Home Blog Page 568

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS oo xilkii u kala wareejiyay ku simihii agaasimaha guud ee Wasaaraddaaa iyo Agaasimaha guud ee Cusub

0

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa xilkii u kala wareejiyay ku simihii agaasimaha guud ee Wasaaradda ahna agaasimaha waaxda maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Maxamed Amiin Maxamed iyo agaasimaha guud ee dhowaan la magacaabay Mudane Cabdiraxiim Warsame.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Marwo Fahmo Axmed Nuur, agaasimeyaasha waaxyaha wasaaradda, hawlwadeenada wasaaradda iyo marti sharaf kale oo ka kala socda laamaha dowladda iyo ururrada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo hadalo kooban ka jeediyay munaasabadda xil-wareejinta ayaa u mahad-celiyay agaasimihii guud ee hore shaqadii uu wasaaradda ka soo qabtay intuu joogay, wuxuuna kula dardaarmay agaasimaha guud ee cusub inuu dardargeliyo shaqada hor-tebinta u leh wasaaradda isagoo kula dardaarmay agaasime waaxeedyada wasaaradda inay la shaqeeyaan agaasimaha cusub gacanna ka siiyaan inuu shaqadiisa guto.

[DAAWO+SAWIRRO] Madaxweynaha JFS ayaa xariga ka jaray dhismaha Cisbitaalka Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhaxe

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Si wada jir ah  xariga uga  jaray cusbitaalka cusub ee Sheekh Axmed Gabyoow oo laga hirgaliyay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

[DAAWO+SAWIRO] 100 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab oo lagu dilay Hiirshabelle

0

In ka badan 100 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka, NISA iyo saaxiibada caalamiga ah, kaas oo ka dhacay degaanka Ceeldheere ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo Xilalkii U kala Wareejiyay Guddoomiye ku-Xigeennada Cusub iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir

0

Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday xarunta Aqalka hoose Ee Maamulka dowladda hoose ee xamar uuna soo agaasimay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa xilalkii loogu kala wareejiyay Guddoomiye ku-Xigeennada Cusub iyo kuwii Hore iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir,

Madaxweynaha Qaranka Oo Daah Furaya SNTV-Daljir.

madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jari doonna Telefishinka SNTV Daljir oo ka faalloon donna arrimaha ciidamada, howlgalladda dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab iyo ajendayaasha kale ee heer qaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale maanta toos ugala hadli doonaa shacabka Soomaaliyeed SNTV Daljir.

SNTV

SAWIRRO] Askar Hore Dil uGeysatay Oo Lagu Toogtay Magaalada Kismaayo

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay labo Askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay magaalada Kismaayo.

Munaasabadda lagu Daah-furayey Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo xalay lagu qabtay Magaaladas

0

Munaasabadda lagu Daah-furayo Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud  ayaa xalay lagu qabtay Magaaladas.

Ciidamada NISA oo howlgallo ka wadda Xaafaddaha kala Duwan ee Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay

0

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay Howgal ka sameeyey xaafadaha Magaalada Baydhabo.

 

Xaafadaha Ciidanka howgalka ka sameeyeen ayaa kala ah Isha, Bardaale, Horseed,Holwadaag iyo laamahooda kala duwana xaafadahaas.

 

 

Howlgalka Oo ahaa mid lagu sugaayey amniga guud Ee Xaafadaha Magaalada Baydhabo ayaa lagu soo qabqabtay dhalinyaro farabadana kuwaas Oo ciidanka ay ku wadaan baaritaano.

 

Nabad sugida Koonfur Galbeed ayaa kordhisey howlgalada ay ka fuliso guud ahaan Deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan furimaha hore dagaalka ee Gobolada Dalka

0

Muqdisho, Nofeembar 19, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta Alshabaab.

Soomaaliya oo saxiixday baaqa caalamiga ah ee xakamaynta hubka qarxa in lagu isticmaalo goobaha dadweynaha.

0

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa saxiixay baaqa caalamiga ah ee xakamaynta hubka qarxa in lagu isticmaalo goobaha dadweynuhu joogaan.

Baaqan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee heer caalami ah ayaa looga golleeyahay in lagu ilaaliyo dadka rayidka xilliyada colaadaha oo dhibaatooyin badani ka soo gaaraan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa khudbad faahfaahinaysa mawqifka Soomaaliya ee ilaalinta dadka rayidka ah ka jeediyay shirka, wuxuuna caddeeyay wasiirku in dowladda Soomaaliya muhiimadda koobaad siinayso dadkeeda iyadoo xilli adag oo dagaal lagu jiro.
Wasiirka ayaa tusaale usoo qaatay in sharciyada caalamiga ah ee xilliga dagaalka ka hor Soomaalidu lahayd Xeerka Birima-gaydada oo ahaa mid ilaaliya dadka nugul iyo kuwa rayidka ah een dagaalka ku jirin, isagoo caddeeyay in kooxaha xagjirka ahi ku tunteen sharci kasta oo dadka maatada ah ilaalinayay.
Wasiir Abshir Cumar Huruuse ayaa shirweynaha ka sheegay in sharcigan caalamiga ahi uusan qabanayn kooxaha Argagixisada oo kelli ah balse sidoo kale uu qabanayo Ciidamada dowladda iyo saaxiibada ajinebiga ah ee nabad ilaalinta iyo tababarka u jooga Soomaaliya oo xilliyada qaar magaalooyinka dhexdooda dabrid ka sameeya.
Soomaaliya iyo 18 wadan oo Afrikan ah ayaa sanadkii 2017 saxiixay baaq kan oo kale ah laakiin ku eg qaaradda Afrika