Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo bogaadiyay howl-gallada ka socda Galmudug.

Date:

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka MD Xasan Cali Khayre ayaa Bogaadiyay Howlgallada Ciidamada Qaranka iyo xooggaga deegaanku Khawaarijta uga xoreeyeen Xarardheere,Galcad iyo Ceeldheer.

“Waxaan Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidamada Kacdoonka shacabka uga tacsiyaynaa dadka shacabka ahaa, saraakiisha iyo ciidamada ku geeriyooday qaraxyada iyo weerarada naf-lacaariga ahaa ee kooxda Khawaarijtu ay la eegteen fariisimaha ciidamada iyo Masaajidda” ayuu yiri Mr Khayre

Waxaan bogaadinayaa Halganka Shacabka iyo CXDS ee deegaanadda wali gacantooda ku jira looga xoreynayo dhiig cabyada khawaarijta ah ee ummadda iyo Dalkaba naafeeyay. Waxaanna markale shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in loo midoobo cirib tirka kooxda Khawaarijta ah” ayuu sii raaciyay mudane Khayre.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...