Home Blog Page 539

Markab sarreen ka qaaday dalka Ukraine oo la filayo inuu gaadho dalka Djibouti

0

Markab u kiraysan Qaramada Midoobay oo sida illaa 23,000 oo metric ton oo sarreen ah ayaa ka soo ambabaxay dekedda Yuzhne ee dalka Ukraine, isaga oo ku sii jeeda dalka Ethiopia, taasoo ah shixnaddii ugu horraysay ee nooceeda ah ee lagu caawinayo dalalka ay cunto yaraantu ka jirto, oo ka dhoofa dekedaha dalka Ukraine tan iyo bishii February ee sannadkan.

 

Markabkan ayaa la filayaa inuu ku xidho dekedda dalka Djibouti, halkaas oo lagaga dejin doono sarreenka iyo sahayda kale ee uu sido, iyada oo loo wareejin doono dalka Ethiopia, iyada oo la raacayo tilmaamaha hay’adda cuntada dunida ee WFP.

 

Dalalka Ukraine iyo Ruushka ayaa heshiis ku gaadhay dalka Turkiga bishii July 22-keedii, si dib loogu bilaabo in sarreenka, hadhuudhka iyo gallayda laga dhoofiyo dekedaha ku yaalla badda madow, iyaga oo aan carqalad la kulmaynin.

 

Itoobiya ayaa safka hore kaga jirta, shan dal oo ay sheegtay Qaramada Midoobay inay qarka u saaran yihiin inay ka dillaacaan macaluuli.

VOA XIGASHO

 

[MUQAALO+SAWIRO]Madaxweyne Qoor-Qoor oo magaalada Cadaado uga qeyb galay, xaflada 16sano guuradii kasoo wareeegatay dhismahii Maamulka Galmudug

0

MUQDISHO-15-8-2022-:Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Galmudug, mudane Axmed Cabdi kaariye, madaxweyne kuxigeenka Galmudug, mudane Cali Daahir Ciid, gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug, labada gole ee Dowladda Galmudug, maamulada gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo gudoomiyayaasha qaar ee degmooyinka Galmudug ayaa shacabka iyo maamulka degmada Cadaado kala qeyb galay xalay  munaasabadda 14 Agoosto oo ku beegan 16 guuradii ka soo wareegatay markii la aasaasay Dowladda Galmudug.

Ciidanka Xoogga Dalka oo deegano badan oo katirsan gobalka Hiiraan kala wareegay Argagixisada Al-shabaab

0

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidanka degaanka ee Macawiisleyda ayaa Argagixisada arxanka daran kala wareegay degaananda kala ah Teedaan,Ragso,Xasan Raqay,Sulmo oo dhamantood hoostaga degmada Maxaas ee gobolka hiiraan.

Intii Hawlgalku socday Argagixisadu waxay isku dayeen iskacaabin balse ciidanku waxay mariyeen cagta iyadoo laga dhigay wax la dilay, wax la qabtay, waxa la sii baacsanayo, waxaana ka mida dadka la dilay horjoogihii Argagixisada u qabilsanaa deegaanadaas kaas oo lagu magacabay Maxamed Wehliye Waasuge sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi (Shariful Arwaax) Oo Hogaaminaya Hawlgalka ka soconaya gobolka Hiraan.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa waxa uu mahadceliyey Saraakiisha , Askarta naftood hurayaasha ah Ee Ciidamada qalabka sida & bulshada Degaanka oo u horkacayo maamulka gobolka Hiraanka.

Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo Ergay gaar ah u magacaabay ka mid noqoashada Soomaaliya Dalladda Bulshada Bariga Afrika

0

Muqdisho, Ogoosto 14, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoashada Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa u magacaabay Ergey Gaar ah oo u qaabilsan arrimahaas Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Ergayga Gaarka ah looga fadhiyo sidii uu uga miro-dhalin lahaa dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixineyso ololaha ku biiridda Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), si dadka Soomaaliyeed ay u soo bandhigaan fursadaha ganacsi, dhaqaale, bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin guud ahaan Gobolka.

Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, taas oo u sahleysa in uu xaqiijiyo hiigsiga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Wasiir Cabdisalaam oo horay u soo hoggaamiyey hay’addo kala duwan oo waddani iyo kuwa caalami ah ayaa soo noqday Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda oo Muqdisho lagu qabtay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar kamid ah bulshada Caasimadda.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta gudoonshay Shirka Golaha Wasiiradda Hirshabeelle

0

Muqdisho,14, Agoosto, 2022: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoonshay Shirka Golaha Wasiiradda Dowladda Hirshabeelle.

Munaasabad loogu dabaal-dagayay Sanad guurada 16-aad ee kas oo wareegatay aas aaskii Galmudug oo lagu qabtay magaalada Johannsebrug

0

Munaasabad loogu dabaal-dagayay Sanad guurada 16-aad ee kas oo wareegatay aas aaskii Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu qabtay magaalada Johannsebrug ee dalka Koonfur Afrika.

Xaflada oo aheyd mid aad ubalaaran ayaa waxaa kas oo qeyb-galay qeybaha kala duwan ee Jaaliyada kuwaas oo isugu jira Odayaal,Ganacsato,Waxgarad iyo boqolaal dhalinyaro ka kala yimid magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi.

Intii ay socotay Munaasabadan waxaa qadka telefoonka ugu qeybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Ahmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ) isagoo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ku boogaadiyay ka warqabka dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor waxa uu ugu baaqay inay Jaaliyadda kasoo jeeda Gobolada dhexe ay kasoo qeyb-qaataan gurmadka dadka abaaruhu ku saameeyeen dalka gaar ahaan deegaanada Galmudug.

Gabagabada Munaasabada ayaa waxaa Shahaadooyin la gudoonsiiyay qaar ka mid dhalinyaradii soo abaabusha xaflaad waxaana sidoo kale xaflada sanad-guurada aas aaska Galmudug lagu qabtay Magaalada Johannsebrug ee dalka Koonfur Africa.

 

Madaxweyne Dani oo maanta qaabilay madaxa ugu sareeya Hay’adda Save the Children Soomaaliya

0

Muqdsiho, 14, Ogoosto, 2022: Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay madaxa ugu sareeya Hay’adda Save the Children Soomaaliya Maxamuud Maxamed Xasan oo ay weheliyaan masuuliyiinta Hay’adda ee faraca Puntland.

16-sano Guurada Galmudug Oo Lagu Qabtay Muqdisho (SAWIRO).

Munaasabad Lagu Xusayay 16 Sano Guurada Galmudug Kasoo Wareegtay Markii La Aasaasay Ayaa Xalay Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Oo ay soo Abaabuleen Galinyarada Galmudug Ee Gobolka Banaadir ayaa Waxaa Kasoo qayb Galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Ee Deegaan Doorashadoodu tahay galmudug, masuuliyiin ka tirsan galmudug, qaar ka mid ah Aasaasayaashii galmudug, qorbajoog, fanaaniin, Aqoon yahano iyo marti Sharaf kale.

Inta aay socotay Munaasabadda ayaa laga sheekeeyay Heerarkii uu soo maray Dhismaha Galmudug iyo Caqabadihii laga Soo Gudbay. Wasiir hore Galmudug Abdiqaadir Ali Jaamac Qalabxoor oo ka mid ahaa aas aasayaashii Galmudug ayaa Sheegay dhismaha galmudug loo dhanyahay laga soomaray Caqabado Culus.
“Waxaa Farxad weyn ii ah 16sano kadib inaan caawa joogo Dabaal dagga Maamulka oo San Geed fariisi usoo ahaa Maalmo badan si loo dhiso Galmudug” ayuu Yuri Wasiir Qalab-xoor.

Xildhibaan Abdirahman Cagaweyne iyo Xildhibaan Omar Ali Abdi ayaa sheegay Inay ka Shaqeyn doonaan Galmudug Xor ah, Nabadoon oo Deegaanadoodu Nabad Loogu Dabaal Dago.

16 8 2006 Ayaa Galmudug aas aaskeedi Laga Bilaabay Koofurta Galkacyo Waxaana labalaariyay 2013kii kolkaasi aay isku Biireen Maamuladii Gobolada Dhexe.

Ciidamada Amniga deegaanka Buursaalax ee Puntland oo gacanta ku dhigay ninkii ugu saareeyey kooxaha deeganada maamulkaas galiya waxyabaha maanka dooriya

0

Taliska ciidanka Booliska Degaanka Bursaalax ee Gobolka Mudug dhanka maamulka Puntland  ayaa ka warbxiyey hawl-galo ay ku soo qabteen maandooriyaha khamriga iyo kooxihii watay.