Sirdoonka Soomaliya iyo Itoobiya oo Heshiis ka Gaaray Ladagaalanka Khawaarijta.

Date:

Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo itoobiya ayaa ku heshiiyey inay sii wadaan dadaallada wadajirka ah ee looga hortagayo argagixisada.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Mudane Sisay Tola oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi iyo is dhaafsiga xogaha ah.

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay ka hor taga Aragagixisada ku sii baahaysa Bariga Afrika iyo inay haboontahay in si wada jir ah leesaga kaashado.

Mahad Maxamed Salaad Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladda Itoobiya garab istaageeda walaaltinimo iyo deeqihii caafimaad ee dhowaan ay soo gaarsiiyeen magaalada Muqdisho.

Sisay Tola Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ayaa muujiyay sida uga xun yahay falkii argagixiso ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay si loo yareeyo cabsida laga qabo dhacdooyinka noocaan oo kale ah in la xoojiyo iskaashiga iyo la dagaalanka argagixisada ee Bariga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha Itoobiya ayaa dhowaan kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa waxay uga hadleen iskaashiga labada dal eek u aadan ka hor taga qataraha Argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...