoonta ah marka hay`adaha sirdoonka iyo amnigu ay hawlgaliyaan dad leh sooyaalo kaladuwan waxay noqonayaan kuwa awood uleh inay sahlan uga hortagaan khataraha iyo mu`aamaraadka cadawga argagixisada si waxku ool ah. Si kastaba ha ahaatee hadii eex iyo anuu ixigaa ay noqoto kuwa leh mudnaan marka laqaadanayo ciidan ama ay jirto hawlgalo , taasi waxay noqonaysaa mid cuuryaaminaysa hawgalka sirdoonka iyo kuwa amniga mana noqondoonaan kuwa waxtar leh .

Waxaana horay looyiri in lahelo hay`ad sirdoon oo sax ah ma u baahna oo kaliya  lahaanshaha awood xog aruurin, la taxliiliyo xogahaas oo lala wadaago xafiisyada ay quseeyaan si loo qaato go`aan fulineed, balse waxaa muhiim ah in hay`ada sirdoonku lahaadaan awood ay ku arki karto khataraha soo socda ee lidka ku ah amniga qaranka .

Sidaa darted,qaadashada sirdoon ku salaysan yaa mudan  (( merit –based requirement)) oo ka bixi kara hawlaha sirdoonka,  kana kala yimid goobo  ama hay`ado kala duwan waa sida ay sameeyaan inta badan hay`adha sirdoonka casriga ahi taasi waxay xoojinaysaa awooda hay`adahaas iyo  inay si waxku ool ah uga falceliyaan hawlgalada muuqda iyo kuwa qarsoon taasoo siinaysa karti iyo awood ay ugu dhex milmi karaan canaasirta argagixisada ayna yeeshaan awood ay si fudud ay kala furufuri karaan awooda dhaqaale iyo cudud ee ay ku fulinkaraan weeraro ay canaasirta argagixisadu wax ku yeeli karaan amniga dalka.

Waliba, marka aad haysato ama hawlgaliso sirdoon leh sooyaalo kaladuwan dhanka taxliilinta ama falanqaynta xogaha  taasina waxay caawinaysaa siyaasiyiinta si ay u  qaataan go`aano wax ku ool ah, soona saaraan sharciyo adag oo waxku oo amni sugida  u hiilinaya iyo  in wax laga qabto  sababaha asaasiga ah ee sababay inay dad qortaan ama helaan kuwo la dhacsan afkaarahooda xag jirka ah .

Arimaha aan kur ku xusnay waxaa sii adkeeyey hoosna ka xariiqay Toyin Adebole oo ah khabiir  Nigerian ah aqoon durugsana u leh  arimaha amniga iyo sirdoonka ayaa sheegay in caqabadaha amnigu ay sii ahaan doonaan kuwa nala deris ah mudo dheer waana, ‘’ marka qabiilka , fikradaha diineed iyo dareeno kale ay noqdaan kuwa saamaynta xoogan ku leh go`aanada istiraatijiyeed ee lagu magacaabayo kuwa maamulaya ama hawlgalinya hay`adaheena sirdoonka iyo amniga, kuwaasoo loo ogolaado inay fuliyaan mas`uuliyadooda si madax banana intabadan wada Africa.

badbaadada nolosha , hantida iyo amniga qaranku waa inay ahaadaan kuwo ku dhisan xirfad iyo aqoon, kana fogaadaan eex iyo nin jeclaysi si ay hay`adahaasi u noqdaan kuwo waxku ool ah oo hufan.

Dhanka kale,Adem Anthony oo ah khabiin amni oo Tanzaniya u dhashay ayaa yiri ‘’waa waajib in hay`adaha amnigu ay lahaadaan habdhaqan ah inay waxwalba oo ku saabsan amniga ay  waqti hore ka sii fekeraan , kana sii baaran degaan, ahaadaanna kuwa marwalba kafekera mustaqbalka waxa dhici kara , waayo caqabadaha amnigu maahan sidii hore , si aad ah ayey isubadaleen, sidaa si lamid ah waa in laamaha amniguna isubadlaan si ay ula falgalan una fashiliyaan tabaha iyo xeeladaha guracan ee argagixisada.

Macnaha guud, maadaama argagixisadu ay noqotay ifafaalo caalami ah   ( global phenomenon) oo ay kamid yihiin canaasir kala duwan oo wadamo kala duwan ka soo jeeda oo qayb ka ah ururadaas argagixisada . waa muhiin in hay`adaha sirdoonka lagu qalabeeyo wakiilo joogto ah iyo falanqeeyayaal awood u leh adeegsiga luqado kala duwan taasoo caawinaysa dadaalada lagu go`doominayo kooxaha argagixisada, sidoo kale fududaynaysa hababka aruurinta, falanqaynta ama taxliilinta macluumaadka laga helo argagixisada.

Ugu dambayn,awooda  sirdoonku u leeyahay  adeegsiga luqado kala duwan waxay xoojinaysaa iskaashi dhexmara laamaha sirdoonka ee gudaha dalka iyo qaaradaba. Sidaa awgeed maadaama aanu qarka u saaranahay inay dhamaato istiraatijiyadii Africa ee aamusinta qoriga 2030.     (strategy of  Silencing the Guns by 2030) waa arin ahmiyadeeda leh in afirca ay dib uhabayn fiican ku samayso hay`adaheeda sirdoonka iyo kuwa amniga hadii ladoonayo in lafuliyo istiraatijiyada qori aamusinta ee Africa ,waxna laga qabto ficilada guracan ee khatarta ku ah maniga Africa.

Hadii Africa ku fashilanto inay qaado talaabooyinka aanu soo xusnay oo runtii si xoogan u saamayndoontaa awooda , istiraatijiyada iyo ilihii dhaqaale ee loobaahnaa si loola dagaalamo argagixisada ku baahaysa qaarada .run ahaantiina xaqiijinta Africa oo nabad iyo barwaaqo ahna waxay u muuqan doontaa mid riyo ama khayaali  ah, iskaba daa in laxaqiiyo oo laga miro dhaliyo istiraatijiyadii ahayn in 2030 lagaaro Africa oo nabad ah oo xabdi ka dhacayn.

W/Q Axmed Suudaani

Lataliyaha koowaad Somali embassy Khartoum- Sudan.  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaan Maxamed Islow: “Waa in ay noo kala soocnaato naceybka mas’uulka xilka haya iyo Qaranimada”

Wasiirkii hore amniga Gudaha Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale...

Shirka Qiimeynta mashariicda dalka ka socota oo Muqdisho ka furmay

Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Madaxda dunida oo cambaareeyay isku day dil oo lala beegsaday Donald Trump

Hoggaamiyayaasha dunida ayaa taageero u muujiyay madaxweynihii hore ee...

Xeer Ilaaliyaha Qaranka: “Waa in si deg deg ah warbixin looga keenaa wixii ka dhacay xabsiga dhexe”

-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud...