Home Blog Page 540

[DHAGEYSO] Dab ka kacay magaalada Jigjiga oo  la sheegay iney ku dhinteen 4 carruur oo hal qoys ah.

0

Dabkaan oo ka kacay xaafad kamid ah magaalada Jigjiga, ayaa ka kacay xaafad ay ka soctay xaflad aroos oo xalay halkaasi ka dhaceysay.

Ciidanka isku dhafka Xasilinta booliiska Gobalka Mudug oo lagu wareejiyey laba gaari oo ah nuuca dagaalka

0

Masuuliyiin ka tirsan dowladd gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta si wadajir ah ugu wareejiyay labo gaari Ciidanka isku dhafka Xasilinta booliiska Gobalka kuwaas oo suga amniga Gobolka Mudug.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilalka u kala wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Wasiirkii hore

0

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga XFS Xildhibaan Jibriil Abdirashiid Xaaji, Wasiiru-dawlaha cusub Md. Abdisalaan Shariif Xuseen iyo Wasiir ku xigeenka cusub Md. Osman Mohamed Abdi(Daalo), ayaan maanta xilkii Wasaaradda si rasmi ah uga la wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xildhibaan. Khaliif Cabdi Cumar, Wasiiru-dawlahii hore Md. Abdulkaadir Shariif Sheekhunaa Maye iyo Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaraddaas Md. Cali Maxamed Sheekh Bagadi.

Munaasibadda xil-wareejinta oo ka qabsoontay xarunta Wasaaradda, ayaa waxa goob-joog ka ahaa oo xilka u kala wareejiyey Ra’iisal Wasaare ku xigeenka XFS Md. Saalax Axmed Jaamac.

Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay deeq raashin oo ka timid dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta

0

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maxamed Abuukar Zubeyr iyo masuuliyiin kale ayaa la wareegay deeq raashin oo ka timid dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta.

Deeqda oo ka kooban 40 konteenar ayaa isugu jira cuntooyin kala duwan oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dowladda Soomaaliya waxay ka shaqeyneysaa inay u gaarsiiso dadka ugu baahida badan ee gobollada dalka sida ugu dhaqsiyaha badan.

FG: Sixid tirada konteerada waa 40

Wasiirka cusub ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xamse Siciid Xamse

0

Wasiirka cusub ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xamse Siciid Xamse, ka dib, munaasabad ka dhacday Xarunta Wasaaradda oo goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Wasiirka xilka wareejiyey shaqadii uu dalkiisa u soo qabtay, isagoo u rajeeyey Wasiirka cusub in Eebe u fududeeyo shaqooyinka qaranka.

Xildhibaano katirsan BFS oo maanta gaaray deegaanka Hees oo kamid ah deegaandii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-shabaab

0

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Buraale Raaxeeye oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray deegaanka Hees oo kamid ah deegaandii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka argagaxisada ah ee Al-shabaab.

Waxaana kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka ee is abaabulay oo dhawaanahaan iyagu qeyb ka ahaa howlgalada, deegano katirsan gobalka hiiraan looga xoreynayay maleeshiyaadka argagexesada ah ee Al-shabaab.

Xildhibaanadda ayaa dhiiri-galinayay ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo isku kaashanaya sidii la isaga dulqaadi lahaa kooxaha nabad diidka ah ee argagaxisada Al shabaab.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyey shir looga hadlayey amniga iyo arimaha Garsoorka

0

Madaxweynaha Dowladd goboledka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoonshay shirka guddi hoosaadyada Golaha Wasiiradda ee Tiirarka Siyaasadda loo dhanyahay, Amniga iyo Cadaaladda.

Kulankaan ayaa looga hadlay xaqiijinta nabad galyada Caasimadda oo wax badan laga qabtay iyo Howlgalada lagu baacsanayo Kooxaha argagixisada ee ka socda degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay Dardargalinta qaab dhismeedka Hay’addaha Garsoorka, dib u howlgalinta iyo geeddi socodka dhismaha Golayaasha Deegaanka.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay dhamaan Guddi hoosaadyada Golaha Wasiiradda iyo Howlwadeennada Madaxtooyda ee Tiirarka Siyaasadda loo dhan yahay iyo Amniga iyo Cadaaladda oo aad isugu howlay qabsoomida shirkaan iyo dabagalka fulinta qodobada lagu balamay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo saraakisha amniga kala hadlay adkeynta amniga Maamulkaas

0

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey Shir deg deg ah oo ay isagu imaadeen Saraakiisha Laamaha Amniga Qeybahooda kala Duwan,kuwa Atmis iyo Saraakiil ka socday Dowlada Ingiriiska.

 

Shirka waxaa diirada lagu saaray Xoojinta Amniga,Iskaashiga qeybaha kala duwan ee Ciidanka,Wadaagida Xogaha Argigixisada ay ku dhibaateyaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Xoojinta Howlgalada Socda.

 

Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre oo maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha iyo wasiirka cusub ee wasaaradaas

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshisiinta  Mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Jen Mukhtaar Xuseen Afrax.

[DAAWO+SAWIRO]Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta oo maanta si rasmi ah xilkiisa ugala wareegay

0

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyay wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta XFS Sen. Cusmaan Abuukar Duube iyo wasiirka Cusub ee wasaaradda warfaafinta XFS Daa’uud Aweys Jaamac.

 

Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa ka qeybgalay, wasiir ku xigeenka wasaaradda, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, agaasima waaxeedyada wasaaradda, shaqaalaha iyo marti sharaf kale.