Home Blog Page 568

Deegaanka Wisil oo maanta martigalisay munaasabadda Xuska iyo Ducada Shuhadadii ku geeriyootay dagaalada Lagu la jiro Argagixisada Al-Shabaab

Muqdisho-Juun-28-6-2022:Deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug  waxa ay  maantay martigalisay munaasabadda Xuska iyo Ducada Shuhadadii ku geeriyootay dagaalada Lagu la jiro kooxda Nabad-diidka ah ee Al-shabaab ee Ka dhacay Koonfurta Gobolka Mudug iyo Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

xildhibaanada labada aqal ee Barlamaanka ayaa maanta ka dooday akhrinta 2-aad ee Miisaaniyadda dowladda 2022

MUQDISHO JUUN 28,2022;Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan ku-xigeennadiisa iyo guddoonka Aqalka sare ayaa shir guddoomiyey Kalfadhiga 1aad kulankiisa 7aad ee wadajirka ah oo Ajandihiisu ahaa aqrinta labaad ee warbixinta guddiga KMG iyo odoroska qoondada miisaaniyadda 2022-ka.
Guddiga KMG ee maaliyada Baarlamaanka ayaa soo gudbiyey warbixinta Odoroska qoondada 2022-ka, waxaana xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodeen warbixinta miisaaniyad sanadeedka islamarkaana ay su’aalooyin ka weeydiiyeen wwasiirka wasaaradda maaliyada Xukuumadda Xilgaarsiinta JFS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Madoobe oo gabo-gabada kulanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta berri ah la isku soo noqon doono islamarkaana si qotodheer loo turxaan bixin doono.

Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka oo maanta xilkii ku wareejiyey Ra’isulwaraha cusub ee dalka mudane Hamse Abdi Barre

Muqdisho-Juun -27-6-2022:Ra’iisulwasaarihii hore ee Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka si rasmi ah ugu wareejiyey Ra’iisulwasaaraha cusub ee XFS Hamse Cabdi Barre, Waxaana laga sugayaa inuu soo dhiso Xukuumad cusub.

SAWIRRO-Wariyaashii shalay ku dhawacmay qaraxii ka dhacay Hiiraan oo muqdisho la keenay

Muqdisho-juun-28-6-2022-:Iyada oo la Fulinaayo Amarkii Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe waxaa Magaalada Muqdisho laga soo dajiyay dhaawacyada Wariyaashii shalay wax yeelada ka soo gaartay qaraxii miino oo lala eegtay kolonyo ay la socdeen oo marayey deegaano u dhaxeeyo Magaaloyinka Baladweyne iyo Matabaan.

Hirgalinta xarumo looga talagalay horumarinta waxbarashada culuumta diinta islaamka oo Gaalkacyo ka socanaya

Muqdisho-Juun-28-6-2022-:Xaruntaan oo qeyb ka Ah xarumaha loogu talagalay sare u qaadista Barashada culuumta diinta islaamka isla markaana dhismaheeda ay si isxilqaan ah uga qeyb qaadanayaan qaar ka mida culumada magaalada Gaalkacyo iyo ardayda dugsiyada qur’aanka oo iyagu baahi weyn u qaba helitaanka xarumo ay kaga faa’iideeysataan waxbarashadooda diiniga ah ayaa hataan dhismahooda ka socanayaa xaafada Howlwadaag ee Magaalada Gaalkacyo.

SAWIRRO:Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo maanta kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.

MUQDISHO-JUUN-28-6-2022-:Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta  kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo kulan la qaatay Taliska Ciidanka Booliska maamulka Puntland .

0

Muqdisho-Juun-28-6-2022:Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa  xalay  kulan la qaatay Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS oo u ambabaxay Boqortooyada Sucuudi Carabiya halkaas oo ay ku martiqaaday Wasaaradda Bey’adda dalkaas

0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS Xildh. Maxamed Aadan Macalin (Somali) iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud & Agaasimaha Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda ayaa safar shaqo ugu ambabaxay Boqortooyada Sucuudi Carabiya halkaas oo ay ku martiqaaday Wasaaradda Bey’adda ee dalkaas.

Xildhibaanada Golaha shacabka BJFS oo ka doodaya Berri Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda dowladda 2022

0

Muqdisho-Juun-27-6-2022-:Xildhibaanada Golaha shacabka BFS ayaa maalinta Berri ah yeelanaya mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa.

Madaxweynaha Hiirshabelle oo amray in dhawacyada wariyaasha qaraxii Hiiraan ka dhacay loo soo qaado Muqdisho.

Muqdisho-Juun-27-20222-:Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa qadka telefanka kula xiriiray wariyeyaashii ku dhaawacmay qarixii saakay ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne.