Home Blog Page 540

Deegaanka Ciid-Ciidka ee Jiinka Wabiga ayay Maanta u daateen Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka waxaana ay gudaha u galeen keymo ay Khawaarijtu gabaad ka dhigan jireen.

0

Khawaarijtu markii ay waayeen si ay u kala asturaan Maydadka xubnaha looga laayay Howlgalada ciidanka Qaranka ay ka wadaan Shabeellaha Dhexe waxay ku shubeen Godad Waawayn, ayaga oo aanan kala saarin.

Waxaa la arkayay Askarta ciidanka Xoogga Dalka oo Sanka ka qabsaday urta Maydadka Khawaarijta maanta markii ay gaareen dhulka Howdka ah ee ku yaala degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

https://www.facebook.com/sntvdaljir/videos/1558616567898349https://www.facebook.com/sntvdaljir/videos/1558616567898349https://www.facebook.com/sntvdaljir/videos/1558616567898349

https://www.facebook.com/sntvdaljir/videos/1558616567898349

Ciidamada XDS oo Howgal ka sameeyey deegaano katirsan gobolka galgaduud

0

Abaanduulaha Ururka 71aad ee Guutada 15aad Dhamme Mustaf Dahir Warsame ayaa hogaamiyey Ciidan katirsan Guutada kuwaas oo howlgal Saf balaaran ah kutagay deeganada kala ah Sina dhaqo, Labi dulle, xin xawaal iyo tuulo Cali Qobo oo ay argagixisadu ku duumalaysanaysay.

Ciidamada ayaa bur buriyey Fariisimihii kooxdaas waxayna ciidanku baacsadeen maliishiyaadkii kooxda Khawrijta ah oo firxaday kadib markii ay maqleen howlgalkan culus ee ay ciidanku wadaan.

Ciidanka xooga dalka gaar ahaan kuwa Guutada 15 aad ayaa maalmahaan xoojiyay howlgalada lagu soo afjarayo kooxda Khawaarijta ah ee ku duumaalaysanayso deegaano hoos taga degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud.

Duqa magaalada Beledweyne Maama Nadar Tabaax Maalin oo dhiirigalin u sameeysay ciidanka deegaanka ee ku sugan furumaha jiinka webiga Shabelle

0

Duqa Magaalada Beledweyne Maama Nadar Tabaax Maalin ayaa dhiirigalin u sameeysay ciidanka deegaanka ee ku sugan furumaha jiinka webiga Shabelle.

Maama Nadar Tabaax ayaa xoolo ku wareejisay saraakiisha ciidanka deegaanka, waxaana sidoo kale aay kormeertay goobaha aay ku suganyihiin ayadoo dhageeysatay baahiyaha ay qabaan.

Duqa Beledweyne Nadar Tabaax ayaa booqotay deegaanada Baardheere, Beerxaano, Tarashante iyo deegaanka Bur-daar oo dhamaan aay ku suganyihiin ciidanka deegaanka.

Duqa Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa ciidanka ku dhiirigalisay howsha adag ee aay u hayaan dadkooda, waxaana aay sheegtay in marwalba aay garab taagantahay.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo Gaaray magaalada Addis Ababa

0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia iyo Sarakiil ka tirsan wasaaradda difaaca Ethopia.

Wasiirka oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kala duwan ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda sare ee dalka Ethiopia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa ka qeyb galay Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayoy caqabadaha jira Gobolka oo ay ugu horreeyaan aragagixisada, Isbeddelka Cimilada iyo abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.

“Ciidamada Qaranka iyo shacabka soomaaliyeed waxa ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka Khawaarijta, waxaa u dambeysay degmada Aadan Yabaale oo ay dadkeenna ku dhibi jireen maantase xor ah. Al-shabaab waa ku jabeen dagaalka tooska ah. Alle mahaddi waxaan soo gaarnay heer dadkeennu ka doodayaan Shabaab kaddib dalka halkee loo jiheynayaa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku soo bandhigay madasha, guulaha ay dowlada ka gaarto dagaalka ka dhanka ah argagixisada, deegaannada laga xoreeyey iyo sida ay uga go’an tahay in la soo afjaro halista khawaariijta. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay abaaraha iyo saameynta ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb-galay Madashan ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed guulaha is-daba-joogga ah ee laga gaaray argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey, iyadoo Labada Madaxweyne ay shahaado sharaf ka guddoomeen Machadka Heritage, taas oo lagu maamuusayey doorka ay ka qaateen nabadda iyo xasilloonida Gobolka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo Magaalada Dhuusamareeb ka dhagax dhigay Xarunta Gurmadka deg degga ee Dowlad Goboleedka Galmudug

0

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wahliyaan Wasiirka Gargaarka Galmudug Abdirahman Makkaawi iyo Duqa Magaalada Dhuusamareb ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Xarunta Gurmadka deg degga ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Gudoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in ay dhawaan dhisi doonaan Xarunta Gurmadka deg degga ah, taas oo baahi wayn looga qabo deegaannada Galmudug.

Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Gargaarka Galmudug oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga xarunta ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay dhismaha xaruntaan taas oo uu oga mahadceliyay hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka.

Ugu danbayn, Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa u mahadceliyay wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Duqa Caasimadda Galmadug Geedaqorow sida wanaagsan oo ay hay’adda u soo dhaweeyeen uguna deeqeen dhul laga dhiso xarun loogu adeeggo shacabka Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Souef ayaa si gaar ah looga hadlay arrimaha amniga, dadaallada dib-u-xoreynta, xasillinta iyo doorka ATMIS ee dagaalka lagu cirib tirayo kooxaha Argagaxisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ciidanka Midawga Afrika uga mahad celiyay doorkooda dhismaha nabad-gelyada dalka.

Madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine ayaa intii uu kulanku socday waxuuu dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay guulaha la taaban karo ee ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka soo hooyeen dagaalka lagula jiro Khawaariijta, gaar ahaan guushii ugu dambeysay ee argagaxisada looga xorreeyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Danjire Souef ayaa ballan qaaday in ATMIS ay dowladda Federaalka Soomaaliya kala shaqeyneyso dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dadaallada Xukuumadda ee amniga iyo xasilloonida dalka looga hir-gelinayo.

Abdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta ka qayb-galay shir ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta ka qayb-galay shir ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta Qaahira ee dalka Masar, kaasoo looga hadlayay Abaaraha, badqabka cuntada iyo u adkaysiga is-beddelka cimilada.

Ergeyga oo furitaankii shirka khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in dadaalkii Dowladda Soomaaliya ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hormuudka u ahaa, deeqihii ka yimid dalalka deeq-bixiyayaasha ah iyo ka go’naanshihii hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah lagaga hor-tegey macluul la saadaalinayay in ay dalka ka dhacdo sanadkan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sidoo kale xusay in weli ay halistii taagan tahay, maadaama xilli roobaadkii 5-aad uu ka hooseeyo heerkii la rabay, sanadka soo socdanna aan la hubin gargaarka ka imaanaya dalalka deeqaha bixiya, wuxuuna Dowladaha iyo hay’adaha shirka ka qeyb galay ku boorriyay in ay gurmadka qeyb ka noqdaan.

Ergayga wuxuu kaloo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay wax ka badan gargaar degdeg ah, taasoo ah in garab lagu siiyo sidii ay uga faa’iidaysan lahayd khayraadka dalka, sida in la helo maalgelinta mashaariic dhisaya u adkaysiga aafooyinka iyo la qabsiga is-beddelka cimilada si looga maarmo ku tiirsanaanta gaargaarka iyo gurmadka bani’aadannimada.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha oo qaybaha muhiimka ah ee shirka guddoominayey ayaa Dawladaha Carabta ugu baaqay in ay garab istaagaan Dawladda Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha hortaagan, awoodna ugu yeelato in ay dadkeeda gagaar iyo gurmad la gaarto, una fuliso mashaariic horumarineed oo dadka wax tar u ah.

Waxaa Ergeyga shirka ku wehliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, Guddoomiye ku xigeenka Hay’aada Maareynta Musiibooyinka – SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan iyo saraakiil kale oo ka socday SoDma iyo Wasaaradda Biyaha iyo Tamarata XFS.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS oo maanta kulan la qaatay Guddoomiyayaasha golaha wakiilada Maamul goboledyada

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare, ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hoygiisa, waxaa booqasho iyo salaam ugu yimid guddoonnada Baarlamaanka Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koofurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug oo Muqdisho u jooga howlo shaqo.

Kulanka ayaa looga wada hadlay adkaynta xiriirka wadashaqayn ee Aqalka Sare iyo Golayaasha Xeer-dejinta Maamul dowlad Goboleedyada iyo in Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkisa dastuuriga ah uu la fududeeyo golayaasha waxyabaaha muhiimka u ah shaqooyinkooda ee uga xiran Dowladda Faderaalka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku booriyay Guddoomiyayaasha in ay dardar geliyaan waajibaadka iyo howlaha shaqo ee ay u hayaan shacabka ku nool Maamulada ay matalaan oo ka sugaya dejinta Xeerar iyo sharciyo xoojinaya Dowladnimada.

 

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS oo xilkii u kala wareejiyay ku simihii agaasimaha guud ee Wasaaraddaaa iyo Agaasimaha guud ee Cusub

0

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa xilkii u kala wareejiyay ku simihii agaasimaha guud ee Wasaaradda ahna agaasimaha waaxda maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Maxamed Amiin Maxamed iyo agaasimaha guud ee dhowaan la magacaabay Mudane Cabdiraxiim Warsame.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Marwo Fahmo Axmed Nuur, agaasimeyaasha waaxyaha wasaaradda, hawlwadeenada wasaaradda iyo marti sharaf kale oo ka kala socda laamaha dowladda iyo ururrada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo hadalo kooban ka jeediyay munaasabadda xil-wareejinta ayaa u mahad-celiyay agaasimihii guud ee hore shaqadii uu wasaaradda ka soo qabtay intuu joogay, wuxuuna kula dardaarmay agaasimaha guud ee cusub inuu dardargeliyo shaqada hor-tebinta u leh wasaaradda isagoo kula dardaarmay agaasime waaxeedyada wasaaradda inay la shaqeeyaan agaasimaha cusub gacanna ka siiyaan inuu shaqadiisa guto.