Home Blog Page 541

Taliyaha Qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka oo tababar u furay saraakiil ka tirsan qeybta 43-aad.

0

Taliyaha Qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa tababar ku saabsan ilaalinta xaquuqda aadanaha u furay ciidan iyo saraakiil ka tirsan qeybta 43-aad.

Taliyaha oo la hadlay ciidanka iyo saraakiishii tababarka loo furay ayaa kula dardaarmay  in ay ka faaideystaan fursadaan tababarka ah, asagoo kula dardaarmay in ay dhowraan xuquuqda shacabka ay u adeegaan.

Taliyaha ayaa xusay in lama huraan ay tahay in ciidanka ay ugu adeegaan bulshada si dabacsanaan ku jirto, Taliyaha ayaa sidoo kale kula dardaarmay ciidanka iyo saraakiisha tababarka loo furay in ay cilmigaas si wanaagsan usoo qaataan si ay tababarkaas u siiyaan ciidanka xooga dalka.

 

Magaalada Ceeldheer oo si buuxdo u gashay gacanta Ciidanka Xoogga Dalka.

0
Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay Magaalada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud oo muddo gacanta ugu jirtay Khawaarijta.
Wasiirka Gaashaandhiga Xuukumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in si buuxdo gacanta loogu dhigay Magaalada  Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud.
Ciidanka Xooga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa kooxaha argagixisada ah ka saaray deegaano badan oo ay mudo dheer gacanta ku hayeen, waxaana deegaanadaas la gaarsiiyey adeegyadda Dowladnimo oo mudo dheer ka maqnaa.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac oo qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms Tina Intelmann

0
Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha Ahna Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms Tina Intelmann.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo kulan la qaatay guddiga qaran ee la dagaalanka lacagta sharci-darrada iyo maalgelinta argagixisada

0
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan la yeeshay guddiga qaran ee la dagaalanka lacagta sharci-darrada iyo maalgelinta argagixisada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS oo qaabilay ergayga gaarka ah ee dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta Geeska Afrika

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta Geeska Afrika Suldaan Saciid Axmed, ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowladda Finland oo uu wehliyay Agaasimaha Geeska iyo Bariga Afrika u qaabilsan Finland Jukka Pajarinen.

Galmudug oo war ka soo saartay qabashada Magaalada xaradheere

0
Dowladd Goboleedka  Galmudug  ayaa bogaadisay howlgalka Ciidanka Xoogga Dalka, iyo ciidanka kacdoonka shacabka ay ku xoreeyeen deegaanada Bariga Galgaduud oo ay ugu horreyso Degmada Galcad.

[SAWIRRO] Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Magaalada Baydhabo

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ka qeyb-galaya Shirka Wadatashiga iyo Dib u Heshiisiinta Koonfur-Galbeed ayaa soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed.

[DAAWO] Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga degaanka oo maanta gudaha u galay degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug

0
Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga degaanka ayaa hadda gudaha u galay degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kooxda khawaarijta ayaa isaga carartay degmadaas.

Burcadkii ugu weynaa Talyaaniga oo gacanta lagu dhigay

Burcadkii ugu weynaa Talyaaniga ee sida weyn loo doon-doonayay ayaa lagu xiray jasiiradda Sicily kadib 30 sano oo lagu raad joogya.

Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo gaaray degmada Hobyo

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhiga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa saakay soo gaaray Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.