Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay oo xabaalo wadareedyo ka helay bariga DR Congo

Date:

Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayaa helay tobanaan meydad ah oo ku jira xabaalo wadareedyo.

Helitaankan ayaa yimid kadib markii kooxo hubaysan ay weeraro isdaba joog ah ka fuliyeen gobolka Ituri.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay, Farhan Haq, ayaa sheegay in maydadka 42 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, laga helay tuulada Nyamamba, iyo 7 kale oo rag ah oo laga helay tuulada Mbogi.

Ciidamada nabad ilaalinta, ayaa roondo ka bilaabay deegaanka, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay soo weerareen maleeshiyada Codeco.

Dagaal yahanada ayaa waxay inta badan kasoo jeedaan beesha Lendu ee beeraleyda ah, oo muddo dheer dagaal kula jirta xoolo-dhaqatada Hema.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo uu wehliyo Duqa Muqdisho ayaa Dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Dowladda oo war kasoo saartay Qarax saakay ka dhacay xero Damaayo degmada Hodan

WARSAXAAFADEED Saakay abaare 09:20am waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka...

Maxkamadda gobolka Baay oo xukun dil Toogasha ah ku riday Nin horay dil u geeystay

Maxkamada gobolka Baay ayaa u fariisatay dhageysiga dacwadda kiis...