Kooxaha Islaamiyiinta oo boqolaal qof ku dilay Mali, kumanaanna barakiciyey

Date:

Masuuliyiinta dalka Mali iyo kooxaha wax faalleeya ayaa sheegaya in kooxaha Islaamiyiinta ee dalkaas ka dagaalamaa, inay maalmihii ugu dambeeyey ku sii siqayaan dhinaca bari ee dalka Mali iyaga oo qabsaday deegaano cusub. Kooxaha Islaamiyiinta ayaa waxay laayeen boqolaal qof oo rayid ah halka ay kumanaan kalena ku khasbeen inay guryahooda ka caraaraan.

 

Guulaha cusub ee ay gaareen kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalkaas, ayaa markhaati fur u noqonaya culayska dalka Mali ka haysta in uu buuxiyo booskii ay banneeyeen ciidamada dalka Faransiiska iyo kuwa reer Yurub ee dalkaas ka baxay, iyada oo dhinaca kalena uu xumaaday xidhiidhkii Mali ay lahayd dalka Niger, taasoo keentay inay joogsadaan hawlgalladii milateri ee wada jirka ahaa ee ay ka samayn jireen meelaha u dhow xuduudda ay wadaagaan Niger iyo Burkina Faso.

 

Dagaal culus oo u dhexeeya kooxaha gooni u goosadka ah ee Tuareg iyo kooxda isku magcawda dawladda Islaamiga ah ee Saxaraha (ISGS) ayaa laga soo sheegayaa gobolka Menaka, halkaas oo ay ciidamada Mali kala wareegeen ciidamada Faransiiska bishii June.

 

Tan iyo markii ay baxeen ciidamada Faransiisku waxaa soo culays badani uu soo fuulay dawladda Mali, iyada oo kooxaha Islaamiyiintuna ay dardar geliyeen hawlgalladooda.

 

Tan iyo bishii March, waxa la dilay boqollaal qof oo u badan dad rayid ah, iyada oo kooxaha Islaamiyiintu ay gulufkooda ku ekeeyeen gobolka Menaka iyo gobolka kale ee la deriska ah ee Gao, sida laga soo xigtay warbixinta ACLED oo dusha kala socota xasaradaha hubaysan ee gobolkaas ka socda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...