Home Blog Page 577

Golaha Shacabka Soomaliya Oo dood ka yeeshay xeer hoosaadka Golaha

Waxaa goordhow Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ka furmay Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 11-aad ee Golaha Shacabka, kaas oo uu shir gudoominayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madowe..

Kulanaka xildhibaanada ee Maanta ayaa waxaa xaadiray 150 Xildhibaan, sida uu sheegay Guddoomiyaha, waxaana Ajandaha a uu yahay dhameystirka Xeer hoosaadka Golaha Shacabka

Xildhibaannada ayaa lagu wadaa in dood ka yeeshaan xeer hoosaadka Golaha uu ku shaqeyn doono kal fadhiyada soo socdo ee Baarlamaanka JFS

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha oo gaaray Degmada Buulo Burde+”SAWIRO”

Waxaa Maanta degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan gaaray wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Socdaalka Ergeyga waxaa ku weheliyay xubna ka socda hay’adda WFP, waxaana ujeedka safarkooda yahay u kuur gelidda xaaladda dadka ay abaaraha saameeyeen

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug Oo Soo Gaba gabaysay Kormeer ay ku tagtay Deegaanada Waqooyi bari ee Gobalka mudug +”SAWIRO”

Wafdigaan ay hogaamineysay gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Faandhe ayaa soo gaba gabeeyay kormeer dhowr maalmood ah kaas oo ay ugu kuur galayeen xaalada adag ee abaaraha oo ka taagan deegaanada Fog fog ee ku yaala dhanka waqooyi bari Gobalka mudug

Wafdigaan ayaa kormeerkooda ku tagay deegaanada Af barwaaqo Bandarsheekh iyo Qoryo weyn iyo kuwa kale kuwaas oo dhamantood deegaano bulshada intooda badani ay isaga hayaameen abaaraha dartood haatan ay ku hareen tiro dad ah oo aan badneyn kuwaas oo la daalaadhacaya dhibaatooyin kasoo gaaray abaaraha awoodi waayayna ineey ka guuraan

Qaar ka mida dadka tirada yar ee ku haray deegaanada ay masuuliyiintu gaareen oo la hadlay warbaahinta Qaranka iyagoo ka warbixiyay dhibaatooyinka heysta Cod;

Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Galmudug Axmed shire Falagle ayaa isna ugu baaqay hay”addaha samafalku ineey u gurmadaan dadka ku dhibaateysan deegaanadaasi isagoo dhanka kalana sheegay in deeqaha ka imaanaya hay”addaha samafalku aan la gaarsiin deegaanada Fog Fog ee Gobalka Mudug

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali ayaa uga danbeyn ka warbixisay waxyaabihii ay kusoo arkeen indhahooda

Deegaanka Qorya weyn ayaa bulshada ku nool waxa ay la ildaran yihiin xaalad biyo la”aaneed oo halkaasi ka taagan kadib markii ceelal gacameedyadii yaraa ee ku yaalay deegaankaasi biyo ahaana ay ku tiirsa naayeen ay biyihii gabi ahaanbe ka guureen abaaraha awgood

 

SNTV

Taliyihii Saldhiga Booliska magaaladda Qardho oo ladilay

0

Taliyihii saldhiga booliska magaalada Qardho ee Puntland ayaa u geeriyooday Rasaas ay ku fureen kooxo lagu sheegay inay yihiin kuwa ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Taliye Cumar Hiraad Kaatun ayaa saakay u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Rasaas ay ciidamada ammaanka kala hortimid kooxdaas

Waxaana haatan gudaha iyo daafaha magaalada Qardho ka socda howlagllo lagu baacsanayo kooxdaas oo laamaha amniga Puntland ay wadaan.

 

 

 

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay Ehelada Muqtaar Roobow.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hoygiisa kulan kula qaatay guddi ka socday ehelka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abu mansuur) ayaa waxa ay guddoomiyaha usoo gudbiyeen cabasho ay ka qabaan sii xirnaanshaha Sheekh Mukhtaar Roobow oo ay sheegeen In markii hore xarigiisa loo maray hab sharciga baalmarsan.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ehelka Sheekh Mukhtaar ay la wadaageen walaaca ay qabaan iyagoo ka codsaday in xoriyadiisa dib loo siiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay danjiraha Jabuuti .

Muqdisho, Juun 14,2022:Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe ayaa maanta gelinkii dambe gurigiisa ku qaabiley danjiraha dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Amb. Mohamed Rashid.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad Baarlamaanka Galmudug oo gaartay deegaanka Qorye-weyn.

Muqdisho-Juun-14-2022-Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali oo maal mahaan kormeero ay ugu kuur galaysay  abaaraha iyo saameeynta nolasha bulshada ee ay abaaruhu ku yeesheen ku mareeysay deegaanada fog fog ee waqooyi bari gobalka Mudug ayaa maanta gaartay deegaanka Qorya -weyn halkaas oo ay ka taagan tahay xaalad bini aadanimo oo adag isla markaana u baahan gurmad dag dag ah.

Madaxweyne Ahmed madoobe oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo kadib safar maalmo qaatay oo uu ku joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

SAWIRO:Ra’iisul-Wasaare Rooble oo maanta booqday dhismaha xarunta Xukumadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo heer gabogebo ah maraya.

MUQDISHO-JUUN-14-2022-:Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray dhismaha xarunta Xukumadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo heer gabogebo ah maraya.

Guddiga KMG ah ee labada Aqal BFS ee loo xilsaaray diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Qaranka 2022 oo guddon doortay.

Muqdisho-Juun14-6-2022:Guddiga KMG ah ee labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Golaha  shacabka BJFS iyo kan Aqalka Sare ee loo xilsaaray in ay diyaariyeen  Sharciga Miisaaniyadda Qaranka 2022 oo maanta fadhigoodii koowaad yeeshay ayaa iska dhex doortay Guddoonka Guddiga, waxayna u dhacday sida soo socota:-