Home Blog Page 538

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qeyb galay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Adduunka

0

Muqdisho, December 10, 2022:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqul insaanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Adduunka, ayaa tilmaamay in shareecada Islaamka iyo xeerarka dalka u yaalla ay meel cad iska taageen xad gudubyada ka dhanka ah dumarka iyo dadka nugul, isagoo ku baaqay in aan qiil loo raadin cid walba oo ku xadgudubta xuquuqul insaanka.

Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka ayaa sanad kasta loo dabaal-degaa 10-ka December, taas oo ku aadden markii Golaha loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, sanadkii 1948-dii.

Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayey dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda gobollada dalka, ayaa sheegay in dagaalkani uu yahay mid lagu raadinayo xaquuqda aadanaha, maadaama ay khawaarijtu ka hor istaageen dadka Soomaaliyeed xuquuqdii ay lahaayeen, una diidan yihiin nolosha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyey Xildhibaannada iyo xubnaha ka tirsan Xukuumadda ee u taagan furinta dagaalka ciribtirka argagixisada. Isagoo ugu baaqay dhallinyarada weli ku taagan fekerka ciriiriga ah ee argagixisada in dadkooda ay dib ugu soo laabtaan, kana toobad keenaan ficilladooda khaldan inta ay weli fursadda haystaan.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiiro,ururrada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Booliska maamulka Puntland oo Gacanta ku dhigay eedeysane dil geystay

0

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Oo Kashanaya Bulshada iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Cidamada ayaa Gacanta Kuso Dhiigey Gacan ku dhiigle Faarax Jibriil Xuseen oo Dil u geestey Marxuum Mohamed abdirashiid Abdirahman Tariikhda Markay ahayd 11 /11/2022 .

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sarre Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa
Bulshada la wadaagay In gacan ku dhiiglaha Uu Ku jiro Gacanta Ciidamada lana horkeeni doono Sharciga .

Taliyaha ayaa Sido kale Bulshada ugu baaqay cid kasta oo isku dayda Khalkhal amni darro iney Sameyso iney ku danbeyn doonto Gacanta amniga Sharciga La horkeeni doono .

Taliye C/qaadir Ayaa umahadceliyey Bulshada oo qeyb ka ahaa Sidii Gacanta loogu soo dhigi lahaa Gacan ku dhiiglaha

Suxufi geeriyooday xilli uu tebinayay ciyaartii Argentina iyo Netherlands

0

Grant Wahl, oo ka mid ah qoraayaasha kubbadda cagta oo caanka ka ahaa dalka Maraykanka, ayaa geeriyooday subaxnimadii hore ee Sabtidii isagoo terbinayay ciyaartii Koobka Adduunka ee u dhaxaysay Argentina iyo Netherlands.

Suxufiyiin Maraykanka ah oo agtiisa fadhiday ayaa sheegtay in Wahl uu dib ugu dhacay kursigiisii tarabuunka ee garoonka Lusail Iconic Stadium wakhtiga dheeriga ahaa ee ciyaarta, waxaana wariyayaashii ka ag dhawaa ay u dalbeen caawimaad. Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa si degdeg ah uga jawaabay.

Wahl ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay Arbacadii in uu u debbaaldegay dhalashadiisa maalintaas. wuxuu ahaa 48 jir.

Xiriirka Kubadda Cagta Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay ka xun yihiin geerida suxufigan.

Isniintii ayuu ku soo qoray boggiisa in uu booqday xarun caafimaad isagoo ku sugan dalka Qatar.

“Ugu dambayntii jirka ayaa i xanuunaya. Saddex toddobaad oo hurdo yar ah, walbahaar sare iyo shaqo badan ayay taasi ku timid,” ayuu Wahl ayaa qoray, isaga oo raaciyay “Wixii hargab ahaa 10-kii maalmood ee la soo dhaafay waxay isu beddeleen wax aad u daran habeenkii ciyaarta USA-Netherland, waxaana dareemayay cadaadis laabta sare ah iyo farxad la’aan”

Dr. Celine Gounder, oo ah xaaskii uu ka geeriyooday Wahl, ahna kaaliye macallin oo ka tirsan machadka caafimaadka ee Jaamacadda New York, ayaa barteeda twitter-ka kusoo qortay inay ka naxday geerida saygeeda.

Wahl ayaa soo tebinayay koobkii aduunka ee siddeedaad.

Askarigii dhabarka kaga istaagay George Floyd oo la xukumay

0

Askari hore oo ka tirsan booliska gobolka Minneapolis isla markaana dhabarka kaga istaagay George Floyd oo ahaa ninkii madowga ahaa ee lagu dilay Mareykanka ayaa lau xukumay 3 sano iyo bar kadib kaalintii uu ka qaatay falkaas.

J Alexander Kueng ayaa qirtay dambi ah in uu ka qeyb qaatay ku lug lahaanshaha iyo dilka darajada koowaad bishii Oktoobar.

Askarigan wuxuu kamid ahaa afar sarkaal oo boolis ah o lala xiriiriyay dilka xilli laga soo duubay muuqaal.

Dilka George Floyd oo dhacay sanadkii 2020 waxay caro weyn ka dhalisay caalamka, Mudaharaadyo looga soo horjeeday cunsuriyadda ayaa ka dhacay dalal ka mid ah caalamka, iyadoo looga fal celinayo dhimashadaas.

Ciidamada XDS oo dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Khawaarijta Al-shabaab

0

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada degaanka ayaa howlgal qorsheeysan ku dilay 14 xubnood oo isugu jiray Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Khawaarijta Al-shabaab kuwaas oo ku dhuumaaleeysanayay degaanka Dhabaq-libeey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha dhexe, sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee ka xoreeyay Khawaarijta magaalooyinka muhiimka ah ee Gobalka Shabeellaha dhexe ayaa wali deegaannada howdka ah iyo tuulooyinka ka wada howlgalo ay ku baacsanayaan Khawaarijta firxadka ah.

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka oo Dilay dhagar qabe Khawaarij ah

0

Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa xalay ku dilay dhagar qabe Khawaarij ah inta u dhaxaysa deegaanada Basra iyo Sabyo waxayna gacanta ku dhigeen labo xubnood oo kale oo ka tirsan Khawaarijta, kuwaasi oo waday waxyaabaha Qarxa iyo Hub.

Xubnahaan Khawaarijta ah oo si dhuumaysi ah ku socday ayaa ciidanka Ammaanka waxaa ku soo war geliyay shacabka deegaanka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo gaaray degmada aadan yabaal ee Gobolka shabeelada Dhexe

0

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliyaha xoogga dalka ayaa booqday degmada Aadan-yabaal oo ka mid ah degmooyinka ugu muhiimsan ee laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka iyo Taliyaha oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa socod ku soo maray goobaha ay joogaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka, isagoo uga mahadceliyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta.

Wasiirka ayaa sheegay inaan laga hari doonin firxadka kooxda arxanka daran ee Khawaarijta ah oo halkaan sanado badan ku dhibaateynayey shacabka deegaanka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisa sheegay in jab xooggan Khawaarijta lagu gaarsiiyay dagaalka ka socda dalka, isla markaana aan laga hari doonin meel kastoo ay gabaad ka dhigtaana looga dabagali doono.

Dowlada Soomaaliya ayaa guulo waaweyn ka gaartay dagaalka lagula jiro Argagixsada Al-Shabaab ee uu iclmaaiyay Madaxweeynaha JFS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maanta guddoomiyay Kulanka gudoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir kaas oo looga hadlayay dardargalinta howlaha kala duwan ee lagu horumarinayo Caasimadda

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay Kulanka gudoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir kaas oo looga hadlayay dardargalin howlaha kala duwan ee lagu horumarinayo Caasimadda JFS.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa warbixina ku saabsan howlihii u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa la filaayo in la hirgaliyo ka dhageestay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka.

Taliyaha Booliska Soomaliya general Xijaar oo heshiis la saxixday dhigiisa dalka itoobiya

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Itoobiya Gen. Damelesh Garbamichel ayaa Magaaladda Adis Ababa ee Caasimadda Dalkaas ku kala saxiixday Iskaashi Amni iyo Sare u qaadista Tababarada Aqoonta Booliska.

Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Dhiggiisa Itoobiya la wadaagay muhiimadda Ay leedahay iskaashi dhexmara labada Booliis ee Soomaaliya Iyo Itoobiya.

Kumaandooska Gor-gor, oo maanta deeq raashin ah gaarsiiyay qaar ka mid ah bulshada danyarta ah ee ku dhaqan degmada Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose

0

Guutada 17-aad ee Kumaandooska Gor-gor, ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiiyay qaar ka mid ah bulshada danyarta ah ee ku dhaqan degmada Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose.

Ilaa 100 qoys oo danyar ah oo ka soo barakacay dhibaatada Khawaarijta ayaa deeqdaan ka faaideystay iyagoo qoysaskaasi ciidanka uga mahad celiyay gurmadkaan.