Ciidanka Booliska Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa ku guleystay in gacanta ku dhigaan Koox burcad ah

Date:

Ciidanka Booliska Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa ku guleystay in gacanta ku dhigaan Koox shabakad burcad ah oo 06/01/2023 abaara 02:00 Habeenimo gaari nuuca raaxda ah iyo dadkii saarnaa ka afduubtay meel u dhow Garoonka ciyaaraha Stadium Eng Yariisoow ee Degmada Cabdicasiis.

Kooxdaan burcadka ah oo ka kooban shan rag ah oo watay qoryaha AK47 ayaa gaariga ku joojiyay isgooska Ex control ah halkaas oo ay ku baarteen dadkii saarnaa gaariga iyaga oo ka qaatay dhamaan taleefanadii ay wateen, kadibna iska dajiyay dadkii shacabka ahaa.

Ciidanka Booliska oo xogta ragaan hayay wada shaqeena ka halaya dadka shacabka ah ayaa iyagoo baxsad ah ku qabtay Deegaanka Garasbaaley ee duuleedka Magaalada Muqdisho 12/01/2023 abaaro 08:00 subaxnimo.

Burcadaan hubaysan ayaa haatan ku jira gacanta ciidanka Ammniga waxaana la hor geenayaa Hey’adaha kale garsoorka si cadaallada loo marsiiyo.

Mahadsanidiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...