MUQDISHO-JUUN-14-2022:Masuuliyiin uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladd deegaanka gobolka Soomaalida ITOBIYA , mudane Mustafe Muxummed Cumar oo ay weheliyaan Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha, mudane C/raxman Ciid Daahir, Hoggaanka Nabadgelyada, mudane Mubashir Dibbad Raage iyo masuuliyiin kale ayaa si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyay xuduudda udhaxaysa labada maamul ee walaalaha ah ee Deegaanka Soomaalida iyo maamulka Soomaaliland.
Ciidanka DANAB oo dilay horjoogihii kooxda Argagixisada Al-Shabaab uqaabilsanaa Sahanka iyo sirdoonka degmada Wanlaweyn.
Muqdisho- 14 JUNE 2022: Ururka 4-aad, guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku khaarijiyeen Xasan Suleymaan Cali oo katirsanaa horjoogayasha argagixisada Al-shabaab.
SAWIRRO:Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud oo gaaray Degmada Xeraale ee Gobolka Galgaduud.
Muqdisho-Juun -14-6-2022-:Masuuliyiin katirsan Maamulka Xeraale iyo bulshada qaybaheeda kale duwan ayaa maanta afaafka hore ee Magaalada ku soodhaweeyay Guddoomiyaha gobalka Galgaduud Cilmi Cali Ganeey iyo wafdi uu hoggaaminayay, Guddoomiyaha gobalka iyo wafdigiisa ayaa intaasi kaddib loo soo galbiyay gudaha Magalaada Xeraale.
Shir Lagu Xoojinayey Wada Shaqaynta Booliska Nugaal Iyo Laamaha Garsoorka Ee Puntland oo ka dhacay Magaalada Graoowe.
Muqdisho- 14 JUNE 2022: Maamulka Gobolka nugaal iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolkaas ee mamulka Puntland ayaa Ka Qayb Galay Shir Lagu Xoojinayay Wada Shaqaynta Booliska Nugaal Iyo Laamaha Garsoorka Ee Puntland.
SAWIRRO:Wafdi uu Hugaaminaayo Guddoomiyaha Gobolka Galguduud oo gaaray Magaalada Galiinsoor
MUQDISHO-14-6-2022-:Wafdi uu Hugaaminaayo Guddoomiyaha Gobolka Galguduud ayaa gaaray Magaalada Galiinsoor ee Gobolka Galguduud waxayna kormeereen Xaruumaha Bulshada loogu Adeego.
Maamulka Degmada Dhuusa-mareeb iyo saraakiisha amniga oo xoolo laga soo dhacay dadkii lahaa maanta dib ugu celiyay.
MUQDISHO-JUUN-14-6-2022:Saraakiisha laamaha amniga gobolka Galgaduud iyo maamulka Dhuusamareeb ayaa geel laga soo dhacay deegaano hoostaga degmada caabudwaaq ku wareejiyay qoysaskii lahaa.
Midawga Yurub oo diiddan in Britian ay dib u eegto heshiiska Woqooyiga Ireland
Muqdisho-juun-14-6-2022:LONDON – Dawladda Britain ayaa daabacday qorshe ay ku joojineyso qaybo ka mid ah heshiiskii Woqooyiga Ireland ee ay dawladda Britain iyo Midowga Yurub la galeen sannadkii 2020-kii.
Dablay hubaysan oo 55 qof ku dilay woqooyiga dalka Burkina Faso
MUQDISHO-JUUN-14-6-2022-:Masuuliyiinta dalka Burkina Faso ayaa Isniintii maanta ahayd sheegay in dablay hubaysani ay woqooyiga dalkaas ku dileen illaa 55 qof, ka dib weeraro iyo rabshado beryahan ka dhacayey dalkan ku yaalla Galbeedka Afrika, taas oo loo aanaynayo inay ka dambeeyaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee halkaas ka dagaalama.
Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo xalay kulan la qaatay qaar ka mid ah danjireyaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka.
MADAXWEYNAHA JFS XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO LA KULMAY KU-XIGEENKA ARRIMAHA SIYAASADDA EE XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBEDDA MARAYKANKA
Muqdisho, Juun13, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Marwo Victoria Nuland oo uu weheliyo Danjiraha Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Mudane Larry André.
