Madaxweynaha Qaranka Oo La kulmay Gudoonka Baarlamaanka Dalka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaatay Guddoonnada Baarlamaanka Dowlad-goboleedyada dalka ee ka qeyb-galay furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey Baarlamaanka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed in ay xoojiyaan wada-shaqeynta dhexdooda ah, wadajirna uga shaqeeyaan dowlad-dhiska dalka, si loo gaaro Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis lah ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan qabyo-tirka dastuurka iyo dhammeystirka shuruucda xoojinaysa dowladnimada, waxa uuna tilmaamay doorka xooggan ee Baarlamaannada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ay ku leeyihiin xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Dhankooda, Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Salaad Samatar, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoonnada Baarlamaannada Dowlad-goboleedyada dalka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan, iyagoo soo dhaweeyey in ay sii joogteeyaan, si loo xoojiyo wadashaqeynta iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO DAAH-FURAY MASHRUUCA DHALLINYARADA IYO NABADDA

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo...

Dood wadaag ku saabsan geedi socodka dimoqraadiyeynta iyo dagaalka khawaarijta oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirro, xildhibaano iyo ururada bulshada ayaa muqdisho uga qeybgalay...

‘Azerbaijan waa dal aan ka baran karno casharo horumar dhaqaale’ (WARBIXIN).

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay cutub...

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad oo ka qeyb galay munaasabadda Bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta Baasaboorka Soomaaliga ah

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi...