Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka BFS oo kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya

Date:

Guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxda Wasaaradda ayaa waxaa hoggaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Xuseen Axmed Culusow, iyo Wasiiru Dowlaha Mudane  Axmed Cismaan Diiriye iyo masuuliyiin kale.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji (Jeego) ayaa isbarasho madaxda Wasaaradda iyo guddiga, xoojinta wada shaqeynta iyo iska warqabka guddiga iyo wasaaradda

Wasiir Jaamac Xasan Khaliif, ayaa guddiga usoo bandhigay qorshe howleedka Wasaaradda, Sharciyada iyo xeerarka ay hortebinta u leh, isagoo guddiga ugu mahad celiyay wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa.

Xubnaha guddiga ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo la xiriira Shaqada Wasaaradda iyo howlaha mudnaanta u leh Guddiga.

Wasiirka ayaa jawaabo ka siiyey arrimihii wax laga weydiyey ee ku saabsanaa shaqada wasaaradda iyo heshiisyadii ay lasoo galeen wadamada uu la kulmay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari...

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...