Madaxweynaha Qaranka Oo Madaxtooyada ku qaabilay Sargaal ka Tirsan Golaha sare ee Dalka Sudan.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Sarreeye Guuto Ibraahim Jaabir Ibraahim oo ka tirsan Golaha Sare ee dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Ibraahim farriin iyo dhambaal ku saabsan xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga heer gobol, taas oo uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdulfataax Al-burhaan, iyadoo uu ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed tallaabooyinka wax ku-oolka ah ee ay u qaadeen nabadda, horumarka iyo wadajirka.
Sidoo kale, Dowladda Suudaan oo haatan ah Guddoonka Urur-goboleedka Horumarinta dalalka Bariga Afrika ee IGAD ayaa in ay taageerayaan howlgallada isku-dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreynayaan deegaannada ay dadka ku dhibaateynayaan argagixisadu, iyagoo tilmaamay doorka wanaagsan ee ay ka soo qaateen dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey wafdigan booqashada qiimaha badan ee ay ku soo gaareen walaalahooda Soomaaliya, waxa uuna uga warbixiyey guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sida ay u soo dhaweynayso dowladda Soomaaliyeed dalalka walaalaha iyo saaxiibbada ah ee ka gacan siinaya in Gobolka laga dulqaado argagixisada curyaamisay xasilloonida iyo horumarka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...