Puntland iyo Galmudug oo gaaray heshiis ka kooban Shan qodob

Date:

Kulankaan oo looga hadlayay Xoojinta Amniga, Xasiloonida iyo wadajirka Bulshada Gobolka mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari, Gudoomiye ku xigeenka dhanka Puntland Waloore ,Odayaasha dhaqanka iyo laamaha amniga ayaa lagu qabtay Deegaanka Laama Ari-boob ee Gobolka mudug.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Bulshada Reer guuraaga ah iyo xal u helida deegaamaynta dhulka xoolo daaqeenka ah taas oo marar badan kusoo noqnoqday inta u dhaxaysa Deegaano horay looga heshiiyay inay xoolo Daaqeen noqdaan.

 

 

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa laga soo saaray ugu dambayntii qodobo qeexaya ilaalinta Amniga.

 

1-Guddiga 14 xubnood ah oo dhaqan ah isla markaana xog ogaal u ahaa heshiisyadii degaanada oo ugu dambeeyay Heshiisyadii Bandiiradley iyo Goldogob.

 

2 in la keeno heshiisyadii la kala Qortay.

 

3 in todobaarkaan layskugu yimaado shir lagu dhamaystirayo hirgalinta heshiisyadii hore.

 

4  in dib loogu laabto heshiisyadii Bandiiradleey iyo Galdogob.

 

5 ilaalinta soodimaha ayna u xilsaaran yihiin Ciidamada Isku dhafka ah oo ay xoojinayaan Ciidamada Booliska Iyo Daraawiishta labada Dowlad Goboleed.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...