Nairobi,Janaayo, 19, 2023- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta soo xiray shir muddo toddobaad ah uga socday Magaalada Nairobi qaar kamid ah hey’adaha Dowladda iyo hey’adda Lacagta Adduuunka iyo Bangiga Adduunka.
[DAAWO] Gobolka Banaadir oo maanta ku dhawaaqay in ay dib u bilaabayaan canshuuraha guryaha Muqdisho
Maamulka Gobolka Banaadir Ayaa maanta ku dhawaaqay in ay dib u bilaabayaan canshuuraha guryaha Muqdisho iyaga oo dhanka kale go’aan ka soo saaray guryaha bubursan ee ku yaalla caasimadda.
Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay oo xabaalo wadareedyo ka helay bariga DR Congo
Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayaa helay tobanaan meydad ah oo ku jira xabaalo wadareedyo.
[SAWIRRO] 49 Katirsan Khawaarijta Al-shabaab oo lagu dilay Tuulo hoostagta Deegaanka Xawaadleey
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha ee dalka Yemen oo booqasho ku jooga Dalka
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEERAY HOSBITALKA GOBOLKA BAAY IYO GOOBO BARAKACAYAAL

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo madaxweynaha KG ayaa dhagax dhigay dhismo cusub
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed mudane cabdi casiis xasan maxamed ayaa dhagax dhigay dhismaha Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaaladda Baydhabo.
Madaxweyanaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay Madaxtooyada Qaranka ee laga dhisayo magaalada baydhabo ee Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Koonfur-galbeed, waxa uuna sidoo kale kormeeray Garoonka Kubadda cagta ee dhawaan la dhisay iyo goobo muhiim u ah adeegyada bulshada


Gudiga arimaha dibada ,iskaashiga caalamiga qorsheynta iyo hormarinta dhaqaalaha aqalka sare ayaa suaalo weydiiyey wasiirka qorsheynta xfd.
Guddiga Arimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga, Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Aqalka Sare oo gudanaya Waajibkiisa Dastuuriga ah ayaa su’aalo weydiiyay Wasiirka Qorsheynta XFS.
Doodihii dhexmaray Guddiga iyo Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha waxaa ay xoogga saarayeen howlaha shaqo ee wasaaradda iyo mashaariicda waxaana
Kulanka guddoominaysay Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda Aqalka Sare Senator Maryan Farah Kahiye.
Howgal ay wadjir u fulinayaan ciidamada xooga dalka, sirdoonka qaranka Nisa iyo ciidamadda deegaanka ayaa ka socda nawaaxiga deegaanka xawaadleey
Howlgal ay Wadajir u fulinayaan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sirdoonka Qaranka NISA, Ciidammada deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka socda nawaaxiga deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada Dhexe.
Howlgalkan ayaa si gaar ah uga socda Beerta Sheekh Qaasim Tuullada Dhagaxoow ee hoos tagta deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada Dhexe.
Ilaa hada waxaa la xaqiijiyey in Howlgalkan lagu dilay in ka badan 25 Maleeshiyaad ah oo ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayadoo sidoo kalena lagu soo furtay hub iyo gaadiid dagaal.
Howlgalka oo weli socda wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idiin kaga soo gudbin doonnaa insha Allah

Taliska booliska degmada xamar Wayne ayaa howgal kusoo qabtey labo maleeshiyo oo dhac ka geysan jirey degmada.
Taliska Boliiska Degmada Xamar weyne ayaa howlgal ku qabtay labadaan Maleyshiyo oo talisku sheegay in ay dhacayeen Shacabka degmadaas.
Labada nin ayaa ku hubeysnaa qori AK47 ah iyo Mooto Bajaaj ay dadka ku dhacayeen, Taleefano badan oo ay shacabka ka dhaceen ayaana lagu qabtay.
Taliska Qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa maalmahaan dambe aad u kordhiyay Baacsiga Kooxaha burcadda hubeysan ah ee ka shaqeynaya dhibaateynta shacabka Caasimadda.

