Home Blog Page 588

SAWIRRO:Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb iyo Amaanka Magaaladaas oo la xoojiyey.

MUQDISHO-2-6-2022-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Hassan sheikh Maxamuud iyo Wafdi balaaran oo uu Hogaaminaayo ayaa maanta lagu wadaa in ay gaaran Magaalo Madaxda Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb .

Pakistan oo ka codsatay Taliban inay dhexdhexaadiyaan urur ka dagaalama dalkooda.

MUQDISHO-2-6-2022-Dowladda Pakistan ayaa arbacadii u dirtay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan, wafdi ka kooban 50 xubnood oo ah oday dhaqameedyo kala duwan, si ay ugala xaajoodaan ururka Talibanta Afghanistan, sidii wakhtiga loogu kordhin lahaa, heshiiskii xabbad-joojinta ahaa ee u dhexeeyey ururka Taliban ee ka dhisan dhinaca Pakistan iyo dawladda Pakistan, kaas oo wakhtigiisii dhamaaday toddobaadkan aynu ku jirno, sida ay xaqiijiyeen laba sarkaal oo dhanka ammaanka ah.

DAAWO:Madaxweyne Hassan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyey Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa Xalay munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyey Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyada oo ay munaasabadda ka soo qayb galeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka KG, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo kulan Baydhabo kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed ee culimada, haweenka, dhallinyarada iyo aqoonyahanka, ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, adkaynta dowladnimada, dib-u-heshiisiinta bulshada, taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah.

Kusimaha Taliyaha qeybta 21-aad, ahna Taliye kuxigeenka Qeybta oo maanta kormeer ugu tagay qaar kamid ah Ciidamada qeybta 21-aad ee u diyaar garoobaya soo dhaweynta Madaxwayne Hassan sheikh Maxamuud.

Kusimaha Taliyaha qeybta 21-aad, ahna Taliye kuxigeenka Qeybta Col. Maxamed Daahir Sahal ayaa maanta kormeer ugu tagey qaar kamid ah Ciidamada qaybta 21-aad ee u diyaar garoobaya soo dhaweynta Madaxwaynaha JFS Mudane Xassan Sheikh Maxamuud oo maalinta berito ah ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb sida wararka sheegayaan.

AKHRISO:Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose oo Maamul cusub u Magacaabay Deegaan Xebeedka Jasiira.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Ibrahim Adan Ali Najah ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku Magacaabay Maamulka  Cusub ee deegaan Xebeedka  Jasiira .

Wasiirka Beeraha Galmudug oo Magaalada Dhuusamareeb ka dhagax-dhigey dhismaha xafiisyada Cusub ee wasaaraddaasi.

Wasiirka Wasaaradda beeraha, dhirta iyo daaqa Galmudug, AxmedNuur Xaaji Cusmaan oo Ay wehliyaan Gudoomiye kuxigeenka 1-aad Baarlamaanka Galmudug Cabdulahi xirsi, Agaasimaha guud ee wasaraddaha Qorsheynta Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Dhuusamareeb, Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Federaalka iyo madaxda mashruuca Biyoole ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka dhagax dhigay xafiisyada wasaaradda beeraha oo laga dhisayo xaruntii hore ee daaqa qaranka.

SAWIRRO:Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Hassan sheikh maxamuud oo gaaray Maanta Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Dowladd goboleedka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid oo ay qayb ka ahayeen Xildhibaano Fadaraal ah,Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Somaliya ayaa maanta Gaaray  Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

DAAWO:Ciidamada Xoogga dalka oo Maleshiyaad katirsan Argagixisada Al-shabaab ku laayey gobolka Hiiraan.

MUQDISHO-1-6-2022-Ciidanka xoogga dalka ayaa jab xooggan gaarsiiyay Maanta  maleeshiyaadka kooxda Argagaxisada ah ee Al shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan si gaar ah deegaanka Booco ee Gobolkaas.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  iyo Saraakiil kale oo Maanta safar ku tagey Deeganka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Odowa Yuusuf Raage  iyo Saraakiil kale ayaa Maanta safar Howlo shaqo ah ku tagey Deeganka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay.