[SAWIRRO] 49 Katirsan Khawaarijta Al-shabaab oo lagu dilay Tuulo hoostagta Deegaanka Xawaadleey

Date:

Inta la xaqiijiyay 49 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, Geesiyaasha dadka deegaanka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa lagu beegsaday Khawaarij isku abaabulaysay dhulbeereedka Sheekh Qaasim.
Sidoo kale, Khawaarijta halkaan waxay ku haysteen dhaawacyo badan oo ayaga ka mid ah, kuwaas oo horay ugu soo dhaawacmay dagaallada dalka looga xoraynayo, qaarkood ayaana howlgalkaan lagu dhammaystiray.
Howlgalka inta uu socday Khawaarijta waxaa laga soo celiyay Gaadiid Dagaal oo ay horay u qaateen kuwaas oo uu ku jiro Gaari uu saaranyahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.
Hal asakari oo ka tirsan ciidanka Qaranka ayaa ku shahiiday inta uu socday howlgalka, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray saddex kale oo ka tirsan ciidamada Qaranka.
Ciidamadu wali waxay ku sii raadjoogaan firxadka Khawaarijta kuwaasi oo qaarkood ku go’doonsan beeraha iyo geedaha hoostooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan...

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...