Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Md. Ahmed Moallim Fiqi ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed( SODMA) oo ka mid ah Hay’adaha Hoostaga Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiint XFS.
𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗞𝘂 𝗫𝗶𝗴𝗲𝗲𝗻𝗸𝗮 𝗼o Daah Furay 𝗕𝗮𝗻𝗱𝗵𝗶𝗴ga 𝗪𝗮𝗿𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗦𝗮𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗠𝗶𝗶𝘀𝗮𝗮𝗻𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗤𝗼𝘆𝘀𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱
Muqdisho 20 February 2023—-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daahfuray warbixinta Sahanka Miisaaniyadda Qoyska Soomaaliyeed, taas oo ay soo saartay Hay’adda Istaatistikada Qaranka oo taageero ka helaysa Baanka Adduunka.
[DAAWO] 𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲: “𝗖𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗯𝗮𝗸𝗮𝗱 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝗮𝘆 𝗹𝗮𝗴𝗮𝗺𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗿𝗺𝗮𝗮𝗻 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗶𝗻 𝗵𝗮𝗹 𝗺𝗮𝗿 𝗮𝗵 𝗹𝗮 𝗶𝘀𝗹𝗮 𝘀𝗮𝘅𝗼”
Muqdisho, Feberaayo 20, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shir Sanadeedka 5aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay wixii u qabsoomay iyo waajibaadka horyaalla.
[DAWO] Hey’adda Maareynta Masiibooyinka oo maanta 3,000 oo qoys gargaar ugu qeybisay degmada Wadajir
Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka iyo Hey’adda IHH oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa maanta 3,000 oo qoys gargaar ugu qeybiyey degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Jimmy Carter Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka oo isbitaal la dhigay
Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka, Jimmy Carter, ayaa laga saarayaa isbitaalka kadib markii la dhigay, iyadoo lagu baxnaanin doono gurigiisa ku yaalla Georgia.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo kawada magaalada Addis-ababa
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Addis-ababa, Madaxweynaha dalka Kenya mudane William Ruto.
Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka BFS oo kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya
Guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo booqday magaalo xeebeedka Chioggia ee dalkan talyaaniga
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aadan ayaa booqday magaalo xeebeedka Chioggia ee dalkan talyaaniga isaga oo la kulmay duqa magaalada, Mudane Mauro Armelao iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka mudowga Yurub marwo Rosanna Conte taas oo laga soo doorto deegaankan.
Guddoomiyaha hay’adda maaraynta masiibooyinka oo la kulmay Ambassador Jamal Maxamed
Guddoomiyaha hay’adda maaraynta masiibooyinka Maxamuud Macalim ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Jamal Maxamed Xasan madaxa xarunta dhexe IGAD ee laqabsiga cimilata iyo ilaalinta Deegaanka.
Macalin Tababar oo katirsanaa Xoogga Dalka laguna helay la shaqeynta Al-shabaab oo 15-sano oo xabsi ah lagu xukumay
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku xukuntay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah sarkaal katirsanaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya kaas oo lagu helay in uu la shaqeynayey khawaarijta Arxanka daran ee Al-shabaab.
