Hay’adda Cunnada Adduunka WFP, ayaa ka digtay Abaaro daran oo ay halis ugu jiraan dad gaaraya 22 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika, marka la gaaro bisha Sebtembar ee soo socota.
Wasiir Fiqi” Waxaan uga digayaa maleeshiyada Al-shabaab in aysan carqaladeyn arrimaha gargaarka”
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siinayay warbaahinta Qaranka ayaa maleeshiyada Al-shabaab uga digay in aysan carqaldeyn gargaarka la gaarsiinayo dadka ay abaarta saameysay ee ku dhaqan deegaanada fara ku tiriska ee ay gacanta ku hayaan argagixisada.
Ciidanka Amaanka Oo Howlgalo kawada Aagga KM4 oo Argagixisadu Weerartay.
Ciidanka Dowladda ayaa howlgalo ka wada Isgoyska KM4 oo ay Qaraxyo ka dhaceen, ka dib amarkii maleeshiyaadka Argagixisada ay weerar ku qaadeen Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, Sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Ciidanka ayaa hakiyay dhammaan dhaq-dhaqaaqa iyo isku socodka dadweynaha ee Isgoyska KM4.
Faah-faahino dheeraad ah goor dhow kala soco Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed….
Wasaarada waxbarashada Galmudug oo xaruun waxbarasho ka hirgalinaysa Deegaanka Dowgaab.
Wasaarada waxbarashada Galmudug oo xaruun waxbarasho ka hirgalinaysa Deegaanka Dowgaab
Dugsigaan hoose dhexe ee laga dhagaxdhigay Magaalada Dowgaab ee koonfurta Gobolka mudug ayaa ahaa mid ay baahi weyn u qabeen Bulshada Dowgaab iyo tuulooyinka hoos yimaada
Guddoomiyaha Gobolka mudug, xildhibaano iyo Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada galmudug ayaa wadajir u dhagaxdhigay dugsigaan hoose dhexe waxayna kula dardaarmeen inay ka faaidaystaan,,,cod
Bulshada deegaanka Dowgaab ayaa baahi weyn u qabay helitaanka Xaruun waxbarasho
Madaxweynaha Qaranka oo Qaabilay Madaxda Hay’adda WFP. (SAWIRO)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay David Beasley dadaallada ay Dowladdu ku bixineyso wax ka qabashada xaaladaha deg dega ah ee ku saaban arrimaha gurmadka abaaraha iyo kaalinta looga baahan yahay hay’adaha Caalamiga ah ee ay ka mid tahay WFP, iyadoo mudnaanta la siinayo qorsheyaasha Soomaaliya looga gacansiinayo in ay ka guurto marxaladda ku-tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo si loogu gudbo horumar waara iyo xaqiijinta isku filnaansho buuxda oo uu gaaro dalkeenna.
“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an xaqiijinta in dalkeennu uu gaaro horumar dhaqaale, amni iyo bulsho dhan kasta isaga filan, hannaanka kaliya ee lagu miro-dhalin karo waa in aan soo afjarno ku tiirsanaanta gargaarka, taas beddelkeeda aan xoogga saarno dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalkeenna.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey hay’adda WFP taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista barnaamijyada maalgashiga, horumarinta wax-soosaarka gudaha dalka, kor u qaadidda qorsheyaasha kobcinta iyo hubinta tayada cunnada dalka.
Dhankiisa, Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley ayaa ballan-qaadday in Dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan wax ka qabashada abaaraha, caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada, cunnayarida iyo hormarinta adeegyada muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed.
RW Xamse Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida AUN Abwaan Hadraawi.
Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa uga tacsiyeeyay qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.
“Waxaan dhammaan Ehelka, Qaraabada, Bahda Fanka iyo Suugaanta iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida xannuunka badan ee ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Hadraawi.” Ayuu yiri Mudane Xamse.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed ay weydey abwaan aqoon durugsan u lahaa Suugaanta, Dhaqanka iyo afka Soomaaliga, Isagoo Eebe u weydiiyey naxariista janno in uu ka waraabiyo.
Madaxweynaha Qaranka Oo Aqbalay Magacaabista Maamulka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA).
Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta ay dowladdu siinayso howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadkeenna dhibaateysan, waxa uuna Golaha Xukuumadda ku bogaadiyey ansixinta iyo soo gudbinta Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo Goluhu cod buuxa ku ansixiyay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya codsiga Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo kala ah;
1. Mudane Maxamuud Macallin Cabdullaahi- Guddoomiye
2. Dr. Axmed Cabdi Aadan. Guddoomiye Ku-Xigeen
3. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan Agaasime
4. Marwo Luul Axmed Coloow Agaasime
5. Mudane Cabdirisaaq Axmed Cali Agaasime
Madaxweynaha ayaa u rajaynaya Guddigan in Alle uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda Qaran ee loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmaya in ay si daacad ah oo hufan ay ugu adeegaan dadkooda Soomaaliyeed iyo dalkooda.
Abwaan Hadraawi oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa la sheegay in uu la jiifay xanuun haayay, balse ugu dambeyn uu Maanta geeriyooday.
Qaar kamid ah Ehelladiisa ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay geerida Abwaankii waynaa ee Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, iyaga oo sheegay in dhawaan la Aasi doono.
Alle ha u naxariistee Abwaankii waynaa ee Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi ayaa waxaa uu sameeyay qaarkoodna uu ka qeyb qaatay riwaayado farabadan iyo Heeso Wadani ah, waxaana ka tacsiyadeeyay mas’uuliyiin katirsan Dwoladda Federaalka Soomaliya

RW Xamse Oo Kulankii Ugu Horeeyayq La Qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo ka duulaya baahida loo qabo dardar gelinta howllaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ba’an ku yeelatay abaarta dalka ka jirta, ayaa kulankii ugu horreeyey maanta la yeeshay guddiga heer Qaran ee gurmadka abaaraha.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa warbixinno laga dhageystay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Bay’ada, waxayna soo bandhigeen Wasaarad walba doorka ay ku leedahay arrimaha gurmadka abaaraha.
Xogahayaha guddiga gurmadka ahna Maareyaha Xarunta Qaran ee Hawlgalada Degdega ah (NEOC) ayaa sidoo kale soo bandhigay warbixin iyo xog faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda abaarta iyo tallooyin ku aaddan qaabka looga hortago abaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray in howlaha gurmadka la dardargeliyo, maadaama ay abaaruhu yihiin kuwo ka sii daraya, dadka ay saameeyeena ay u baahan yihiin in deg deg loogu gurmado.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xamse ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan loo fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen, intii kaalmo shisheeye la sugi lahaana ay muhiim tahay in ummadda Soomaaliyeed ay dhex dooda is garab siiyaan.
Xal Laga Gaaray Dilal ka Dhacay Gobolka Hiiraan (SAWIRO).
Waxaan heshiish hordhac ah laga gaaray dilal maanta ka dhacay meel u dhaw Degmada Matabaan oo ay ku dhinteen ilaa 4 Ruux.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Xildhibaano iyo saraakiil Ciidan ayaa gaaray gilinkii dambe ee maanta Matabaan.
Masuuliyiinta ayaa Degmada shir kula yeeshay Odoyaasha wax garadka iyo dadkii geerida gashay si looga hadlo wixii dhacay.
Madaxda halkaasi gaaray ayaa u jeedku ahaa hadii dilalka sii socdaan ay keeni karto dhibaato kale oo dadka ku imaan karto islamarkaana xal laga gaaro.
Dood dheer Odoyaasha iyo madaxda waxay isku af garteen in wax walba dhinaca nabada laga fiiriyo xalna la gaari doono.
.
Iyadoo hada saf looga soo wado jeedo dagaalka Shabaab oo inta badana laga saaray dhulka miyiga ah.
Gudomiyaha Degmada Matabaan ayaa qeyb ka ahaa xalinta colaada, waxaana lagu heshiiyay in wax walba xal laga gaari doono, waxaana masuuliyiinta sheegeen In ay jiri doonaan kulamo kale.


















