Home Blog Page 569

Boqortooda Ingiriiska oo sheegtay in ay taageerayso dadka ku wax yeeloobay Abaarta Dalka ka jirta.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay danjiraha Dalka Ingiriiska Marwo Kate Foster.

Nairobi waxaa maanta ka furmay shirka Dowladda Soomaaliya iyo Hay,adda IMF ee hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda Dalka

0
Magaalada Nairobi waxaa maanta ka furmay shirka Dowladda Soomaaliya iyo Ha,adda IMF ee hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda Dalka,

Wasiirka Arimaha Gudaha XFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daahfuray Shirweyne looga hadlaayo Nidaamka Casriga ah ee Diiwaangelinta Madaniga

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa daah-furay shirweyne looga hadlaayo Nidaamka Casriga ah ee Diiwaangelinta Madaniga taasi oo ay ka qeybgalayaan Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

In ka badan 120 qof oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday Indonesia

0

Ugu yaraan 129 qof ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday garoon kubadda cagta ah oo ku yaalla dalka Indonesia, sida ay sheegeen saraakiisha. Waxay saraakiisha ku tilmaameen dhacdadan masiibadii ugu ba’neyd ee ka dhacdo garoon kubadda cagta ah caalamka.

DHAGEYSO:-Laamaha Amniga Kismaayo oo baritaano amniga lagu xaqiijinayo Ka sameeyey Xaafadaha Magaaladas

0

Ciidanka Booliska Maamulka  Jubbaland ayaa howlgalo Balaraaran oo lagu xaqiijinaayo amniga  ka sameeyey dhamaan xafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo ee Caasimada Gobolka Jubbada Hoose.

Hindiya oo hub u direysa Armenia si ay u xakameyso Turkiga iyo Pakistan

0

Hindiya ayaa dooneysaa inay dalka Armenia ka iibiso hub qiiamhiisa lagu sheegay Rs 2000 Crore (oo u dhiganta ku dhawaad $244 oo milyan oo doolar). Sanadkii 2020-kii Armenia waxa ay la dagaalantay dalka ay deriska yihiin ee Azerbaijan, oo la soo tebiyay inuu hub ka helay Turkiga.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Toronto ee dalka Canada

0

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Toronto ee dalka Canada.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo ku guuleystay in dib loo furo koontaroolada Magaalada Galkacyo kuwaas oo maalmihii u danbeeyay u xirnaa ciidan beeleed tabashooyin qabay

0

Maamulka Gobalka Mudug Galmudug ayaa ku guuleystay in dib loo furo koontaroolada Magaalada Galkacyo kuwaas oo maalmihii u danbeeyay u xirnaa ciidan beeleed tabashooyin qabay.

Saraakiil milateri oo sheegay inay xukunka ka tuureen Hoggaamiyihii Burkina Faso

In ka badan 10 askari ayaa la wareegay telefiishanka qaranka ee dalka Burkina Faso xilli dambe oo Jimcihii ah, iyaga oo shaaciyey in Lt. Col. Paul Henri Sandaogo Damiba oo ahaa hoggaamiyihii dalka ku qabsaday inqilaabka ee isu bedelay inuu madaxweyne ka noqdo dalkaas, in xilkii laga tuuray.

Sagaal bilood uun ka hor ayay ahayd markii uu Lt. Col. Damiba, uu inqilaabka ku qabsaday xukunka dalkaas.

War qoraal ah oo laga akhriyey telefiishanka ayaa lagu sheegay in Capt. Ibrahim Traore uu yahay hoggaamiyaha cusub ee ciidanka milateriga ee dalka Burkina Faso.

Hoggaamiyayaasha cusub ee milateriga ee Burkina Faso ayaa sheegay in la xidhay dhammaan xuduudaha dalka, isla markaana dalka lagu soo rogay bandow ka bilaabmaya 9-ka fiidnimo illaa 5-ta subaxnimo. Waxay ku dhawaaqeen in la kala diray dawladdii ku meel gaadhka ahayd iyo golihii qaranka.

Madaxweyne Damiba iyo xulafadiisa ayaa hore u inqilaabay madaxweyne si dimoqraadi ah loo soo doortay, isagoo la yimi ballan-qaadyo ah, inuu dalka ka dhigi doono mid ammaan ah.

Si kastaba ha ahaatee, rabshadaha ayaa ayaa u sii socday si aan kala joogsi lahay, waxaana sii kordhay niyad-jabka ay bulshadu ka muujisay hoggaamintiisa.

“Iyada oo la waajahayo xaalad amni oo ka sii daraysa, ayaa arrintaasi nagu dhiiri gelisay, haddaanu nahay saraakiisha sarsare iyo saraakiisha hoose ee ciidamada milaterigu, inaanu tallaabo qaadno, annaga oo rabna inaanu ilaalino amniga iyo sumcadda dalkayaga” ayuu yidhi afhayeen u hadlay ciidmada inqilaabka dhigay oo lagu magcaabo Capt. Kiswendsida Faaruuq Azaria Sorgho.

Madaxweynaha la sheegay in la inqilaabay Damiba ayaa hadda uun ka soo laabtay golaha guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo metelaya dawladda Burkina Faso. Damiba ayaa khudbadiisii golaha guud, ku difaacay afgembigii uu sameeyey bishii January isaga oo ku tilmaamay inay ahayd arrin ku saabsan badbaadada qaranka ee dalkiisa.

 

[Dhageyso]Koonfur Galbeed oo Sheegtay in Macluul qarka u saranyihiin dadka ku nool Deegaano katirsan Gobolka Baay

0

Xilli Guud ahan Soomaaliya  ay ka jirto Abaar aad u daran ayaa maamulka koonfur Galbeed waxa uu qeylo dhaan ka muujiyey abaraaha ka jira qeybo katirsan maamulkaas si gaar ah Degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba waxaana uu sheegay in xalaada halkaas ka jirta ay ka cabsiqabaan in ay isku badasho macluul.