Madaxweyne Guudlaawe oo baaq u diray dadkii ka barakacay degaanka Masaajidka Cali Gaduud

Date:

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in Al-Shabaab  laga xureeyay deegaanka cali gaduud ay dhibaato badan ay ku hayeen bulshada ku dhaqan degmadaan isagoo xusay in dadkaan ay ka qaadan jireen xoolo baad ah.

 

Madaxweynaha ayaan tilmaamay in Al-Shabaab ay cadow ku yihiin nolosha umaddw Soomaaliyeed, dhowaana laga ciribtiri doono deegaanada Hirshabeelle.

 

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabkii ka barakacay Masaajid Cali Gaduud ina ay dib ugu soo laabtaan Magaalada, howlgaladuna la sii wadayo inta Al-Shabaab laga ciribtirayo.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shabaab Masaajid ku yaalla degaanka ay dhigeen dukaamo lagu ganacsado, sidoo kale dadka shacabka ay ka qaadi jireen xoolo fara badan.

 

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Hirshabeelle in ciidanka Ammaanka aysan joojin doonin howlgallada ka dhanka Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...