Shirkii Deyn-Cafinta Soomaaliya iyo IMF oo lagu soo gaba-gabeeyay Nairobi.

Date:

Nairobi,Janaayo, 19, 2023- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta soo xiray shir muddo toddobaad ah uga socday Magaalada Nairobi qaar kamid ah hey’adaha Dowladda iyo hey’adda Lacagta Adduuunka iyo Bangiga Adduunka.

Shirkaan ayaa muddadii uu socday waxaa diiradda lagu saaray dhammaan wixii ka qabsoomay fulinta shuruudaha deyn-cafinta oo qodobka ugu muhiimsan uu yahay dib-u-habeynta maaliyadda iyo ku dhaqmidda shuruucda. Sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii wadajir looga wada shaqeyn lahaa garaaridda natiijada barta loo yaqaano ‘kama-dambeynta deyn-cafinta’ taas oo la rajeynayo in la gaaro dabayaaqada Sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka.

 

Waxaa shirkaan ka soo qeybgalay hay’adaha kala ah Wasaaradda Maaliyadda oo hoggaanka shirka ah, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasaaradda Badroolka, Bangiga Dhexe ee Dalka, Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...