Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyey geerida Saraakiisha iyo ciidanka ku shahiiday Galcad

Date:

Baydhabo, Jannaayo 20, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyey geerida Saraakiisha iyo ciidanka ku shahiiday Galcad.

Madaxweynaha ayaa xusay sida geesinimada iyo naf hurka ah ee ciidamadu ay u jabiyeen argagixisadii soo weerartay deegaanka, iyagoo u dhigay cashar lama ilaawaan ah oo muujinaya sida ay ugu diyaarsan yihiin ka hortagga dhagarta argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Taliye Kuxigeenkii Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan oo ku shahiiday weerarkan, waxa uuna Alle u weydiiyey Jannatul Firdowso isaga iyo dhammaan halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee ku shahiiday jidda hore ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka argagixisada iyo xoreynta deegaannada, taas oo caddeyn u ah dhammaadka argagixisada Alshabaab iyo xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah aragagixisada, dadkeeduna ay hiigsadaan horumar iyo nolol wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...