Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay oo xabaalo wadareedyo ka helay bariga DR Congo

Date:

Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayaa helay tobanaan meydad ah oo ku jira xabaalo wadareedyo.

Helitaankan ayaa yimid kadib markii kooxo hubaysan ay weeraro isdaba joog ah ka fuliyeen gobolka Ituri.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay, Farhan Haq, ayaa sheegay in maydadka 42 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, laga helay tuulada Nyamamba, iyo 7 kale oo rag ah oo laga helay tuulada Mbogi.

Ciidamada nabad ilaalinta, ayaa roondo ka bilaabay deegaanka, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay soo weerareen maleeshiyada Codeco.

Dagaal yahanada ayaa waxay inta badan kasoo jeedaan beesha Lendu ee beeraleyda ah, oo muddo dheer dagaal kula jirta xoolo-dhaqatada Hema.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Dalka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Waxbarashada oo dib u dhistay Iskuulkii Farsamada Gacanta Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaraan

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka...

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...