Ciidamada Booliska Puntland oo gobolka mudug ka baadi goobaya Nin ku edeysan in uu dil u geystay masuuliyiin katirsan maamulkaas

Date:

Taliska Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ee Gobolka Mudug ayaa soo bandhigay Magaca iyo Sawirka Nin ku eedeysan dilka laba qof oo mas’uuliyiin ahaa, kuwaas oo Maalmo ka hor lagu dilay degaanka Bursalax ee Gobolka Mudug.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay raadinayaan nin lagu eedeeyay inuu dil ka geystay Degmadda Bursaalax ee Gobolka Mudug, kaasoo Magaciisa lagu sheegay Bashiir Cumar Cigaal Cilmi ( Ina Cumar Jawaan).

Booliska oo Ninkaan baahiyay sawirkiisa isaga oo hubeysan ayay sheegeen in uu ku lug lahaa dil 15-kii Bishaan degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug Puntland loogu geystay Guddoomiyihii hore ee degmada Bursaalax C/raxmaan Shiikh C/laahi iyo Ganacsade Mukhtaar Maxamed Aw Khalaf.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...