Zelenesky oo xulafadiisa ugu baaqay taageero hub oo degdeg ah iney dalkiisa la soo gaaraan

Date:

Madaxweyne Zelenesky ayaa ku baaqay in dalkiisa si degdeg ah loola soo gaaro tangiyada iyo hubka culus, xilli ay ugu yaraan 50 dal oo xulfa la ah Ukraine ay kulan ku leeyihiin dalka Jarmalka.

Ka hor inta uu Zelenesky uu farriintiisa jeedinin, Xoghayaha Gaashaandhiigga Mareykanka Lloyd Austin, xulfada Ukraine wuxuu u sheegay in la joogo xilligi la qaadan lahaa go’aan xasaasi ah maadaamaa dalka Ukraine xaaladdiisu ay mareyso meel xasaasi ah.

Wuxuuna sheegay Ruushka inuu dib uu iisu qaabaneeyo, ciidamadiisuna uu dib u qalabeynayo.

Mareykanka iyo Jarmalka waxaa saaran cadaadis ah iney taangiyo ku deeqaan dalka Ukraine iyada oo ilaa iyo hadda ay UK oo keli ah taangiyo ku deeqday Kyiv.

Madaxweynaha Ukraine Viladmir oo farriin muqaal ah u soo jeediyey kulankaasi wuxuu sheegay inuu jirin wakhti kale oo la luliyo.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....