[DAAWO] Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku sugan Magaaladda Baydhabo oo kormeeray goobihii dhawaan shaqaaqooyinku ka dhaceen ee magaaladaas

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku guda jira xalinta tabashooyinka siyaasiyiinta ka aragti duwan maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta waxaa uu kormeeray qeybo ka mid ah meelihii ay shaqaaqooyinka ka dhaceen isagoo warbixin ka dhageystay baraha ay degan yihiin ciidamada KGS iyo guryaha siyaasiyiinta ka aragti duwan maamulka KGS.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa mid mid ula fariistay isla-markaana uu kala hadlay in laga wada shaqeeyo ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida magaalada si ay mira dhal u noqoto dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, waxaana uu Guddoomiyaha faray ciidanka in aysan qaadin wax talaabo ah oo lid ku ah xasiloonida deegaanka, isagoo ka digay in magalada Baydhabo xiligaan qalalaaso laga abuuro lana ilaaliyo wax kasta oo daganaashaha shacabka wax u dhimi kara.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa askartii shalay wax yeeladu ka soo gaartay hoyga wasiirkii hore Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Farkeeti isla-markaana laga qaatay hubkoodi ayuu Guddoomiyuhu amray in dib loogu loogu celiyo, kuwaas oo ilaalinaayay hooyga wasiirkii hore.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...