Madaxweyne Guudlaawe oo baaq u diray dadkii ka barakacay degaanka Masaajidka Cali Gaduud

Date:

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in Al-Shabaab  laga xureeyay deegaanka cali gaduud ay dhibaato badan ay ku hayeen bulshada ku dhaqan degmadaan isagoo xusay in dadkaan ay ka qaadan jireen xoolo baad ah.

 

Madaxweynaha ayaan tilmaamay in Al-Shabaab ay cadow ku yihiin nolosha umaddw Soomaaliyeed, dhowaana laga ciribtiri doono deegaanada Hirshabeelle.

 

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabkii ka barakacay Masaajid Cali Gaduud ina ay dib ugu soo laabtaan Magaalada, howlgaladuna la sii wadayo inta Al-Shabaab laga ciribtirayo.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shabaab Masaajid ku yaalla degaanka ay dhigeen dukaamo lagu ganacsado, sidoo kale dadka shacabka ay ka qaadi jireen xoolo fara badan.

 

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Hirshabeelle in ciidanka Ammaanka aysan joojin doonin howlgallada ka dhanka Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...