Home Blog Page 538

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Degmada Buulo-burde

0

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Buulo Burde halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaraha ee Magaalada Buulo Burde kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Xubnaha labada gole ee Dowladda, Saraakiisha Hay’addaha Amaanka iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Buulo Burde waxa uu kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada.

Dhanka kale Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa xoojin doona howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka socda degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto

0

Muqdisho, Ogoosto 16, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto ayaa ugu hambalyeeyey isaga iyo Ku-Xigeenkiisa Mudane Rigathi Gachagua, guusha ay ka gaareen doorashooyinka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay shacabka Kenya, xisbiyada dalkaas, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba, sida nabadda ah ee ay doorashooyinkoodu u qabsoomeen, taas oo tusaale u noqonaysa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalalka Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh hambalyada iyo bogaadinta guusha doorasho ee xisbigiisa, waxa uuna tilmaamay ixtiraamka iyo qaddarinta ay shacabka iyo dowladda Kenya u hayaan walaalahooda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada horumarka, xasilloonida Mandiqadda, kobaca dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u rajeeyay madaxda cusub ee dalka Kenya in ay ku guuleystaan ka miro-dhalinta hiigsiga shacabkooda ee dhanka horumarka, door muuqdana ay ka qaataan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga heer Gobol.

 

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Dhanka Puntland oo maanta guddoomiyey shir looga hadlayey adkeynta Amniga

0

Gudoomiyaha Gobolka Mudug dhanka Puntland Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa shir-gudoomiyey shirka Amniga heer Degmo.

Waxaa qayb ka ahaa shirkan Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Saldhigyada iyo Laamaha Amniga iyo Gudoomiyayaasha Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Shirkan oo mudo socday ayaa Taliyayaasha saldhigyada Degmada Gaalkacyo lagu gudoonsiiyey Qalab isugu jira Jeebooyinka lagu xiro Eedaysanayaasha iyo Qalab lagu ogaado Qof markaa Cabsan ama isticmaalay Daroogada loo yaqaan Khamrida iyo heerka uu markaa joogo.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda oo kulan la qaatay agaasimaha guud ee wasaaradda iyo Agaasime-waaxeedyada

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Daauud Aweys Jaamac, oo uu wehliyo, wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta XFS , Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh (Al Cadaalla) ayaa kulan la qaatay agaasimaha guud ee wasaaradda iyo Agaasime-waaxeedyada,

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda oo shir la qaadatay Maareeyaha iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah

0

Muqdisho, 16,Agoosto,2022:- Wasiirka Gaadiidka Marwo Fardowso Cismaan Cigaal ayaa maanta la kulantay Hoggaanka Hay’adda Duulista Rayidka ah ,waxaa kulanka ku weheliyay Wasiir kuxigeenka Sulub Axmed Firin iyo Wasiiru dawlaha Maxamed Cali Cumar iyo Cali Gacal Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka Iyo Duulista Hawadda Xukuumadda.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee Dugsiga sare.

0

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dowladdu ay sanadkaan ka qaaday ardayda dhameysatay waxbarshada dugsiyada sare ee dalka.

Xeer-ilaalinta Maraykanka oo diiday in la faafiyo qoraal ay maxkamadda la wadaageen si loo baadho gurigii Trump

0

Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa Isniintii ka hortimi dedaallada lagu doonayey in lagu shaaciyo qoraal ay u direen maxkamadda oo markhaati fur u ahaa, sababaha ay ku doonayeen in maxkamaddu ay ugu ogolaato in la baadho guriga madaxweynihii hore ee Donald Trump ee ku yaalla gobolka Florida.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo saaray liiska 14-ka Guddi ee Golaha iyo magacyadda Xildhibaanada ka mid noqanaya Guddiyaddaas kala duwan ee Golaha

0

Muqdisho-15-8-2022:Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray liiska 14-ka Guddi ee Golaha iyo magacyadda Xildhibaanada ka mid noqanaya Guddiyadda kala duwan ee Golaha Shacabka BJFS.,

Madaxweyne Hassan Sheikh oo caawa dib ugu celiyey Saadaq Cumar Mohamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed

0

Muqdisho, Ogostoo 15, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.

Madaxweynaha Kenya oo loo doortay William Samoei Ruto

0

Guddiga Doorashooyinka iyo Xaduudaha Kenya (IEBC) ayaa ku dhawaaqay in William Samoei Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxwenaha ee Kenya. Wuxuu helay boqolkiiba 50.4% codadkii la dhiibtay, Wuxuu ka adkaaday Raila odinga oo helay boqolkiiba 48.8%.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in William Ruto uu yahay madaxweynaha cusub ee lasoo doortay ee Kenya.

Ruto oo guushiisa ka hadlay ayaa sheegay in ‘dhammaan awoodda madaxbanaani waxay u sugnaatay shacabka Kenya’ isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii dalka horey loogu sii wadi lahaa.