Home Blog Page 541

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho oo digniin adag diray

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dib-udhiska Buundada 1-Aad ee Israac oo dhaxmarta degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab oo ay ka muuqato burbur.

Argagixisada Al-shabaab oo laga saaray deegaano katirsan goabolka Hiraan

0
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ,Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka , NISA &Booliska dowlad goboleedka Hirshabelle sidoo kale Dadka degaanka oo is Abaabulay ayaa qeybka ah Hawlgalka dib u Xoreynta Gobolka Hiiraan.

Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo weli wada howlgalka ka dhanka ah Argagixisada Allshabaa

 

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ,Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka , NISA &Booliska dowlad goboleedka Hirshabelle sidoo kale Dadka degaanka oo is Abaabulay ayaa qeybka ah Hawlgalka dib u Xoreynta Gobolka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa lagu baacsanayaa Argagixisada alshabaab oo dhibaato Xoogan ku haysay Shacabka ku dhaqan Gobolka Hiraan, waxana laga tilmaami karaa Falalka ay gestaan Gubida Guryaha ay dagan yihiin shacabka, Ceelashii ay biyaha ka cabi jireen iyo Ateenooyinka isgaadhsiinta.

Saraakiisha Ciiidamada & Masuuliyiinta Maamulka Hiraan ayaa sheegay in Guulweyn laga gaaray Hawlgalka ka socda gobolka Hiiraan.

Kullan ciyaareed kubadda cagta ah oo lagu soo dhoweynayay, looguna hambalyaynaayay wasiirka cusub ee dhallinyarada iyo ciyaaraha ee XFS oo lagu qabtay magaalada Istanbul

0

Kullan ciyaareed kubadda cagta ah oo lagu soo dhoweynaayay, looguna hambalyaynaayay wasiirka cusub ee dhallinyarada iyo ciyaaraha ee XFS, mudane Xildhibaan Mohamed Bare Mohamud ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Shacabka Bariga Gobolka Mudug oo Ka Dayriyay Xaalad Nolal Xumo oo Aay Wajahayaan.

0

Bulshada ku dhaqan deegaanada Bari ee gobolka mudug ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda bini aadanimo ee soo wajahay dadka iyo xoolaha.

Maamulka iyo qaar kamid ah shacabka deegaanka Fayuuke ayaa warbaahinta Qaranka Soomaliyeed u sheegay inay jirto xaalad ka dhatay abaarta Gobolka mudug  ka jirta  mudada ku dhow 5-ta sano .

Qaar ka tirsan Odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa sheegay in ay dadka iyo duunyaduba ku dhaqan halkaasi ay iminka soo foodsaartay xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Gudoomiyaasha Bandarqaali iyo Fayuuke ,Sh Muxuyidiin iyo C/risaaq ayaa xaqiijiyay in deegaanada Bariga Gobolka mudug ay ka jirtaan  xaalado biniaadanimo oo u baahan ghurmad degdeg ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kaddib Booqasho Rasmi Oo Uu Ku Joogay Dalka Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku joogay muddo afar cisho ah dalka Uganda ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalka Uganda waxa uu kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni, waxa ayna labada Madaxweyne si wadajir ah u shir guddoomiyeen Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda oo ku saabsnayd fududeynta maalgashiga, kobcinta wax-soosaarka, xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha ee labada dowladdood.
Sidoo kale, wafdiga heer wasiirro ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku wehelinayey safarkan ayaa dhiggooda dalkaas la saxiixday heshiisyo lagu dhaqan-gelinayo go’aannadii ka soo baxay kulanka labada Madaxweyne iyo Madasha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda, si loo dardargeliyo qorsheyaasha hortebinta u leh labada dal ee shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, warshadaha iyo hannaanka maaliyadeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga amniga labada dal iyo nabadda Gobol, si loogu guuleysto dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.

Agaasimaha guud ee W/warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida maamo Xaliimo Shire Cabdi

0

Allaha u naxariistee waxaa maanta geeriyootay Xaliimo Shire Cabdi oo ka tirsaneyd howlwadeennada wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ku hadlaya magaca maamulka iyo Shaqaale weynaha wasaaradda warfaafinta XFS ayaa geerida maamo Xaliimo Shire Cabdi  tacsi tiiraanyo leh uga diray qoyska, qaraabada, bahda shaqada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed.

 

isagoona Eebe Weyne Uweydiiyay Marxuumadda Inuu Jannadiisa ugu Bishaareeyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Agasimaha Guud Ee Wasaaradda Gadiidka oo maanta shir-Gudoomiyey kulan Gaara oo Agaasimuhu layeeshay Agaasime-waaxeedyada Wasaaraddaas

0

MUQDISHO-11-BISHA OGOSTO-2022 Agasimaha Guud Ee Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada (XFS) ayaa maanta shir-Gudoomiyey kulan Gaara oo Agaasimuhu layeeshay Agaasime-waaxeedyada Wasaaraddaas.

[DHAGEYSO] Shil ay ku dhinteen  5qof oo Soomali ah oo ka dhacay Duleedka  Magalada Pretoria

0

Wararka Naga Soo Gaaraya  Duleedka  Magalada Pretoria ee dalka South Africa ayaa sheegaya in halkaas shil ka dhacay ay ku geriyoodeen Dad badan oo Soomaliyeed.

Madaxweynaha Galmudug oo Tababar u Furay Ciidan ka Mid Noqonaaya Booliska Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa tababar u furay dufcadii koowaad ee ciidanka Booliska Galmudug.Tababarka ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday Dugsiga tababarrada ee Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa dardaaran u jeediyay cutubyadan cusub ee uu tababarka u furmay, waxaana uu sidoo kale madaxweynuhu ku ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug xulista iyo diyaarinta ciidamadan la carbinayo, waxuuna ugu baaqay saraakiisha tababarka siinaysa in ay u dhameystiraan cutubyadan dhammaan adeegyada ay ubaahanyihiin si ay uga mid noqdaan ciidanka Booliska Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor oo ladardaarmayay Ciidanka Tababrka Loo Furay ayaa Yiri “Waxaa u Tababaranaysaan Dal aad ogtihiin inay ka Jirto Argagixiso, Waxaa ladoonayaa Inaa Barataan Sharuucda Ladagaalanka Argagixisada iyo Sida Loo qabto Iyadoo Shacabka la  dhibaatayn”.