Muqdisho-Juun-27-20222-:Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa qadka telefanka kula xiriiray wariyeyaashii ku dhaawacmay qarixii saakay ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne.
Guddoomiyaha Golaha shacabka BFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada
MUQDISHO JUUN 27,2022;Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS mudane Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada Hirshabelle Galmudug iyo Xildhibaan Cali siciid Fiqi oo wakiil ka ahaa Gudoonka Golaha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur galbeed.
Kulanka oo looga hadlaayey dardar-gelinta howlaha sharci dejinta iyo sida ugu haboon ay u wada shaqeyn karaan baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka iyo kan Federaalka.
Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay kaga jiraan golayaasha wakiiladda dowlad goboleedyada dalka waxaana uu sheegay in wada shaqeyn buuxda dhexmarto si loo helo aqoon kororsi ku aaddan shuruucda golaha Sharci dejinta dalka iyadoo loo ballan sanyahay Kulan wadajir ah oo laqaban doono maalmaha soo aaddan.

Madaxweyne Ahmed madoobe oo la kulmay ururka haweenka ee Degmada Dhoobley
Muqdisho-Juun-27-6-2022-:Madaxweynaha Dowladda Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta la kulmay ururka haweenka ee Degmada Dhoobley.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo dhaweeyay wafdi ka scoday xafsiika WHO ee Bariga iyo Bartamaha (EMRO)
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Agaasimayasha waaxaha Wasaaradda ayaa soo dhaweeyay wafdi ka scoday xafsiika WHO ee Bariga iyo Bartamaha (EMRO).
Wafdiga yaa u yimid Iskaashi labada dhinac ay ka yeelanayaan Arimaha Horumarinta hanaanka Isticmaalka Xogta Caafimaadka qaranka iyadoo lagu salaynayo u isticmaalka cilmi baarista iyo xoojinta dadaaladda lagu horumarinayo siyaasaddaha iyo Nidaamka Macluumaadka Caafimaadka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim ayaa warbixin kooban ka jeediyay kulanka taasoo la xariirta heerka Adeega Caafimaadka dalka ka jira iyo qorshayaasha Wasaaradda horyaala ee u baahan in la iska kaashado si loo hormariyo Nidaamka Xogta Caafimaadka Dalka, isagoo dhanka kalana ka warbixiyay dhibaatooyinka Caafimaad ee ka dhalan kara abaaraha ka jira dalka kuwaas oo saamayn xoogan ku yeeshay bulshada ku nool meelaha ay ka jiraan abaaraha xoogan kuwaas oo u nugul in ay loo soo daristo xaalado Caafimaad xumo.
Dhanka kale, Wafdiga ayaa kulamo wadatashi iyo xog-wadaag ah oo ku aadan heerka horumarineed ee siyaasadda iyo tayada Nidaamka Xogta Caafimaadka laqaatay qaar kamida farsamayaqaanada Xogta Caafimaadka, Sidoo kalana tala ka kabixindoona xoojinta nidaamka & maamulida xogta Caafimaadka guud ee Dalka.
Gudoomiyaha gobalka Mudug oo kulan la yeeshay saraakil ka socatay Hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka howlgala gobalka Mudug
muqdisho-juun27-6-2022-:Kulankaan oo uu soo agaasimay maamulka gobalka mudug isla markaana uu shir gudoominayay gudoomiyaha gobalka mudug Axmed xuseen shire bukhaari ayaa maanta looga hadlay sidii xalwaara loogu heli xaalada ee adag ee abaaraha ka taagan gobalka mudug.
Wariyaal ku dhaawacmay qarax ka dhacay Duleedka Magaalada Baladweyne
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UGU HAMBALYEEYAY DOWLADDA IYO SHACABKA JABUUTI MUNAASABADDA XORNIMADA DALKAAS
Xarunta gobolka Mudug ee galmudug oo dib u dayactir lagu sameeyey
Muqdisho-Juun-26-6-2022:Munaasabadan oo Daah fur u ahayd Dayactirka iyo Dib u hagaajinta Xarunta Maamulka Gobolka Mudug Ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha labada Golle dowladda Galmudug, Maamulka Gobolka, Kan Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha laamaha amiga, iskuduwayaasha Wasaaradaha ee Gobolkaan, madaxda ururada Bulshada iyo qeybaha kale ee Bulshada.
Madaxweyne Ahmed madoobe oo gaaray Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaaladda Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo dhawaan golaha wasiirada maamulkaasi ay degmonimo u aqoonsadeen.
Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyay bulshada qeybaheeda kala duwan waxaana uu sheegay in uu la kulmi doono
Waxaan kala tashan doona dadka ku nool Degmada iyo deeganada hoos yimaada sidii ay usoo dooran lahayeen dadka maamulaya gaar ahaan golaha deegaanka. Waxaan fududeyn doona dhamaan adeegyada muhiimka u ah Degmada iyo deegaanada hoos yimaada.”

