Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta hor-tegay Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BFS

Date:

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta hor-tegay Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BFS, waxaana uu uga war-bixiyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda, qorshe hawleedka 2023, caqabadaha jira iyo guud ahaan waxyaabahii u qabsoonay sanadkii hore.

Wasiirku, wuxu sidoo kale halkaas guddiga kula wadaagay warbixinno ku saabsan horumarada laga sameeyey dhinacyada horumarinta Ganacsiga iyo Warshadaha, Maalgashiga, iyo weli ba sidoo kale hay’adda hayo-dhowrka Soomaaliyeed. Isaga oo u gudbiyey liiska shuruucda iyo heshiisyada u qorsheysan inay u soo gudbiyaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo ahmiyad weyn u leh horumarinta iyo fududeynta ganacsiga Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xariga ka jaray dhismaha Buundadda Sabiid iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho 1- Madaxweyne Xasan...