Gudoonka labada Gole oo kulan wadatashi ah la Qaatay Golayaasha Xeerdajinta Dowlad Goboleedyada Dalka.

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Miudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} oo ay wehliyaan ku xigeennada labada gole ee BJFS ayaa kulan la qaatay guddoonnada Baarlamaanka Dowlad goboleedyada dalka oo Muqdisho u yimid ka qeyb-galka furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo uga mahad celiyay guddoonnada Baarlamaannada Dowlad goboleedyada dalka ka qeyb-galka Furitaanka kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 11-aad, wuxuuna Guddoomiyuhu tilmaamay in ay muhiim tahay joogtaynta wadashaqaynta golayaasha Baarlamaannada heer dowlad Goboleed iyo heer Federaal, si loo gaaro dejinta sharciyo la isla waafaqay oo xoojinaysa dowladnimada Soomaaliya.
Dhankooda, Guddoomiaasha Baaralamaannada Dowlad Goboleedyada dalka ayaa Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay soo dhawaynta iyo hab-maamuuskii wanaagsanaa ee loo sameeyay, iyagoo soo jeediyay in la badiyo kulamada is-xogwaraysiga ah si loo xoojiyo wadashaqaynta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...