Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Daraasiin Khawaarij ah oo saaka lagu laayay Galcad

Date:

Muqdisho, 20 January 2023: In ka badan 100 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa saaka la dilay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud halkaas oo ka mid ah goobihii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta.

Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta waxaana meydadkooda ay daadsan yihiin goobta dagaalka uu ka dhacay, iyadoo halkaasi looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay khawaarijtu xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.

Mujaahidiinta Xoogga Dalka waxaa dagaalka uga Shahiiday 7 askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa Guutada Danab. Goobta waxaa si buuxda gacanta ugu haya Ciidamada Xoogga Dalka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa Saaxiibada Caalamiga ah oo gacan ka gaystay jabinta Khawaarijta.

Dawladdu waxay Ilaahay uga rajeynaysaa in uu shahaadadooda u aqbalo Mujaahidiinta Xoogga Dalka ee goobtaas ku shahiiday, iyadoo dhanka kalena hambalyo u diraysa geesiyaasha halganka adag kula jira Khawaarijta.

Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dalka ka ciribtirto Khawaarijta oo hadda maraysa marxalad naf la caarinimo ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...