Jimmy Carter Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka oo isbitaal la dhigay

Date:

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka, Jimmy Carter, ayaa laga saarayaa isbitaalka kadib markii la dhigay, iyadoo lagu baxnaanin doono gurigiisa ku yaalla Georgia.

Xarunta Carter, ayaa sheegtay in Carter uu go’aansaday inuu “waqtiga u haray guriga uu kula qaato qoyskiisa,” balse ma aysan sheegin waxa ku kalifay go’aanka uu qaatay.

Carter, oo 98 jir ah, ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay lasoo darsay arrimo caafimaad, oo uu ku jiro cudurka Kansarka nooca ku dhaca maqaarka, iyo mid kale oo ku faafay beerka iyo maskaxda.

Hoggaamiyihii ugu da’da weynaa ee dalka soo mara, ayaa waxa uu xilka hayay hal xilli intii u dhaxeysay sanadihii 1977-81.

Intii uu xilka madaxweynenimo hayay Carter, ayaa waxa uu la kulmay caqabado badan oo dhanka siyaasadda dibadda ah, waxaana xisbiga Dimuqraadiga loogga adkaaday doorashadii oo markaa lagu soo doortay Ronald Reagan.

“Waxa uu taageero buuxda ka haystaa qoyskiisa iyo kooxdiisa caafimaadka. Qoyska Carter ayaa arrintan waxey si qarsoodi ah u waydiisteen dhakhaatiirta tallaabadan, wayna uga mahadcelinayaan welwelka ay muujiyeen dadka qalbiga ka jecel Carter,” Xarunta Carter ayaa ku sheegtay bayaan ay soo saartay Sabtidii warbixintaasi.

Bukaanka aadka u xanuunsan, ayaa laga yaabaa in wali loo fidinayo daryeel caafimaad oo gaara, halkii ay ka mari lahaayeen daaweyn dheeraad ah. Muhiimadu maaha in la siiyo daawayn dheeraad ah, laakiin waa in la gudbiyaa nolol raaxa ah, illaa iyo inta ay ajasha geerida uga iman ruuxani.

Wiil uu awow u yahay Carter, Jason Carter, oo hore u ahaan jiray senetar ka tirsan gobolka Georgia, ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in uu booqday “awoowii shalay.”

“Wuxuu ku sugan yahay nabad jirta – had iyo jeer – iyo guri uu ka muuqdo kagacallo.

Sannadkii 2021-kii, Carter iyo xaaskiisa Roslyn, ayaa waxay u dabaal dageen sannad-guuradii 75-aad ee guurkooda. Waxay isku dhaleen afar carruur ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta...

DHAMAYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA

Qareen Mohamed Hassan Nur ayaa waxa uu ka qoray...