Wasiirka Arrimaha Dibedda Yemen oo muqdisho kulan soodhaweyn ah loogu sameeyey.

Date:

Waxaa xalay kulan casho sharaf ah Muqdisho loogu sameeyey wafdigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Qurbajoogta ee Jamhuuriyadda Yemen Dr. Axmed Cawad bin Mubarak oo maalmihii la soo dhaafay booqasho rasmi ah ku joogay dalkeenna.

Waxaa kulanka cashada ah kasoo qayb-galay masuuliyiin badan oo ka kala socotay golayaasha kala duwan ee JFS iyo qaar ka mid ah safiirrada safaaradaha dalkeenna jooga.
Wasiir Axmed Cawad oo hadallo kooban ka jeediyay munaasabadda cashada ah ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay soo dhoweynta iyo niyad wanaagga uu kala kulmay ummadda Soomaaliyeed iyo sida loogu soo dhoweeyey dalka iyo booqashadiisii rasmiga ahayd ee uu ku tegey wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...