Askar ka afduubneyd ciidanka Djibouti oo lasii daayey

Date:

Taliska ciidanka Djibouti, ayaa sheegay in la soo daayey lix askari oo katirsan ciidanka Djibouti, kuwaasoo ay afduubteen jabhadda mucaaradka ah ee FRUD.

Afduubkan, ayaa yimid kadib markii weerar lagu qaaday xero ciidanku ku leeyahay gobolka Todjorrah.

Weerarkaas ayaa waagaa waxaa ku dhintay toddoba askari.

Dawladda Djibouti ayaa jabhaddaas FRUD u aqoonsatay urur argagixiso ah.

Taliyaha ciidanka Djibouti, Gen Sakariye Sheekh Ibraahim, ayaa xaqiijiyey in askartaa lasoo sii daayey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....