Home Blog Page 579

Guddomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta gurmad Biyo- dhaamin ah u sameeysay qoysas ay abaaruhu saameeyeen.

MUQDISHO-JUUN-13-6-2022-:Guddomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta gurmad biyo dhaamin ah u sameeysay qoysas ay abaaruhu saameeyeen kuwaasi oo xaalad biyo la’aaneed ay ku heysatay deegaanada Bandarsheekh iyo buq qalooc oo ka mida deegaanada fog fog ee ku yaala waqooyi bari gobalka mudug

R/W Rooble oo Magacaabay guddiga qaban-qaabada xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Muqdisho-14-6-2022-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi ka kooban 16 xubnood u magacaabay qabanqaabada xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha oo la kulmay ku xigeenka wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka oo muqdisho timid.

Muqdisho Juun 13, 2022:- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Md C/raxmaan C/shakuur ayaa maanta kulan la yeeshay ku xigeenka wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka Victoria Nuland oo booqasho ku timid Soomaaliya .

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo qaabishay Wafdi kasocday Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO).

Muqdisho-13-6-2022-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud iyo Qeybaha Wasaaradda ayaa qaabilay Wafdi ballaaran oo kasocday Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) ee Bariga iyo Bartamaha oo uu Hogaaminayay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee
Hay’adda Caafimaadka Aduunka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya.

Muqdisho-Juun-13-2022 Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

DAAWO:Dad isugu jira Soomaali iyo Oromo ka timid dalka Itoobiya oo kasoo barakacay abaarta ayaa gaaray degmada Doolow .

MUQISHO-JUUN-13-6-2022-:Soomaali iyo Oromo katimid Dalka  Itoobiya abaartana sameen ku yeelatay ayaa gaaray Degmada doolow ee gobolka Gedo Ee koonfurta Soomaaliya .

DAAWO:Galmudug oo qeylo dhaan ka muujisay abaarta kajirta deegaano katirsan gobolka mudug ee maamulka Galmudug.

MUQDISHO-JUUN-13-6-2022-:Wafuud ay hogaaminayso guddomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug faadumo faandhe qeybna ka yihiin masuuliyiin katirsan Galmudug ayaa gaaray  deegaano katirsan gobolka mudug abaartana siweyn usameysay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug oo kulan la qaadatay odayaasha waxgaradka iyo maamulka deegaanka Afbarwaaqo ee Gobalka Mudug.

MUQDISHO-JUUN-13-6-2022-:Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug ayaa kulan la qaadatay odayaasha waxgaradka iyo maamulka deegaanka Afbarwaaqo ee Gobalka Mudug.

DAAWO:Wasiirka Warfaafinta XFS oo tababar ku saabsan wax soo saarka warbaahinta Bulshada u furay qaar ka mid wariyayaasha ka howlgala warbaahinta dowlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

0

MUQDISHO-JUUN-13-6-2022-:Tababar lagu baranayo wax soo saarka baraha bulshada oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen  waaxyaha tabarada iyo warbaahinta cusub ee wasaaradda ayaa maanta ka furmay xarunta wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee XFS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta si rasmi ah u daahfuray Imtixaanaadka shahaadiga ee Fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir.

MUQDISHO-JUUN-13-6-2022-:27,299 ardey ayaa u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Dhexe ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka iyo Agaasinka Waxbarashada gobolka Banaadir ayaa furay Imtixaanka.